Sunday, March 9, 2014

Xukuumadda oo bilowday gogol-xaadhka muwaadiniin ku jirta xeryaha Qaxoontiga Jabuuti oo dalka dib loogu soo celinayo




Lughaya, 09 March, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Md Axmed Cabdi Aadan oo ay weheliyaan saraakiil ka kala socota xafiisyada Hargeysa iyo Jabuuti ee hay’ada Qaxoontida u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNCHR, ayaa shalay kormeer ku gaadhay magaalooyinka Lughaya iyo Saylac ee gobolka Selal.


Ujeeddada kormeerka Wasiirka iyo Weftiga ayaa salka ku haysa gogol-xaadh loo samaynayo qaxoonti Somaliland ah oo muddo labaataneeyo sanno ah ku dhaqnaa xeryo-qaxoonti oo ku yaala dalka Jabuuti, kuwaas oo hay’adahan iyo wasaaradda Dib-u-dejintu iska kaashanayaan sidii dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo.


Wasiirka-dib-u-dejinta-Somaliland-Axmed-Cabdi-KaahinWasiirka dib-u-dejinta Md Axmed Cabdi Aadan oo warbaahinta kula hadlay degmada Lughaya, ayaa ka warbixiyey ujeeddada socdaalkooda, waxaanu yidhi,  “Socdaalkayagu wuxuu ku salaysan yahay inaan kormeer ku sameeyo degmooyinka iyo tuulooyiinka, waxaana ila socda hay’adaha Mucaawimooyinka ee ay ka mid yihiin UNCHR –Hargeysa, UNHCR-Jabuuti, kuwaas oo eegaya xaaladda Caafimaadka, biyaha, waxbarashada iyo nabad-gelyada. Taas oo ujeeddadeedu tahay in wax laga qabto halkii wax lagu qabanayo dhinac caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo wixii ka dhiman.”


Dhinaca kale, Odayaal iyo wax-garad ka tirsan deegaanka Lughaya, ayaa si adag uga qayliyey qaxoontiga dib loogu soo celinayo dalka oo ay ku tilmaameen mid looga danleeyahay arrimo siyaasadeed, iyaga oo ku dooday in lagu baro-kicinayo dadweynaha deegaanka ku dhaqan.


Odayaasha iyo wax-garadkan oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Lughaya oo ka hadlay sida ay u arkaan qaxoontiga laga soo rarayo xeryaha Qaxoontiga ee dalka Jabuuti, ayaa waxa hadalladooda ka mid ahaa; “Waxaanu ka hadlaynaa qaxoontiga la sheegay in laga soo wado Jabuuti ilaa Itoobiya ee degmada Lughaya iyo Saylac lagu soo ururinayo, dad wadaniyiin ah dhulka degaya maaha, waa wax ujeeddo kale laga leeyahay oo siyaasad qarsoon lagu wado weeye.”


“Waa wax umaddii dhulkan taalay lagu baro-kicinayo. Xeebaha Somaliland Lughaya iyo Saylac inta ku abuuran ilaa daa’iman waa wax la garanayo weeyi,” sidaa wax yidhi mid ka mid ah cuqaasha degmada lughaya.


 


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment