Hargeysa, 09, March, 2014-(Himilo)- Aas Qaran ayaa maanta duleedka Koonfureed ee magaalada Hargeysa loogu samaynayaa 44 Marxuum oo qalfoofka hadhaaga Meydadkooda laga soo saaray saddex Xabaal-wadareed oo ku yaalla Xaafadda Badhka ee Caasimadda Somaliland, kuwaasoo ka tirsan dadkii uu xasuuqay Taliskii Millateriga ahaa ee Soomaaliya sannadihii Siddeetamaadkii.
Guddida baadhista Xasuuqa oo dawladda Somaliland Masuul uga ah baadhitaannada Xasuuqyadii dadka Somaliland uu u geystay taliskii Millateriga ahaa ee Siyaad Barre, ayaa qorshaysay in dib loo aaso hadhaaga Meydadka 44 Marxuum ee laga soo saaray saddex Xabaal-wadareed, isla markaana loo sameeyo Aas Qaran oo waafaqsan shareecada islaamka.

44-ka Marxuum hadhaaga Meydadkooda Aaska Qaran loo sameeynayo, ayaa waxay ka mid ahaayeen dadweynihii tirada badnaa ee u dhashay dalka Somaliland ee Taliskii Millateriga ee macangagga ahaa ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre u xasuuqay Isir ahaan sannadihii siddeetamaadkii.

Waxaanay Khoborada Ururkaasi baadhitaan ku sameeyeen laba Xabaal-wadareed oo ku yaalla Xaafadda Badhka ee magaalada Hargeysa, waxaanay ka soo saareen hadhaaga Meydadka 38 Marxuum, intaasi ka dibna ururka EPAF waxay dib dalka ugu soo laabteen horraantii sannadka 2014-ka, waxaanay baadhitaan kale ku sameeyeen hal Xabaal-wadareed oo ku taal isla Xaafadda Badhka waxaanay ka soo saareen hadhaaga Meydadka 6 Marxuum.
Ururka EPAF waxay guud ahaan baadhitaanno ku sameeyeen saddex Xabaal-wadareed oo ku yaalla Xaafada Badhka ee magaalada Hargeysa, waxaanay ka soo saareen hadhaaga Meydadka 44 Marxuum, oo ay ku sheegeen inay dhammaantood Rag ahaayeen, oo ay ka muuqato in la xasuuqay.
Guddida baadhista Xasuuqyada oo kaashanaysa khubaro caalami ah, ayaa hore u caddeeysay oo dunidana u bandhigay in Somaliland Miyi iyo Magaalo ku yaallaan Xabaal-wadareedyo ka badan 200 oo Qubuurood oo ay ku aasan yihiin Kumannaan dadweyne ah oo uu Xasuuqay Taliskii Millateriga ahaa ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, sannadihii siddeetamaadkii, xilligaasoo dalkan Somaliland uu ka mid ahaa dalweynihii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Dimquruaaddiga Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Somaliland oo hore u horseedday Midawgii dawladnimo ee Soomaaliya ay dib ula soo noqotay Madax-bannaanida iyo gooni-isu-taaggeeda dawladnimo 18-kii May 1991-kii, walloow aanay dunidu wali aqoonsan jiritaanka dawladnimada Somaliland, waxaana xusid mudan in haatan Somaliland iyo Soomaaliya oo kala ah laba dawladood uu u socdo wada-hadal dunidu isha ku hayso. Wadahadalladaas oo haatan maraya wareeggii lixaad waxa Ergooyinka wadahadallada u metelayey Somaliland iyo Soomaaliya si toos ah uga wadahadleen dhibaatooyinkii iyo xasuuqyada dawladdii Soomaaliya u geysatay dadka u dhashay Somaliland.
Aaskan Qaran ee loo sameeynayo hadhaaga Meydadka 44-ka Marxuum ee Guddida Baadhista Xasuuqyada oo kaashanaysa Ururka caalamiga ah ee EPAF, ayaa waxa kale oo ka soo qaybgalaya inta iLlaa haatan la ogyahay Wufuud caalami ah oo ka kala socota Ururka Garyaqaannada caalamiga ah ee CJA iyo qaar ka mid ah Suxufiyiinta dunida.
Waa markii ugu horreysay ee inta Xabaal-wadareedyo la baadho laga soo saaro hadhaaga Meydadka ku aasan, ka dibna dib loo aaso si heer Qaran ah. Waloow ay hore u jireen Meydad sidan oo kale loo xasuuqay oo ay Daadadka Roobabka waawayni sannaddo ka hor ka soo saari jireen Xabaalaha Xasuuqa ee Malka-durduro oo ku yaalla duleedka Koonfur-galbeed ee magaalada Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment