Eedaysanayaasha oo ka koobnaa toddoba xubnood oo qaarkood dilka ku eedaysan yihiin kuwona gacan-siinta dilkaas ku eedaysan yihiin, ayaa Maxkamadda la horgeeyey markii koowaad, kuwaasoo ay Maxkamaddu u jartay toddoba cisho oo rummaan ah, isla markaana dalbatay in la dedejiyo baadhista kiiska eedaysanayaashaas sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Maroodi-jeex.
Ammaanka Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa), ayaa aad loo adkeeyey shalay subax, isla markaana markii eedaysanayaashaas la keenay Maxkamadda, looma oggolaan inay Warbaahinta iyo dadweynuhu dhegaystaan waxa ay Maxkamaddu ka leedahay iyo nooca kiiska lagu soo eedeeyey toddobada xubnood ee loo haysto dilka Marxuumad Raaqiya Siciid Ayaanle iyo kuwa ku eedaysan inay gacan ka geysteen dilkeeda.
Hase-yeeshee, Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) Axmed Cismaan Mire, ayaa sheegay in la dedejin doono Baadhista ugu hadhsan kiiskaas oo uu sheegay inay Maxkamaddii awoodda u lahayd Rummaan-garaysay, isla markaana eedaha ay Maxkamadda horgeeyeen ahaayeen eedayntii koowaad ee dhinaca Baadhista Booliska lagu ogaaday, iyaguna Xeer-ilaalin ahaan ay kiiskooda isku hagaajisan doonaan, maaddaama oo sida uu xusay kiiskani yahay mid ku cusub dalka Somaliland.

Xeer-ilaaliye Axmed Cismaan Mire oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Markaa, kiiskaas waa la rumaan-gareeyey oo Maxkamaddii awoodda u lahayd way rumaan-garaysay in si deg-deg ah loo qaado, annagana Booliska, ayaa noo keenay, annaguna Maxkamadda ayaannu hor-geynay.”
Mar Xeer-ilaaliyaha la weydiiyey qodobbada loo cuskaday toddobada eedaysane ee saaka Maxkamadda gobolka Hargeysa la hor-geeyey, waxa uu ku jawaabay; “Dadka ku eedaysan inay dilkii Marxuumadda tooska u geysteen waxay ku eedaysan yihiin qodobbada 434 oo lala akhrinayo qodobka 71 ee Xeerka Ciqaabta guud.”
Axmed Cismaan Mire oo jawaabta uu su’aashaa ka bixiyey sii wataa waxa uu yidhi; “Dad aan wali warkoodu caddayn oo gacan-siin ku eedaysan ayaa jira, kuwaasoo uu hayo qodobka 297 Xeerka Ciqaabta guud haddii ay ku caddaato haddii kale-na ay xorriyaddooda heli doonaan, Dadka eedaysani waa todoba qof oo ah wixii fal danbiyeedkaasi ku raad yeeshay ee ilaa imika la ogaaday ee la helay ayuunbaana eedaysan.”
Dadweynaha reer Somaliland, ayaa aad ugu dheg-taagaya waxay Hay’adaha Garsoorka Somaliland ka yeeli doonaan dadka ku eedaysan dilka Marxuumad Raaqiya Siciid Ayaanle oo Axaddii toddobaadkii hore Meydkeeda laga helay god laga qoday guri ku yaalla Xaafadda New Hargeysa ee degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa, kaasoo ay degganaayeen qos ay ka xidhan yihiin lix qof oo isugu jira Hooyo Muuna Maxamed Cabdillaahi oo ah eedaysanaha koowaad ee kiiskan, laba Wiil iyo laba Gabdhood oo ay dhashay iyo Saygeeda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment