Mahiga oo xilkiisii hore ee ergeyga Soomaaliya/Somaliland uu bedelay Nicholas Kay oo Ingiriis ah ayaan wax badan hore looga sheegin waxa uu qaban doono.
Balse, Mahiga oo in badani filaysay inuu ka qaban doono dalkiisa xil arrimaha dibedda, ayaa soo-ifbaxa xilkan cusub ee loo magacaabay, ayaa la sheegay inuu si weyn shaqeyn doono fasiraadda iyo casharada laga bartay dhexdhexaadinta khilaafyada.
Sida ay baahisay wakaalada Inner City Press, saraakiil Qaramadda Midoobay oo wax laga weydiiyey ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay xilka loo magacaabay isla markaana sheegay inaanay fikrad badan ka haysan joogitaanka Mahiga ee Qaramadda Midoobay.Xilka loo magacaabay Mahiga, ayaa sida ka muuqata ka shidaal-qaadanaya waayo-aragnimo uu ka kasbaday wakhtigii uu xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa siyaasadda dhinacyada Soomaalida iyo doorkii uu ka qaatay isku-dhawaynta iyo xalinta khilaafyo regaadiyey dawladihii soo maray Soomaaliya wakhtigii uu xilka hayey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment