Tuesday, September 2, 2014

Caruus Meherka Arooskiisa Ku Bixiyay Lacag Uu Kasoo Xaday Aabihii

Nin u dhashay dalka mourtania ayaa xaflada meherkiisa ku bixiyay lacag uu kasoo xaday adeerkii oo uu u shaqeeyo kadib markii kasoo xaday khasnada lacagta oo isagu ka wakiil ahaa.
Caruuskan ayaa lacag gaadhaysa 50,000 oo lacagta wadankaas laga isticmaalo ah ku bixiyay xaflada meherkiisa kadib markii qadarkaas lacagta ah uu kasoo xaday khasnada shirkada uu ka hawl galo oo u mulkiile ka yahay adeerkii oo uu muddo la shaqaynayay waxaana arrintan lagu war helay markii ay muddo kasoo wareegtay xaflada meherka.
Sida ay qortay jariirada al-itaxad ee dalka imaaradka mulkiilaha shirkada ayaa ku war helay in lacagtani ka maqan tahay khasnada waxaana uu markiiba weydiiyay wiilka uu adeerka u yahay ee uga wakiilka ahaa shaqadaasi iyadoo wiilkuna markiiba u sheegay in lacagtaas uu isagu ka saaray khasnada isla markaana uu ku bixiyay meherkiisa isaga oo qirtay tuugada uu sameeyay.
Mulkiilaha shirkadan lahaa ee uu qasnadiisa dhacay wiilka uu adeerka u ahaa ayaa markiiba toos ugu tagay walaalki,waa abaaha dhalay wiilka xatooyada sameeyey isaga oo ka dalbaday inuu usoo celiyo lacagta uu inankiisu ka xaday khasnada uu wakiilka ka ahaa ee shirkada kuna bixiyay meherkiisa.
Jariirada warbixintan qortay ayaa sheegtay in aabaha wiilka dhalay uu aqbalay inuu bixiyo lacagta wiilkiisu xaday ee uu meherka ku bixiyay, waxaana uu aabuhu codsay in ninka mulkiilaha ah ee shirkada la xaday lahaa ee walaalkii ahi uu bixiyo lacagta qaybtiisa maadama wiilka uu u ahaa adeer, waxaana sidoo kale waxa uu ku xidhay shuruud ah in shaqada laga joojiyo wiilka xatooyada gaystay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment