Tuesday, September 2, 2014

Yaabka Dunida: Magaalo Dumarka Oo Qudha Loogu Talo Galay Oo Ku Taala Dalka Brazil

Nueva de Cordero waa magaalo ku taala dalka brazil waxaana ku nool haween ama dumar qudha, magaalada ayaa waxa ku nool dumar tiradoodu gaadhayso 600 dumar ah kuwaas oo da’doodu u dhaxayso 20-35 sano, dumarkan ayaa qaarkood la qabaa ama xaaslay ah isla markaana leh caruuro laakiin ma jirto cid kula nool magaalada waxaana raga dumarkan qaba iyo caruurtooduba ay dagan yihiin magaalooyinka kale ee ku hareeraysan magaaladan sababo shaqo iyo waxbarasho awgeed.
Sharci ay soo rogtay dawlada brazil ayaa dhigaya in dadka da’doodu ka yartay 18 jir oo caruur loo aqoonsan yahay aanay magaalada iman karin ilaa inta ay waxbarashada soo dhamaysanayaan ee ay kordhayso da’doodu, waxaana magaaladani ay ku taala deegaan cidlo ah oo miyi ah waxaana haweenka magaaladan ku dhaqani ay qabtaan dhamaan hawlaha deegaanka ka jira sida beer qodista, dhismayaasha iyo hawlaha kale ee maamulka ah ee magaaladan ka jira.
Magaaladan ayaa waxay noqotay mid ka duwan magaalooyinka kale ee dalka brazil waxaana ay ku suntan tahay magaalada haweenka, maadama cida ku nooli ay haween qudha tahay, Rosalie Fernandez oo ka mida dumarka halkan daganaa muddo dheer ayaa sheegtay in magaaladoodan ay ka wanaagsan tahay magaalooyinka kale ee brazil ku yaala ,waxaanay ku dooday Fernandez in haweenku xaga nadaafada iyo qurxinta ay raga kaga fiican yihiin taaasina ay tahay sababta keentay in ay magaaladoodu noqoto mid bilic qurux badan iyo jawi wanaagsan leh.
Magaalada ayaa waxa aasaaskeeda la hirgaliyay sanadkii 1891kii kadib markii haweenay lagu magacaabi jiray Seanorana Maria de Lima ay dagtay magaaldan iyadoo xilligaasi kasoo baxsatay gurigooda oo ku yaala tuulo u dhaw magaaldan waxaana Seanorana Maria de Lima wakhtigaasi ay ahayd firxad kadib markii lagu eedeeyay inay si sharci daro ah u guursatay nin ay is jeclaayeen oo waalidkeedna u diiday kadibna markii lagu war-helay ay isula baxsadeen magaaladan, waxaana wakhtiyadii danbe ay magaaladani noqotay mid u gaara dadka lamaanaha ah ee isjecel iyadoo aakhirkiina noqotay magaalo u gaar ah haweenka oo ay dumarku ku badan yihiin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment