Tuesday, September 2, 2014

Dhaq-dhaqaaqyo Tahriib oo Doonyaha Kalluumaysata Shisheeye ka bilaabeen Xeebaha Galbeed oo la Fashiliyey

Hargeysa, 02 Sept, 2014 (Himilo)- Laanta Socdaalka Somaliland oo kaashanaya Ciidanka Ilaalada Xeebaha, ayaa fashiliyey qorshe la doonayey in xeebaha dalka tiro tahriibayaal ah looga tahriibiyo waddamada Khaliijka Carabka, iyada oo gacanta lagu dhigay tiro tahriibayaal ah iyo dadkii ka dambeeyey.
9d2cd46ee3edfed65525633459e1a1e8_LTaliyaha Laanta Socdaalka iyo ku xigeenka Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay magaalada Hargeysa shalay, ayaa warbaahinta u soo bandhigay 20 Tahriibeyaal ah iyo laba nin oo u dhashay dalka Yemen oo xeebaha galbeed ee dalka Dooni ka saarayey dadka, kuwaas oo ciidamadu ilaalada xeebuhu todobaadkan gacanta ku dhigeen.
“Waxaanu dagaal kula jiraa Tahriibayaal badan oo Somaliland u kala dhaafa daafaha, qaar ku qulqula xagga Boosaaso, qaar u socda xaga Xeebta Jabuuti ama gobolka Salal, taas oo ay hadda xayndaab adag iskaga kaashadeen Ciidanka Badda iyo Laanta socdaalka,” ayuu yidhi Taliyaha oo ka hadlayey qaabka ay tahriibayaashu marinka uga dhigtaan gudaha Somaliland.
Taliyaha oo ka hadlayey tahriibayaasha ciidamada ilaalada Xeebuhu ku soo qab-qabteen xeebaha gobolka Selal, waxa uu yidhi, “Laakiin, dhacdadan waxaan ugu mahadnaqaynaa Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland oo ku guulaystay inay mar kaliya soo qabtaan Tahriibayaashii, dadkii tahriibinayay iyo Doontiiba, taas oo aanu hawl gal balaadhan ka dhigayno sidii aanu u soo qaban lahayn tahriibayaasha meel kasta oo ay marayaanba.”
Doonta ay tahriibayaashu ka raacayeen xeebaha gobolka Selal ee ciidamadu gacanta ku dhigeen iyo laba nin ee dalka Yemen u dhashay, ayaa ah kalluumaysatada shisheeye ee oggolaanshiyaha loogu siiyo inay ka kalluumaystaan xeebaha Galbeed ee dalka, haseyeesehe hawl-galka ciidamadu ku qab-qabteen, ayaa fashiliyey hawl-gallo qarsoodi ah oo lagu fuliyo doonyaha kalluumaysata shisheeye ee ogolaanshiyaha u haystay inay ka kalluumaystaan xeebaha galbeed ee dalka.
Hawl-galka Ciidamadu ilaalada Xeebuhu ku qab-qabteen Tahriibayaasha ayaa noqonaya dhacdadii labaad ee sidan oo kale loogu qabto tahriibayaal laga rarayo xeebaha gobolka Selal.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment