Tuesday, September 2, 2014

“Hebel baan ahay oo Ina’ Heblaayaa i dhashay ee maanad igaranayn, socon mayso, waxa soconaysa…”

Wasaaradda Daakhiliga oo gobollada dalka u kala diraysa Agabka lagu Fulinayo Diiwaangelinta Madaniga ah

Hargeysa, 02 Sept, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay si mug leh uga qayb-qaataan Diiwaangelinta Muwaadiniinta oo la qorsheeyey gobollada iyo degmooyhinka dalka inay ka dhacdo badhtamaha bishan.
wasiir-warancaddeWasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu sheegay in hirgelinta kaadhadhka diiwaangelinta muwaadiniintu qayb laxaad leh ka geysanayso sugidda ammaanka dalka iyo karan-tiimaynta dadka sharci-darrada ku jooga waddanka, waxaanu shacabka u soo jeediyey in aan loo kala hadhin qaadashada kaadhka aqoonsiga Muwaadinka .
Wasiir Waran-cadde oo warbaahinta kula hadlay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay ka socotay hawsha diyaarinta Agabka diiwaangelinta ee loo kala dirayo gobollada dalka, waxa uu yidhi, “Halkanaa lagu xidh-xidhayaa oo laysku rakibayaa, dabadeedna waxa la geynayaa todobaadkan dhammaan goobihii waddanka Somaliland meel kasta oo ay tahay oo laga bilaabayo diiwaan-gelintii Muwaadinka.”
Wasiirka oo ka hadlayey muhiimadda qaadashada kaadhka Aqoonsiga muwaadinku ugu fadhido qaranimada iyo ammaanka dalkaba, waxa uu intaas ku daray, “Kaadhka diiwaangelintu wuxuu caddaynayaa jinsiyadda qofka sitaa uu yahay oo waxay muujinayaan muwaadiniinta Somaliland. Waxa kale oo faa’idada Kaadhka ka mid ah dhinaca nabad-gelyada oo wixii immika ka dambeeya qofku uu noqon doono in la weydiiyo kaadhka uu sitaa waxa uu yahay oo qofku inuu Somalilander yahay iyo in kale ay ciidamada nabadgelyadu baadhi doonaan oo la ogaan doono qofkii kaadhkaas aan sidan uu noqon doono qof aan dalka ahayn. Waayo waxa lagu garanayaa waa kaadhka, ileyn dadka waynu isu wada-eegnahaye, maaha hebel baan ahay oo ina Helaayaa i dhashay ee maanad igaranayn socon mayso, waxa soconaysa mee kaadhkaagii,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment