Tuesday, September 2, 2014

Duqaymo Lagu Badhtilmaameedsaday Hoggaanka Al-shabaab Oo Xalay Maraykanku Ka Fuliyey Somalia

Sablaale:Sep,02,2014(Himilo)-Diyaaradaha Maraykanka ayaa habeenkii xalay Duqayn xagga cirka ah ka fuliyey Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose ee Somalia oo ay ku sugnaayeen Hoggaamiyayaasha sarsare ee Ururka Al-shabaab.

Duqeyn-110x90Aqalka Pentegonka mareykanka oo weerarkan xaqiijiyey, ayaan wali bixinin Faahfaahin uu ku xaqiijinayo khasaaraha ka dhashay, waxase kaliya uu qiray in diyaaradihiisu ay weerarkaas fuliyeen, badhtilmaameedkuna ahaa saraakiil sarsare oo Al-shabaab ah.

Kudhawaad 6 gantaal ayaa lasheegay in diyaaradaha darooniska mareykanka ay ku gaaraaceen inta udhaxeesa Sablaale iyo Hawai oo udhow magaalada Dekada leh ee ay aadka ugu xooganyihiin Al-shabab ee Baraawe.

“Waxaynu sahmineenaa natiijada howlgalkan waxaana soo gudbin doonaa faafaahin dheeri ah marka ku quman” sidaa waxaa yidhi afhayeenka Pentegonka mareykanka John Kibry.

Pentegonka ma aanu kala cadeyn sidoo kale in howlgalka kalifa uu ku egaa diyaaradaha darooniska iyo in ay kulug lahaayeen ciidamada sida khaaska ah u tababaaran ee mareykanka oo dhulka kusugnaa.

Gudoomiyaha gobolka shabelada hoose ee dowlada Somalia abduqadir maxamad nuur siidii oo wareeysi siinayey ,VOA Somali ayaa xaqiijiyay in duqeynta lala eegtay koob sida uu sheegay ay ku aruursanayeen saraakiil sar sare oo katirsan ururka Alshabab.

Marka laga soo tago waraka gudoomiyaha shabelada hoose ee sheegay in hugaamiyaha Alshabab uu goobta kusugnaa majirto cid ka madaxbanaan gudoomiyaha oo arintan xaqiijinkarta dhanka kale.

Al-shabab Wali kama ay hadlin duqeyntan mareykanku uu kageystay inta udhaxeysa degmada sablaale iyo haawaay ee gobolka shabelada hoose.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment