
Hanjabaada ka soo yeedhay Putin ayaa jawaab u ahayd cunoqabatayn xoog badan oo Midowga Yurub ku hanjabey in Ruushka ay sii saarayaan muddo todobaad gudihiis, haddii aanay xaaladda Ukraine faraha kala bixin.
Sida laga soo xiganayo Joornaalka wax ka qoray wada hadalka labada masuul dhex maray, waxa uu dhacay muddadii uu socdey shirkii heerka sare ahaa ee Midowga Yurub Brussels ku yeesheen maalintii Sabtida ee la soo dhaafey.
Barroso ayaa siiyey Putin muddo todobaad ah in uu xaaladda ku dejiyo haddii kale cunno-qabatayn xoog leh la saarayo, waxaana uu wel-wel ka muujiyey sida Midowga Yurub uga xun yahay ciidamada Ruushanka ee ka dagaalamaya gudaha Ukraine, Madaxweynaha Ruushanka Putin ayaa jawaabtiisi noqotey “Dhibaatadu maaha taas, haddii aan doono Kiev muddo laba todobaad ah gudaheed ayaan ku qabsan karaa”, waxaana uu ka digey cawaaqib xumada ka dhalan karta cunno-qabataynta oo uu ku tilmaamey mid aan waxba dhaamin dagaal.
Hanjabaada Putin u jeediyey Barroso ayuu ku dhexfurey madaxda Yurub shirkii Sabtda, waxaana joornaalka La Repubblica u xaqiijiyey saraakiil ka qaybqaatey shirkii Midowga Yurub ee Sabtidii la soo dhaafey ka dhacay Brusels.
Dalalka Midowga Yurub ayaa ku kala aragti duwan sida loola dhaqmaayo Ruushka, Dalka Jarmalka ayaa sheegaya in dhaqaalihiisa dhaawac weyn uu soo gaarsiiyey cunnoqabateynta Ruushka la saarey, sidoo kale dalalka Hungeeriya, Slovakiya iyo Qubrus ayaa ka soo horjeeda ganaaxa culus ee Midowgu ku hanjabey waxaana ku xidhan Ruushka danahooda.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment