
Dowladahan hubeynaya Kurdida Ciraaq ayaa sheegay in tilaabadan ay tahay midda kaliya ee xiligan lagu xakameyn karo xoogaga IS ee kusii fidaya waqooyiga wadanka Ciraaq.
Hase yeeshee hubka faraha badan ee Kurdida lasiiyey ayaa laga cabsi qabaa in mustaqbalka u fududeyso xoogaga Kurdida inay ku dhawaaqaan gooni isu taaga kana baxaan dalka Ciraaq.
Dhinaca kale xoogaga Kurdida ayaan weli si buuxda ugu guuleysan inay la wareegaan inta badan dhulkii ay xoogaga Daacish heysteen, kooxda IS ayaa khasaaraha ugu badan ee illaa iyo hada soo gaadhaya uga yimid duqeyntii diyaaradaha Maraykanka.
Kooxda IS ayaa hada bilowday inay bedasho habkii ay hore u dagaalami jirtay iyadoo aan xiligan adeegsan gaadiidka dagaalka ee badan iyagoo arrintaasi uga gaashaamanaya diyaaradaha Maraykanka ee Badhtilmaamadaysanaya.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment