
Ninkan la qalay ee Al-Qacida ka tirsanaa oo magaciisa la odhan jiray Abu Cubaydah Al-Mqribi Ayaa Ahaa ninka ugu sareeya dhanka amaanka waxaana la qabtay maalin kadib Markii la bireeyay wariye Maraykanka u dhashay oo James Foley la odhan jiray.
Warar DAACISH kasoo baxay Ayaa waxaa Lagu sheegay in Lasoo ogaaday in Abu Cubaydah Al-Maqribi uu Xubin fir fircoon ka Ahaa hay’ada sirdoonka Ingiriiska ee MI6 oo uu xogaha kooxda u gudbin jiray.
Abu Cubaydaha oo Asal Ahaan kasoo jeeday Dalka Marocko haystana dhalashada Dalka Holland Ayaa muddo dheer ka mid ah Al-Qacidada Ciraaq iyo Syria ka dagaalamaysa.
Wakaaladda wararka u faafisa Dalka Jordanien Ayaa Iyana iyadoo soo xiganaysa wasaaraddaha arrimaha dibbadda dalalka Marocko iyo Holland waxay sheegtay in la xaqiijiyay in hogaamiyahaas qoorta la ag dhigayay.
nWarar kale Ayaa sheegaya in Hogaamiyahan ay Al-Qacida ay bireysay uu mar Ahaa madaxa sirdoonka Al-Qacida waxaana xarun u aheyd magaalada Lagu dilay ee Caleebo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment