Maxaad kala socotaa horumarka iyo tacaddiyada Xuquuqda Aadamaha ka dhanka ah ee uu ku kacay Cabdi-ilay intii uu xilka hayey iyo siday ugu suuragaleen?
Jigjiga, 02 Sept, 2014 (Himilo)- Madaxweynihii dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Iley), ayaa qoray Warqadda iscasilaaddiisa, ka dib markii khilaaf soo dhex-galay Ku-xigeennadiisa iyo Masuuliyiinta Xisbiga laga soo doorto Madaxweynaha Ismaamulka, kuwaasoo ay dhex-dhexaadisay dawladda Federaalka Itoobiya, ka dibna lagu khasbay intaan codka gacan-taagga ah ee kalsooni-kala-noqoshada loo qaadin inuu isagu si rasmi ah isu casilo.

Cabdi Maxamuud Cumar (Ina-ilay), ayaa xilka Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya hayey muddo shan sano iyo laba bilood ku siman, shantaas sano oo kala ah sannad uu si ku-meel-gaadh ah u hayey markii xilka laga qaaday Madaxweynihii isaga ka horreeyey, ka dibna markuu sannadkii dhammaystay uu ku guulaystay doorashadii dalkaas ka dhacday oo loogu doortay muddo shan sano ah, balse ay illaa toban bilood uga hadhsanaayeen inuu dhammaysto shanta sano ee la doortay. Isla markaana, is-casilaaddiisan hadda ay soo dedejiyeen khilaaf dhex-maray ku-xigeennadiisa iyo cadaadis xooggan oo uu kala kulmay Xisbigiisa iyo dawladda labadii toddobaad ee ugu dambeeyey.
“Waxa Madaxweynuhu qoray Warqadda uu xilka iskaga casilayo, waxaanay isaga iyo Ku-xigeennadiisu u baxeen Addis Ababa oo dawladda Federaalka Itoobiya uga yeedhay. Khilaaf baa jiray toddobaadyadii ugu dambeeyey u dhexeeyey Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, waxaana khilaafkaasi gaadhay Xisbiga talada haya oo awoodda koowaad isagu leh iyo dawladda Federaalka, waxaana kulammo laba toddobaad wakhti ku siman aakhirkii lagu gaadhay inuu is-casilo,” sidaa waxa yidhi Masuul ka gaabsaday inaannu magaciisa baahinno oo ka tirsan dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Wargeyska Himilo khadka taleefanka arrintaas wax kaga weydiiyey.
Waxaannu Masuulkan weydiinnay in Ismaamuladda dawlad-deegaannadu ka madax-bannaan yihiin sharci ahaan dawladda dhexe iyo in kale, waxa uu yidhi; “Way ka madax-bannaan yihiin oo Ismaamulladu iyagaa u madax-bannaan Maamulkooda, Xisbiga Madaxweynaha laga doorto ayaa awoodda koowaad leh oo xilka ka qaadi kara Madaxweynaha, balse waxa isku xidhan oo wada-shaqayn iyo midnimo ka dhaxaysaa Xisbigan dawlad-deegaanka Soomaalida iyo Xisbiga PDP ee dawladda Federaalka Itoobiya oo ay u muuqato in haddiiba loogu yeedhi karo inay farogelin dawladda federaalku samaynayso inay Xisbigeeda soo dhex-mariso, kaasina uu Xisbi-Deegaanka soo dhex-mariyo, balse Sharciyan faro-gelin toos ahi ma jirto ee dhex-dhexaadin bay ku lahayd khilaafkooda, go’aankana Xisbigaa gaadhay.”
Madaxweynaha is-casilaadda laga dalbaday inuu qoro ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa muddadii uu xilka hayey u muuqday Masuul dedaal badan ka muujiyey dhinaca nabadgelyada iyo la-dagaallanka Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirta Itoobiya, sheegtana inay u dagaalanto madax-bannaani ay u hesho dhulka loogu yeedho Ogaadeeniya, taasoo uu difiiciyey awoodihii ay isaga ka hor lahayd, inkasta oo ay jiraan dhalliilo badan oo dul-hoganaya oo kaga imanaya dhinaca tacaddiga Shacab badan oo aan waxba galabsan oo Ciidanka Liyuu Booliska loo yaqaanno ee uu abuuray ka geysteen deegaannada Killalka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Cabdi Iley, ayaa intii uu xilka madaxweynaha hayay, waxa uu ku guulaystay inuu mashaariic horumarineed ka fuliyo dawlad-deegaanka, Hase-yeeshee, waxa inta badan Mashaariicdaa horumarineed ee kala duwan uu ka hirgeliyey Deegaannada Beeshiisu degto, oo aanu horumarkaasi gaadhin inta badan deegaannada Beelaha kale ee Deegaanka uu Madaxweynaha u yahay degaan, waxaana lagu eedeeyaa inuu yahay nin Qabiili ah, isla markaana meelaha muhiimka ah ee dawladdiisa ay ka muuqdaan dadka ay isku haybta hoose yihiin, waxaanu intii hadda ka horraysayna waxa uu kalsooni badan iyo taageero xooggan ku haystay dawladda Federaalka Itoobiya, taasoo hadda isa-soo-gabtay markii Shacab badan oo Beeshiisa u badan lagu karbaashay. Waxaase la filayaa sida la sheegay in Wasiir Ku-xigeen ama Wasiir Federaalka ka tirsan loo magacaabo, maaddaama oo uu Sir badan hayo.
Marka laga yimaaddo inuu qiimo badan ugu fadhiyo Dawladda Dhexe ee Itoobiya oo u ka caawiyey burburinta Jabhadda ONLF, haddana waxa diiwaanka xusuuska u galaya madaxweynihii u horeeyey dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee tacaddiyo banni’aadamnimada ka baxsan kula kacay beelaha kale ee shacabka uu madaxweynaha u yahay, taas oo qayb ah dacwado isbiirsaday oo dawladda Federaalka looga gudbiyey iyo khilaafka ka dhex-qarxay madaxda Xisbiga oo la sheegay inay ka mid tahay waxyaabaha soo dedajiyey kalsooni-darrada Xisbiga PDP uga gudbiyey dawladda Federaalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment