Thursday, July 30, 2015
Xisbiga Waddani Oo Hargeysa Kusoo Dhaweeyay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.
Soo dhaweynta xildhibaanka waxaa ka qayb qaatay guddoomiyaha Xisbiga Waddani,Xildhibaano iyo taageerayaasha kala duwan ee Xisbiga.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo markii madaar uu kasoo degay la hadlay saxaafada ayaa bogaadiyay go’aankii maxkamada sare ku ogalaatay qabsoomida shirarka mucaaridka “Dalkii hooyo ayaan kusoo guryo noqday,Waxaan bogaadinayaa go’aankii ay maxkamada sare soo saartay ee ay cidwalba halkeeda wixii kaga aadanayd ugu sheegtay, waxaan rajeynayaa in xukuumadu ogolaato oo u hogansanaato wixii la farayna fuliso”Ayuu Yidhi Xildhiban Cabdiqadir Jirde.
Xildhibaan Waxaa uu taageeray qodobadii kasoo baxay shirkii isbahaysiga mucaaridka “Waxaan taageerayaa go’aankii kasoo baxay shirkii wada tashiga, ee daba socday go’aankaa maxkamada dastuuriga ah, waxaanan filayaa inuu sidiisii kusoo fuli doono khilaafkaasina sidaa kusoo afjarmi doono”Ayuu Yidhi C/Qadir Jirde.
Himilomedia
Hargeysa Office
“Siyaasada aan madaxa iyo mijaha lahayn ee taala Muqdisho hadii aan laga tashan Waayo haloo diyaar garoobe…..”Pro Cabdi Ismaaciil Samatar.
“Siyaasada aan Madax iyo mijaha lahayn oo waxa wada ay tahay IIMAAN-DARO,hadii aan laga tashan waayo waxa ka socda Muqdisho waa inay diyaar u noqdaan in madaxa laga saaro nijaas iyo edeb xumo”Ayuu Yidhi Cabdi Ismaaciil Samatar.
Waxaa isa soo taraya cambaareynta loo jeedinayo hogaanka xukuumada Federaalka Soomaaliya oo todobaadkan ku dhawaaqday inaan wax doorasho ah dalka ka dhici karin 2016.
arrintaasi oo ay hore looga sii digay ayaa ahayd qodobadii loo xilsaaray dawlada Somaliya inay qabato inta ay xilka heyso, iyadoo ay sidoo kale Beesha Caalamka qaadacday in wax wakhti korodhsi ah sameeyaan Goleyaasha Dawlada Federaalka Soomaaliya oo xiligan u muuqda kuwo ay hogaaminteeda la wareegeen xisbiga Qarsoon ee Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Himilomedi
Hargeysa Office
Warbixin ay dawladda Soomaaliya ka soo saartay baadhista Qaraxii Huteel Jasiira oo lagu sheegay in Nin Boorama joogaa hagayey Weerarkaas
Muqdisho, 30 July, 2015-(Himilo)- Dawladda Soomaaliya, ayaa ku sheegtay Cabdirisaaq Muuse Buux oo da’diisu tahay 30 jir oo ka soo jeeda magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ee Somaliland uu ahaa Ninkii fuliyay Qarax Ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday Gaadhi kuwa Xamuulka ah oo Walxaha Qaraxa laga soo buuxiyay lagu weeraray 26-kii bishan Huteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ee ay ku dhinteen 17 qof, tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka weerarkan ku dhintay waxa ka mid ahaa 2 Suxufi, halka mid kalana uu ku dhaawacmay. War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya, ayaa lagu sharraxay Warbixin hor-dhac ah oo ay soo bandhigtay Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, taasoo lagu sheegay qaabka uu Qaraxaas Ninkaasi u fuliyey, halka uu ku dhashay, waddanka uu ka yimi, meelaha uu soo mara marka uu ku socday Soomaaliya iyo Habtiisa-ba.
Waxa Warkan ka soo baxay dawladda Soomaaliya uu mar kale Kooxda Al-Shabaab inuu xubin ka yahay iyo inuu korka ka hagayey weerarkaas Huteel Jasiira ku eedaysay Cabdinaasir Axmed Buuni oo ay sheegtay inuu ku sugan yahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ee dalka Somaliland, kaasoo ay hore ugu dartay Soomaaliya 12 qof oo ay Magacyadooda dul-dhigtay Lacag u dhaxaysa boqol Shan boqol oo kun illaa shan boqol oo Doollarka Maraykanka ah ciddii xogtooda oo sugan u gudbisa.
Hase-yeeshee, Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo ah ninka ay dawladda Soomaaliya magacisiisa ugu yeedhay Cabdinaasir Axmed Buuno, ayaa ah Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo Sawirkiisana ay baahisay marka ay ku dartay liiska 12-ka qof ee ay Madaxooda Lacagta dul-dhigtay dabayaaqada bishii Ramadaan oo ku beegnayd 14-kii bishan Julay 2015-ka, waxa uu isaguna 15-kii isla bishan la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da markaas oo uu ku sugnaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaanu sheegay inaanu Al-Shabaab iyo Urur kale oo uu ka tirsan yahay midna jirin, warka dawladda Soomaaliya-na been-yahay, Sawirkiisa ay adeegsatayna xad-gudub ku yahay sharaftiisa, karaamadiisa iyo jiritaankiisa, isla markaana uu Maxkamad caalami ah la tiigsan doono ciddii dawladda Soomaaliya ee falkaas kula kacday.
War-Saxaafadeedka qoraalka ah ee shalay ka soo baxay dawladda Soomaaliya ee baadhitaanka hor-dhaca ah ee Qaraxaas Huteel Jasiira laga sameeyey lagu soo koobay, waxa uu u dhignaa sidan:- “Cabdirisaaq Muuse Buux, ina Shukri Faarax, 30 jir, Reer Boorame ah, ku dhashay magaalada Tripoli ee dalka Liibiya, wuxuuna ku noolaa magaalada Born ee dalka Jarmalka. Cabdirisaaq wuxuu soo maray dalka Masar, markii uu dalka dib ugu soo noqonayey sannadkii 2012. C/Risaaq wuxuu ku soo biiray Kooxda UGUS (Al-Shabaab) 2013-kii, iyagoo dad qurbo-joog ahi ay ku soo tashkiiliyeen.
Qaraxan mas’uuliyaddiisa waxaa sheegtay kooxda UGUS (Al-Shabaab), waxaa soo baxaya inay jiraan shaqsiyaad kale oo lahaa abaabulka & fududaynta weerarkaas, waxaana la rumaysanyahay inay ka mid ahaayeen:- Cabdinaasir Axmed Buuni, oo ahaa shaqsiga kor ka hagayey qaraxa ismiidaaminta ah, wuxuuna hadda ku suganyahay magaalada Boorame.
Sidoo kale, waxaa gacan wayn ka geystay fududaynta weerarkaas nin ka mid ahaa Hoggaamiye-kooxeedyada dalka soo marey, oo hadda ka cararey magaalada Muqdisho. Waxaana socota baadhis, dib ayaanan ka soo sheegi doonnaa magaca shaqsigaas & faahfaahin dheeraad ah. Weli waxaa socota baadhis ku saabsan falkaas aragaggixisannimo ee ay soo maleegeen cadawga Nabad-diidka ah ee UGUS, wixii ka soo baxa baadhistaas dib ayaan ka soo sheegi doonnaa.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedkaas.
Hase-yeeshee, Muwaaddinkan reer Somaliland ee Boorama ku sugan ee markii labaad ay dawladda Soomaaliya ku eedaysay inuu Al-Shabaab ka tirsan yahay, isla markaana dusha ka hagayey weerarkaas, ayaan weli ka hadal eedda markii labaad loo soo jeediyey. Balse markii hore ee ay Soomaaliya liiska 12 ka ruux ku soo dartay oo ay sheegtay inuu yahay Sarkaal Al-Shabaab u qaabbilsan soo ururinta Lacagaha Carabaha, Ganacsatada, Hay’adaha iyo Ururrada, wuu iska difaacay eeddaas.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Axmed Xayir (Maareeye) oo wax laga weydiiyey eedaynta Cabdinaasir Buuni uu beeniyey, ayaa markaas sheegay in haddii Kiiskaas lagu waayo ay dawladda Soomaaliya samirsiin siin doonto Muwaaddinkaas iyo ciddii kale ee Al-Shabaabnimo lagu waayaba. Illaa hadda-se lama garanayo xaqiiqada eedaha dawladda Soomaaliya ay Cabdinaasir oo Boorama ku sugan kula xidhiidhinayso Al-Shabaab iyo in dooddiisu jaban tahay toona.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Nuxurka Go’aamo ay qodobbo ka mida ku dalbaanayaan Faro-gelin Shisheeye oo ka soo baxay Shirkii Mucaaradka iyo Jawaabta Xukuumadda
Go’aamada lixda ah ee Xisbiyada mucaaradku oo saareen shalay ku lifaaqnaa war-murtiyeedka ay wada-jir ugu saxeexan yihiin Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani oo lagu shaaciyey natiijada shirka mucaaradka, ayaa shan ka mid ah lagaga hadlay dib-u-dhaca doorashooyinka, halka qodobka lixaad lagaga hadlay qadiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo xoojinta nabadgelyada dalka.
Qodobka ugu horreeya ee go’aamadan ayaa si gaar ah uga hadlaya madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo loogu baaqay inuu u hoggaansamo isla markaana fuliyo heshiis is-afgarad oo laga gaadhay xilliga doorashada, kaas oo dhexmaray saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumadda,halka qodobka labaad ee go’aamadan lagu sheegay in madaxweynuhu ka badheedhay dib-u-dhaca doorashada iyo muddo-kordhinta loo sameeyey haddii uu fulin waayo heshiiskii dhexmaray Xisbiyada iyo xukuumadda.
Lixda Qodob ee go’aamada ka soo baxay Shirka Mucaaradka, ayaa dhammaantood si gaar ah u taabanaya ugana hadlaya doorashooyinka, marka laga reebo qodobka lixaad ee go’aamadan oo lagu xoojiyey ilaalinta nabadgelyada iyo Qadiyadda madax-bannaanida Somaliland.
Go’aamada ka soo baxay shirka mucaaradka, ayaa u qornaa sidan:-
- In Madaxweynuhu sida ugu dhakhsaha badan u fuliyo heshiiskii saddexda xisbi qaran ku heshiiyeen ee gogoshii madaxweynuhu fidiyay 26, May, 2015.
- Haddii madaxweynuhu fulin waayo heshiiskaas, waxaa muuqata inaanu madaxweynuhu rabin inay dalka ka dhacaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah. Waxaa lagama maarmaan ah in aanu dalbanno in beesha caalamku na soo dhexgasho.
- Waxay labada xisbi go’aansadeen, in aanay aqbali doonin waxaan ahayn wakhtigii saddexda xisbi iyo xukumaddu isla qaateen ee ahaa December, 2015. Haddii xukumaddu fulin waydo heshiiskaas waxay labada xisbi ku noqon doonaan wakhtigii komishanka doorashadu cayimay ee ahaa in doorashada la qabto June, 01,2016.
- Inaanu go’aanka guurtidu waafaqsanayn dastuurka iyo sharciga Somaliland, sababtoo ah ma jiraan shuruudaha ku xusan qodobka 42-aad, farqadiisa 5-aad ee dastuurka ee sheegaya duruufaha doorashada dib u dhigaya. Inaanay guurtidu xaq u lahayn laalista wakhtiga komishanku cayimay, islamarkaana aanay xaq dastuuri ah guurtidu u lahayn cayimaada doorashada.
- Anagoo ka duulayna dhammaadka muddo-xileedka madaxweynaha iyo golaha wakiillada, iyo go’aankii maxakamadda sare soo saartay ee ay ku amraysay in si degdeg ah loo soo afjaro khilaafka wakhtiga doorashada, waxaanu diyaar u nahay fulinta amarka maxkamadda.
- Shirku wuxuu go’aamiyay in nabadda, xasiloonida iyo jiritaanka madaxbannaanida Somaliland tahay muqaddas.” Sidaas ayaa lagu sheegay go’aamada ka soo baxay shirkii mucaaradka oo ku lifaaqnaa war-murtiyeed lagu soo taxay gal-daloolooyinka xukuumadda iyo talooyin la xidhiidha ku-dhaqanka shuruucda dalka.
Dhinaca kale, waxa go’aamada ka soo baxay shirka mucaaradka ka dareen-celiyey wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr Cabdi Aw-Daahir oo qodobbo ka tirsan go’aamadaas ku tilmaamay inay ka horimanayaan qaraar dhowaan ka soo baxay Maxkamadda Sare ee dalka, qaraarkaas oo maxkamaddu ugu baaqday dhinacyada khilaafka doorashooyinku u dhexeeya inay sida ugu dhakhsaha badan u soo af-jaraan xurgufta isla markaana la dhiirrigeliyo jewi suurto-galinaya in dalka laga qabto doorashooyin wakhtiga lagu heshiiyo inay dalka ka qaboomaan.
Wasiir Cabdi Aw-Daahir oo shalay qoraal kooban oo uu arrintan kaga hadlayo ku baahiyey boggiisa Facebook, waxa uu yidhi, “Go’aanka Axsaabtu wuxuu Liddi ku yahay Go’aankii Maxkamadda Dastuuriga, waayo Hay’adaha Caalamigu maaha Gole Sharci ee waa Caawiyayaal. Waxaan akhriyay go’aamada ka Soo baxay Shirkii xisbiyada. Marka laga tago qodobbada tororogta u badan iyo qodobka afraad oo ah mid ay axsaabtu Ku xad-gudubtay qodob Dustuuri ah. Waxaanu isla oggolayn sida heshiiska Ku qoran:
- In la ixtiraamo go’aankii Guurtida
- In axsaabtu Ka heshiiyeen waqtiga Doorashada
Haddaba, Madaxweynuhu wuxuu Ku dhawaaqay in waxaynu ku heshiinay laga ansixiyo golaha Baarlamaanka (GUURTIDA), halka ay axsaabtu qodobka shirkooda uu NUXURKA ahaa arrinkii aan Ku heshiinay aan dawlado kale u bandhigno. Maaha mid suuragal ah, waxtar ah, sharcigana waafaqsan.”
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
“Dawladda Federaalka waxay hubanti ka dhigi doontaa in Shacabka ku nool Somaliland ay ka faa’iideystaan Mashaariicda Hiigsiga cusub”
Muqdisho, 30 July, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Arbacadii shalay magaalada Muqdisho ka furay Shir lagaga wadahadlayo qorshaha Hiigsiga Soomaaliya ee 2016-ka, ayaa sheegay inay Shacabka Somaliland ka faa’iidaysan doonaan qorshaha Higsiga cusub.
Shirkaas oo ka sokow Madaxda dawladda Federaalka ay ka qaybgaleen Wakiillo Beesha caalamka ka socda iyo Maamul-goboleedyada Soomaaliya ka jira, ayaa Xasan Sheekh Maxamuud mar uu ka hadlay sida looga faa’ideysanayo iyo sida loo wado Hiigsiga 2016-ka waxa uu sheegay inuu ka xun yahay shirkaas inaanay ka muuqan Somaliland cid ka socotaa. Hase-yeeshee, waxa uu tilmaamay in Shacabka ku dhaqan deegaannada Somaliland ay ka faa’iideysan doonaan mashaariicda Hiigsiga 2016-ka.
Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo arrimahaas ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “Waan ka xumahay in Somaliland aanay nagala soo qayb-gelin Shirka, balse dawladda Federaalka Soomaaliya waxay hubanti ka dhigi doontaa in Shacabka ku nool Somaliland ay ka faa’iideystaan mashaariicda Hiigsiga cusub ee Soomaaliya.”
Sannadkii 2013-kii, Baarlamaanka Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo Maamul-goboleedyada waxay isla ansixiyeen nidaam iskaashi ah oo ku dhisan is-faham iyo Waxqabad, iyadoo la Higsanayo hal gool oo laga Mideysan yahay, kaasoo ah in la gaaro Somalia oo nabad iyo barwaaqo ah.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in hogaaminta Barnaamijka Hiigsiga Cusub ay udub-dhexaad u yihiin Shacabka Soomaaliyeed, waxaanu yidhi; “Waxaa Udub-dhexaad u ah Hoggaaminta Barnaamijka Hiigsiga cusub ee Sannadka 2016-ka Shacabka Soomaaliyeed; iyadoo la raacayo Muhiimadaha ay dawladda Soomaaliya dejisay, kuwaasoo ku qotoma Miisaaniyadda dalka, iyadoo hawsha loo qabanayo si isku-xidh ku jirta, si aanay u dhicin in hal shay dhawr jeer la qabto.”
Waxyaabaha Hiigsiga cusub ka qabsoomay waxaa ka mid ah lix Mashruuc oo ay ku baxday Lacag dhan 240-Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, sidoo kale waxaa la sameeyay Maamullada Ku-meel-gaadhka ah ee gobollada Soomaaliya, balse waxaa weli dhiman dhismaha Maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe, waxaana la sameeyay Guddiyada dib-u-eegista Dastuurka Ku-meel-gaadhka ah, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, kuwaasoo dhammaantood Lacagtaas laga fuliyey dhismayaashooda sida shirkaas shalay Muqdisho ka furmay lagu sheegay.
Geesta kale, Xukuumadda Somaliland, ayaan weli ka hadal hadalkan ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shalay. Inkasta oo uu Wargeyska Himilo isku dayey inuu wax ka weydiiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Sacad Cali Shire maaddaama oo uu dhinaca qorshaynta Mashaariicdu Wasaaraddiisu dejiso, haddana noomay suuragalin inaannu wax war ah ka helno, ka dib markii aannu la kulannay Taleefankiisa gacanta oo xidhan ama demsanaa xalay marar badan oo aannu ka wacnay.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
UCID & Waddani oo war-murtiyeed ku soo koobay Dhaliilo iyo Talo-bixin is-barkan oo Xukuumadda Kulmiye & xaaladda dalka ku wejahan
Xisbiyada Mucaaradka oo ku taliyey in Dib-u-eegis lagu sameeyo Qodobbo Dastuurka ku jira oo khilaafaadka Siyaasadeed ee jira u nisbeeyey
Hargeysa, 30 June, 2015 (Himilo)- Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, ayaa ku taliyey dib-u-eegis lagu sameeyo qodobbo ku jira Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xeerarka ku saabsan Doorashooyinka iyo muddo-kordhinta loo sameeyo goleyaasha Qaranka, iyagoo ku dooday inay qodobbadaasi qayb ka yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee xilligan dalka ka jira si looga gudbo murannada siyaasadeed ee arrimaha doorashooyinka ku saabsan.
War-murtiyeed shalay laga soo saaray shir muddo saddex maalmood ah socday oo xisbiyada mucaaradka ah ugu qabsoomay magaalada Hargeysa todobaadkan, ayaa ka sokow go’aamo lix qodob ka kooban oo nuxurka war-murtiyeedku isugu biyo-shubanayey, waxa lagu faafiyey natiijada arrimo lagaga dooday muddadii shirku socday isal markaana laysla gartay in laga hadlay, kuwaas oo isugu jira gal-daloolooyin ka jira adeegyada bulshada ee xukuumaddu u qabato bulshada iyo sidoo kale talo-soo jeedin ku saabsan sidii looga gudbi lahaa caqabado ku gedaaman habsami u socodka xil-gudashada hay’adaha xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan dhinacyada Garsoorka, Ku-dhaqanka Shuruucda, ammaanka, Dhaqaalaha, siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo qodobbo kale.
Qodobbada xisbiyada mucaaradku kaga hadleen war-murtiyeedka oo nuxurkooda aanu idiin soo koobnay, ayaa kala ah:-
Caddaaladda iyo Garsoorka
Mucaaradku waxa ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyeen inay sifo sharci-darro ah u marto xadhigga madax-dhaqameedka, suxufiyiinta iyo siyaasiyiinta iyadoon qofka muwaadinka laga duudsiyo xuquuqdii uu lahaa ka helo hay’adaha Garsoorka. “Waxa kor u kacay Awood-sheegashadii xukuumadda, waxa kordhay Xadhigga aan sharciga loo marin iyo in muwaadiniin aan gacanta kula jirin fal-dambiyeed waqti habeenimo ah lala baxo ama rasaas lala dhaco iyaga iyo carruurtooda. Sidaa darteed, waxa labada xisbi soo jeedinayaan in la dhowro madax-bannaanida dastuurku siiyey Garsoorka si loo helo caddaalad loo siman yahay,” sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.
Ku-dhaqanka Dastuurka iyo Sharciga
Waxa war-murtiyeedka lagu sheegay in xukuumaddu baal-martay ku-dhaqanka shuruucda, taas oo ay tusaale ugu soo qaateen dib-u-dhacyada doorashooyinka oo ay ku tilmaameen inay markhaati ka tahay ku-tumashada xuquuqda muwaadin kastaa u leeyahay inay doortaan cidii meteli lahayd. Waxa kale oo qodobkan lagu soo qaatay in sifo sharci-darro ah xabsiga loogu taxaabo suxufiyiin, madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo xildhibaanno aan dambi faraha kula jirin oo maxkamad la’aan layska xidho.
Sida ku xusan war-murtiyeedka xibiyada mucaaradka, waxa kale oo eedaymaha ay xukuumadda ugu jeediyeen ku-dhaqan la’aanta Shuruucda dalka ku sheegeen inay markhaati ka tahay in hay’adaha ammaanka loo adeegsado sifooyin baalmarsan shuruucda ay u dhisan yihiin.
Amniga iyo Nabadgelyada
Qodobka saddexaad ee war-murtiyeedka oo mucaaradku kaga hadleen nabad-gelyada, waxa ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyeen inay tahay xukuumaddii liidatay ilaalinta ammaanka dalka, iyagoo sheegay in fal-dambiyeedyadii ugu badnaa ee waxyeello u geysta xaaladda nabadgelyo ee dalku ay dhaceen muddadii xukuumadda Kulmiye talada dalka haysay. Waxa kale oo ay mucaaradku ku dhaliileen xukuumadda madaxweyne Siilaanyo in iska-horimaadyadii ugu tirada badnaa ee dhinaca beeluhu ay dhaceen intii lagu gudo-jiray muddo-xileedka Shanta Sanno ah ee Xukuumadda Xisbiga Kulmiye talada dalka hoggaaminaysay, iyagoo taas ku daliishaday shaqaaqoyin beelo u dhexmaray deegaanno ka tirsan gobollada Togdheer iyo Buuhoodle.
Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Qadiyadda Somaliland
“Waxa si laxaad leh hoos ugu dhacay magac-samidii, karaamadii, sharaftii iyo rejadii ay Somaliland ka lahayd bulshada Caalamka muddadii ay xukuumadda Kulmye talada dalka haysey, waxaanaynu luminay saaxiibbo badan oo u ololeyn jiray qadiyadda Ictiraafka Somaliland,” Sidaas waxa lagu sheegay qodobka 4aad ee war-murtiyeedka ka soo baxay shirkii mucaaradka oo lagu soo bandhigay dhaliilo xukuumadda xibsiga Kulmiye loogu jeediyey inay ku fashilan tay siyaasadda Arrimaha Dibadda, iyagoo sheegay in xidhmeen xafiisyo dibloomaasiyadeed oo Somaliland ku lahayd dalalka adduunka ka hor muddo-xileedka xukuumadda Kulmiye. “Waxa hoos u dhacay kalsoonidii wada-shaqayneed ee Somaliland la lahayd beesha Caalamka iyo waddamada Deriska ah, waxayna siyaasaddii Arrimaha Dibadda ku soo koobtay wada-hadallada madhalayska ah ee Soomaaliya oo xaqiiqo ahaan fashilmay, isla markaana ku soo koobmay heshiisyo salka ku haya dano ganacsi,” Sidaas ayaa lagu sheegay dhaliilaha mucaaradku ku dureen siyaasadda Arrimaha Dibadda xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.
Waxa ay xibsiyada mucaaradku kula taliyeen xukuumadda inay ka hawl-gasho sidii loo kasban lahaa kalsoonida beesha Caalamka, heshiisyada caalamiga ah ee ay gashayna u horgeyn lahayd Golaha Wakiillada Somaliland.
Arrimaha Dhaqaalaha
Waxa war-murtiyeedka lagu sheegay in sicir-bararka lacagaha qalaad iyo maceeshadda ay sabab u tahay waxa ay ku tilmaameen siyaasad-xumo dhinaca miisaaniyadda ka haysata xukuumadda Kulmiye oo ay ku eedeeyeen inay ku fashilantay qorsheynta miisaaniyadda ee hay’adaha dowladda iyo inay mudnaanta siiso sida ay u kala baahi badan yihiin, una kala muhiimsan yihiin hay’adaha dowladda.
waxa kale oo ay ku eedeeyeen xukuumadda madaxweyne Siilaanyo inay fadhiid shaqadii loogu talo-galay aan sideeda u gudanin ka dhigtay hay’adaha daba-galka musuq-maasuqa ee dowladda, iyagoo sheegay inay taasi sababtay boob iyo hanta-lunsi aan xad lahayn oo hay’adaha dowladda regaadiyey.
Arrimaha Doorashooyinka
Xisbiyada Mucaaradku waxa ay talooyin ka dhiibteen hirgelinta geedi-socodka doorashooyinka, iyagoo ku taliyey in xukuumad, mucaaradk iyo shacab-ba laga wada qayb-qaato diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isla markaana ay xukuumaddu hawl iyo kharash-ba u hagar baxdo hirgelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Waxa kale oo mucaaradku soo jeediyeen in la dhammeystiro shuruucda muhiimka ah ee doorashooyinka. waxa kale oo qodobka doorashooyinka ee war-murtiyeedka mucaaradku lagu soo jeediyey dib-u-eegis lagu sameeyo xeerka doorashada Golaha Wakiillada iyo qodobbo Dastuurka ka mid ah oo khuseeya doorashooyinka iyo muddo-kordhinta. “In Mustaqbalka dambe la derso qodobbada dastuurka ee khuseeya doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada, Goleyaasha Deegaanka iyo Muddo-kordhinta, isla markaana la sameeyo soo-jeedimo dhaxal-gal ah, si loo daweeyo gal-daloolooyinka dabarka ah ee aan waxba laga qaban karanaynin haddii aan dastuurka dib loo eegin.” Sidaas waxa lagu sheegay talo-bixin iyo soo jeedimo ku saabsan doorashooyinka oo mucaaradku u shaaciyeen war-murtiyeed qodobaysan oo ka soo baxay gunaanadka shir saddexdii maalmood ee ugu horreeyey todobaadkan ugu qabsoomay magaalada Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Golaha Ammaanka oo muddo-kordhin u sameeyey Hawlgallada AMISOM iyo UNSOM, diidayna in dawladda Soomaaliya wakhti loo kordhiyo
Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa isku raacay in UNSOM ay sii shaqeyso inta laga gaadhayo 30-ka saddexaad ee 2016-ka, halka AMISOM loo kordhiyay xilliga inta laga gaadhayo 30-ka May sannadka 2016-ka, si ay gacan uga geystaan sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa xasillooni iyo Ammaan buuxa.
Muddo-Kordhinta loo sameeyay UNSOM iyo AMISOM, ayaa ku soo beegmaysa xilli Axaddii lasoo dhaafay weerar Ismiidaamin ah lala beegsaday Hotel Jaziira oo ku yaalla meel ku dhaw Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo ay Mas’uuliyaddiisu Sheegatay ayna ku dhinteen dad badan oo uu ku jiray Dublamaasi Shiineys ah. idoo kale, waxay tallaabadan Golaha Ammaanak ee QM ay imanayso xilli ay Ciidammada Midowga Afrika iyo kuwa dawladda Soomaaliya kala wareegeen Al-Shabaab Diinsoor iyo Baardheere oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.
Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa hoosta ka xariiqay in Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo ah kan ugu awoodda badan ee Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Soomaaliya uu xurmeeyo Madax-bannaanida dhuleed, ta Siyaasadeed iyo Midnimada Soomaaliya, iyagoo cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee ay ka geysanayso Al-shabaab gudaha Soomaaliya.
Xilliga Xafiiska UNSOM ayaa ku ekaa 07-da bisha Sagaalaad ee sannadka 2015-ka, Xafiiskan oo laga hirgeliyay Soomaaliya sannadkii 2013-kii, iyadoo hawshiisuna ay tahay ka talo-bixinta arrimaha Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo inuu dawladda Soomaaliya kala shaqeeyo Geeddi-socodka Nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.
Geesta kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa qaraarkooda waxay ku sheegeen in ay isku waafaqeen inaan Ciidammo Nabad-ilaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobay loo diri karin Soomaaliya xilligan. Balse ay dhici karto inay geeyaan Ciidammooda Soomaaliya dhammaadka sannadka soo socda ee 2016-ka.
Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa Shir-weynaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya oo shalay Muqdisho ka furmay ka sheegey in marka la gaadho sannadka 2016-ka aan la aqbali doonin wax muddo korodhsi ah oo loo sameeyo dawladda oo sannadka dambe wakhtigu ka dhammaanayo.
Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Salaasadii toddobaadkan si rasmi ah u shaaciyay in aanay Soomaaliya ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah ama shacabku codkooda wax ku soo dooran karaan marka la gaadho sannadka soo socda ee 2016-ka, iyagoo Madaxda Soomaaliya ay sheegeen in arritan lagaga tashan doono shirkan Arbacadii shalay ka furmay Muqdisho.
“Kulan ay shalay (salaasadii) yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu Ansixiyay qaraar dhigaya in aanay jirin wax muddo korodhsi ah oo Golaha Fulinta iyo Sharci-dejinta Soomaaliya ay sameystaan marka la gaadho xilliga uu wakhtigu ka dhammaanayo.” Sidaa ayuu yidhi Nicholas Kay. Waxaanu ayaan-darro uu ka xun yahay ku tilmaamay inaanay Masuuliyiinta Maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland aanay ka qaybgelin shirka uu shalay hadalkan ka jeediyey ee Muqdisho ka furmay.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Daalibaan oo beenisay Geerida Hoggaamiyahooda Mullah Cumar oo Dowladda Afghanistan shaacisay
Dowladda Afghanistan ayaa xaqiijisay inay ku hawlantahay baadhista warar aan la xaqiijin oo sheegay inuu laba sanno ka hor dhintay hoggaamiyihii Kooxda Daalibaan, wararkaas oo maalmihii u dambeeyey ay qorayeen warbaahinta dalalka Afghanistan iyo Pakistan oo ururka Daalibaan ka hawl-galo. Ku-xigeenka afhayeenka madaxweynaha dalka Afghanistan, ayaa warka baadhista ay dowladdu ku waddo xogtan ku sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda dalkaas ee Kabul. “Wali waxaanu ku hawlannahay baadhis aanu ku hubinayno wararka, marka ugu horreysa ee aanu xaqiijino sugnaanshihiisana, waxaanu u sheegi doonaa shacabka Afghanistan iyo warbaahintaba.
Wararka lagu sheegay inuu geeriyooday Mullah Cumar, ayaa lagu sheegay inuu geeriyooday laba sanno ka hor, iyadoo wararka qaarkood sheegeen in Wiil uu dhalay loo magacaabay beddelkiisa iyo hoggaaminta urur-diimeedka hubaysan ee ugu awoodda badan dalalka Badhtamaha qaaradda Eeshiya.
Warar kale oo saxaafadda qaarkeed baahisay ayaa lagu sheegay in wiilka uu dhalay hoggaamiyaha Daalibaan oo lagu magacaabo Mullah Yacquub uu qiray in aabihii geeriyooday wakhti hore, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Daalibaan ee ka hawl-gala gudaha dalka Afghanistan oo sheegay inuu sababo dabiici ah u geeriyooday, balse sarkaalkani ma sheegin wakhtiga.
Haseyeeshee, afhayeen u hadlay ururka Daalibaan oo lagu magacaabay Qariy Yusuf Axmadi, ayaa telefishanka Sky News u sheegay inaanay waxba ka jirin geerida Mullah Cumar, “Sida aan warka ku hayo, Mullah wuu nool yahay wali, isagaana gadh-wadeen ka ah dhaq-dhaqaaaqayaga,” ayuu yidhi Afhayeenku.
Mullah Cumar ayaa hoggaamiye ah Ururka Daalibaan oo ka talinayey dalka Afphanistan intii u dhaxaysay sannadkihii 1991-kii ilaa sannadkii 2001-kii oo ahaa markii u dambeysay ee aragtiisa la arko, xilligaas oo isbahaysi Marayanku hoggaaminayo duullaan ku qaadeen taladana kaga tuureen Mullah Cumar iyo ururkiisa Daalibaan.
Haseyeeshee, ilaa wakhtigaas wixii ka dambeeyey, ururka Daalibaan, ayaa dagaallo ku-dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo weerarro is-miidaamin ah ku bartilmaameedsanayey Xoogagga shisheeye ee Duulaanka ku qabsaday dalkaas iyo waliba Ciidamada dalka Afghanistan.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Wednesday, July 29, 2015
Siyaasiga Baar-qabka ah: Jamaal Cali Xuseen
Hor-dhac:
Waa mid aynu dhamaanteenba rumaysanahay in qof kasta oo inta uu aduunka jooggo hogaamiye u noqda ummad in suurtogalnimadeedu ay tahay mid xagga RABI laga qoray, isla markaana aanu shaqsigaasi ku kasban ama aanu ku gaadhin kursiga madaxnimo wanaag, xeelad, raga-nimo, hawl-karnimo, aqoon, xirfad, reer-nimo, iyo waxyaabo la mid ah.
Hase yeeshee ay tahay Iraaddo xagga RABI ka timid oo qofkaasi loo qoray markii la Abuuray, taasi oo inoo cadaynaysa sida aan madaxnimo iyo hogaamin midnaba aan loogu gaadhi Karin dedaal, geesinimo, aqoon, wax bixin, hadal wanaagsani, ama wax kale. Balse waxa jirra astaamo iyo hab-dhaqan haybadeed iyo sifooyin gaar ah oo inta badan lagu tilmaansan karro qofka ku haboon in uu hogaamiye noqdo.
Astaamahaasi oo laga dheehan karro kana muuqda inta badan shaqsigaasi, oo uu kaga soocan yahay bulshadda uu la nool yahay, laguna yaqaano oo ka soo muuqda ama ka soo if-baxa habka iyo hanaanka uu qofkaasi u dhaqmo bulshada kalena ula macaamilo. kuwaasi oo ay ka mid yihiin sida uu u fikiro, waxyaabaha uu aaminsan yahay, hankiisa, himiladiisa, waxa uu hiigsanayo, sida uu wax u maamuli lahaa haddiiba uu hogaamiye noqdo iyo waxa uu ku hamiyayo.
Haddaba, waxaan qoraalkaygani uga dan leeyahay ama aan uga socdaa in aan bulshadeena wax yar uga iftiimiyo shaqsiyadda iyo hab-dhaqanka hogaamineed ee ka muuqda musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka ee UCID aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen. Kaasi oo in yar oo bulshadeena ka mid ahi ay aqoon guud iyo mid gaar ahba u leeyihiin, halka dadkeena intooda badanina aanay wax dhaafsiisan magaciisa aqoonin.
Qoraakani oo aanu si taxane ah ugaga warami doono uguna soo qaadan doono shaqsiyadiisa, heerkiisa aqooneed, khibradiisa shaqo iyo arrimo kale, waxaanau si balaadhan ugu faaqidi doona, uguna lafo-guri doonaa qofka uu yahay Jamaal Cali Xuseen iyo sidoo kale in uu ku haboon yahay ama u qalmo kursiga uu u sharaxan yahay, in uu yahay shaqsi ummad, dal, iyo dawlad hogaamin karra.
Qoraalkani oo noqon doona mid taxane ah, waxaan intii aan ka gaadhi karro isku deyi doona kuna soo qaadi doonaa astaamo iyo calaamaddo u gaar ah aqoon yahan Jamaal iyo sidoo kale waxyaabo uu ku mudan yahay in loo doorto ama uu noqdo hogaamiyaha wadankeena ee mustaqbalka.
Shaqsiyadiisa: Waa Kuma Jamaal Cali Xuseen
Waa shaqsi koobsaday dhamaanba astaamaha lagu garan karro hogaamiye sax ah, oo dadkiisa iyo dalkiisaba horumar gaadhsiin kara. Waa Hogaamiye, hal-door, hiigsi iyo himilo fog leh, waa nin ku sifoobay Karti iyo hawl-karnimo uu ku caan baxay.
Waa iftiin cusub oo u soo baxaya siyaasadda Somaliland. Waa Muraayad laga dheehan karro kartidiisa iyo aqoontiisaba in uu badhaadhe gaadhsiin karro dalka iyo dadkaba. Waa qof ay dhif iyo nadir ku yihiin guud ahaanba geyigga Soomaalidda dadka la kartidda iyo aqoonta ahi, wuxuuna ka mid yahay shaqsiyaadka farro-ku tiriska ah ee heerkaasi ka gaadhay aqoonta iyo waayo aragnimadda shaqo.
Murashaxa Jagada madaxtinimada ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen waa Aqoonyahan waa astaan ka mid ah astaamaha laga doonayo hogaamiyaha wanaagsan,wuxuu Jamaal ka soo baxay oo uu ka qalinjabiyey jaamacada aduunka ugu sareysa ee HARVARD UNIVERSITY ,jaamacadan waxa ka soo baxa oo kaliya nin rag ah,aqoonta uu leeyahay waa aqoontii uu ku maamulayey bankgiga caalamiga ah ee city bank ,aqoonta uu leeyahay waa tii uu kaga soo shaqeeyey in ka badan 21 dal oo aduunka ah.
Aqoonta uu leeyahay waa ta maanta ka dhigtay mursharaxa madaxtinimada ee xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID,aqoonta uu leeyahay waa ta uu ku doonayo in uu madaxweyne kaga noqdo Somaliland,aqoonta uu leeyahay waa ta uu ku doonayo inay bulshada reer Somaliland ku doorato,aqoonta uu leeyahay waa ta uu ku doonayo in dadka iyo dalkaba ku hogaamiyo,waana astaamaha ugu waaweyn ee laga doonayo qof kasta oo doonaya in uu dad iyo dalba hogaamiyo.
Musharaxa jagadda madaxweynaha ee xibsiga UCID aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen, haddii aan isku dayno in aan tilmaan ka bixino, Waxaan ku sifayn karnaa shaqsi uu EEBE ku galaday aragti fog, aqoon, hawl-karnimo iyo dedaal, waxa kale oo aynu ku sheegi karnaa in uu yahay ninka keliya ee haddii uu maanta hanto kursiga hogaaminta dalka ummadeena ka saari karra caqabadaha dhaqaale darro iyo shaqo la’aanta haysata bulshadeena.
Mana aha nin isagu u baahan ama u socda lacag urursi, hase yeeshee waa nin haysta dhaqaale ku filan, kaasi oo ay u jeedadiisa ama qasidgiisu yahay oo keliya in uu dalkan iyo dadkani bad-baadiyo, isla markaana gaadhsiiyo horumar dhaqaale iyo isku filaansho.
Wuxuu leeyahay dhamaanba astaamaha cadaynta u ah ama laga doonayo in uu yeesho hogaamiyaha wanaagsani, iyadoo ay hubaal tahay in aan la soo koobi Karin sifooyinka uu leeyahay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo sidoo kale heerka Aqoonta, horumarka iyo aragti-fogaanta uu ka gaadhay waayaha nolosha. Waana nin isku darsaday dhamaanba astaamahaasi oo lagama maarmaan u ah hogaamiye kasta oo doonaya in uu noqdo madaxweynaha dalka.
Waa hubaal iyo mid biyo-kama dhibcaan ah in haddii uu qarankeena hogaamiye u noqdo Jamaal in aynu gaadhi karno wax kasta oo inaga dhiman, iyo hiigsigeena aynu mudadda dheer ku taamaynay,
Jamaal Cali Xuseen, ma aha oo keliya in uu yahay aqoon yahan iyo qof lagu yaqaano in uu ku xeel-dheer yahay arrimaha horumarinta oo qudha, hase yeeshee Jamaal, Waa dhaqan yaqaan, hal-Abuurka qayb weyn ku leh, waxaanu si weyn uga dhex-muuqda fanka iyo suugaanta Somaliland, waxaa intaa u sii dheer inuu hal-abuuro ama curiyo dhinaca qisooyinka, sheekooyinka qosolka iyo maadda ah.
La soco qaybaha kale….
By.Fahad Cismaan Caraale
Tell.0659118404
Waraaqdii Jaceylka Ahayd Ee Magool Suudaan Looga Soo Diray
Abwaan Hadraawi iyo koox fanaaniin ah oo jooga guriga Xaliimo Khaliif (Magool) AHUN ayaa waraaq loo keenay Xaliimo, ka dib way la kacday, waxa ay la gashay qolkeedii Hurdada, ka dibna waxay u yeedhay Abwaan Hadraawi. Waraaqdan loo soo diray Magool waxa ay ku qoran tahay Af-carabi, Xaliimana waxa ay ogayd inuu Hadraawi reer Cadmeed ahaa oo uu Af-carabiga si fiican u akhriyi karo. Magool waxa ay Hadraawi ka codsatay inuu waraaqda u micneeyo.
Waraaqdu waxa ay ku qoran tahay Khad cas oo aad moodo midabka dhiiga. Abwaan Hadraawi oo ka hadlaya arrintaasi ayaa yidhi” Xaliimo waxa ay ii dhiibtay waraaqdaasi oo furan iyada (Magool) lama hadlin, waxna umaan sheegin, waxaanan ku keliyeystay akhriskii waraaqda aniga oo doonaya in aan ka bogto ilaa dhammaadkeeda. Magool way I dul taagan tahay, I eegaysaa, waanay I sugaysaa” Abwaan Hadraawi wuxuu waraaqdii kala kulmay arrin aanu filanayn. Waxa ka soo baxay erayo xambaarsan halis jacayl oo xeel-dheer.
Abwaan Hadraawi oo sii wada sharaxaada waraaqda ayaa yidhi” markii aan ka gudbay sharraxaadii uu iska bixinaayey ninka waraaqda soo diray, ujeedadii iyo halka uu ka soo diray, ayaan gaadhay saddaro uu kaga warramayo waraaqdiisa, kuna leeyahay ’Khadka cas ee waraaqda ku qorani maaha qallin cas’, waxaan soo qaaday qalabka seriijka loo yaqaan ee dadka dhiigga lagaga soo qaado. Xiddidadayda ayaan mid dalooliyey, dhiiga ayaan ka soo qaaday. Qalinka lagu magacaabo ABU SAKAABA, ayaan ku shubay.
Waan xidhay, waxaanan kuugu soo qoray waraaqdan”. Abwaan Hadraawi waxa ku cuslaatay arrintaasi, waxaana ku adkaatay wixii uu Magool u sheegi lahaa. Aakhirkii Abwaan Hadraawi wuu u sheegay Xaliimo wixii uu kala kulmay waraaqda, waraaqdiina wuu u dhiibay, waanay qaadatay”. Abwaan Hadraawi wuxuu ugu dambayntii sheegay oo yidhi “ Ma garanayo sidii ay ka yeeshay Xaliimo waraaqdaasi iyo in ay rumaysatay wixii ku qornaa”. Waraaqdaasi waxay ay abwaan Hadraawi ku reebtay saamayn balaadhan. Isagoo ka hadlaya raadka weyn ee ay maskaxdiisa ku reebtay wuxuu yidhi” waxa aan dareemay in jacaylka oo aniga dheel dheel iigu muuqan jiray uu yeelan karo helista intaasi le’eg, gaadhina karo heerkan sidaasi u sii sarreeya.
Waxaan sii dhadhansaday in jacaylku wax dulleyn karo, looguna badheedhi karo in nafta loo huro amma uu keeni karo wareer, walbahaar iyo waalasho.” Abwaan Hadraawi muddo dheer ayey hor taallay sidii uu ka yeeli lahaa qisadaasi, aakhirkiina waxa ay talo kaga soo ururtay inuu ka yaabiyo, ninkaasi isaga ka yaabiyey. Ka dib Abwaan Hadraawi wuxuu curiyey heesta caanka ah ee la yidhaa” JACAYL DHIIG MA LAGU QORAY”, oo ka hadlaysa in jacaylka dartii lafta loo jebinayo oo dhuuxa laga soo saarayo.
Heestu waxa ay tusaale cad ka bixinaysaa laba qof oo is-jecel oo muddo dheer kala maqnaa, oo si kedis ah isaga soo hor baxay meel cidlo ah. Ka dibna isku naxa, iskuna farxa oo is-hortaagnaada ilaa uu aboor ka baxo jidhkooda, kana dhameeyo dhiigii iyo dheecaankii ku jiray jidhkooda. Aakhirkana uu aboorku ka dhiayo dundumo weyn, oo dadku ka hadhsadaan cadceeda, iyagoo dadkuna aanay ogayn in halkani ay tahay goob laba qof isku sugayaan. Heestan waxa codkeeda ku qaaday Xaliimo Khaliif Magool lafteeda. Beyd ka mid ah heestu waa: jacayl dhiig ma lagu qoray, weli dhuux ma loo shubay, qofna saanta dhabarkiyo, ma u dheegay feedhaha, dhabannada cad ma laga jray, hadalkii ma lagu dhigay…………………..
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland.
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
Hal-Ka-Haleel……………………………..Maxamed Baashe X. Xasan (2004)
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Dr Faroole Oo Puntland Ku Laabtay ka Dib Safar Uu Joogay Hargeysa.
Soo dhaweynta madaxweynahii hore Puntland waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsanaa xukuumadiisii, Wasiiro ka tirsan xukuumadan, xildhibaano, Siyaasiyiin iyo shacabka magaalada Garoowe.
Dr Faroole ayaa soo dhaweynta ka dib shacabkii soo dhaweeyey kula hadlay barxada Garoowe isagoo uga mahadceliyey shacabka iyo madaxda sida weyn u soo dhaweeyey, Wuxuu sheegay in safarkiisa uu yahay mid uu dib ugu soo laabtay dhulkiisa hooyo.
Safarkan uu dib ugu soo laabtay Dr Faroole Puntland ayaa ah kii ugu horeeyey tan iyo markii uu xilka madaxtinimada Puntland wareejiyey xiligaas oo uu u ambabaxay dalka dibadiisa oo sanad iyo badh ku dhawaad ku maqnaa.
Himilomedia
Hargeysa Office
Muqdisho oo laga Furay Shir Caalami Ah.
Shirkan waxaa ka qayb galay 12 Ergo oo laga soo kala xulay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xukuumada, Maamuladda KMG ah sida Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaa kale oo ka qayb galaya xubno ka socda Beesha Caalamka.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh oo hadal furitaan ka jeediyey shirka ayaa sheegay in ujeedada shirkani uu yahay sidii looga doodi lahaa barnaamijyada Hiigsiga 2016-ka oo ay ka mid tahay sidii dalka Doorasho uga dhici lahayd iyo baahinta nidaamka federaalka.
Shirkan oo socda imika ayaa lagaga doodayaa arimaha barnaamijka hiigsiga2016ka, waxaana shirkan aan kasoo xaadirin maamulada puntland iyo Jubaland oo iyagu hore u sheegay in laga leexday jidka hiigsiga 2016ka.
Waa markii u horaysay ee shir caalami ahi ka dhaco dalka somaliya ilaa sanadii1991kii isagoo shirkii kan ka horeeyayna uu ka dhacay Magaalada Copenhegan ee dalka denmark.
Himilomedia
Hargeysa Office
Nuxurka Lix Qodob oo Xisbiyada Mucaaridku Kasoo Saareen Shirkii Wadajirka Mucaaridka Ee Waddani Iyo Ucid.
Shirkan oo ay xisbiyada mucaaridku kaga hadlayeen xaalada uu dalku marayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban lix qodob.
Akhriso Warmurtiyeed Xisbiyada Mucaaridku Kasoo Saareen Shirkii Wadajirka Mucaaridka Ee Dib loogu Eegayay Xaalada uu dalku marayo:-
1: In madaxwaynuhu fuliyo heshiiskii xukuumada iyo saddexda Xisbi qaran ee uu isagu gogsha fidiyay markay taariikhdu ahayd 26 May 2015 si dhakhso ah.
2: Hadii madaxwaynuhu heshiiskaasi fulin waayo waxaa cadaan ah in aanu diyaar u ahayn in ay dalka ka dhacdo doorasho xor oo xalaala, waxaana laga maarmaan ah inaanu dalbano in beesha caalamku nasoo kala dhexgasho.
3: Waxay labada xisbi mucaarid go’aansadeen inaanay aqbali doonin wakhti aan ahayn heshiiskii Saddexda xisbi qaran iyo xukuumadu isla qaateen ee ahaa December 2016ka, hadii xukuumad taa fulin waydo waxaa ka go’an in lagu noqdo go’aankii komishanka ee ahaa in doorashada la qabto June 2016ka.
4: Inaanu go’aanka guurtidu waafaqsanayn dastuurka iyo sharciga Somaliland, sababtoo ah ma jiraan shuruudaha ku xusan qodobka 42-aad, farqadiisa 5-aad ee dastuurka ee sheegaya duruufaha doorashada dib u dhigaya. Inaanay guurtidu xaq u lahayn laalista wakhtiga komishanku cayimay, islamarkaana aanay xaq dastuuri ah guurtidu u lahayn cayimaada doorashada.
5: Anagoo ka duulayna dhammaadka muddo xileedka madaxweynaha iyo golaha wakiillada, iyo go’aankii maxakamadda sare soo saartay ee ay ku amraysay in si degdeg ah loo soo afjaro khilaafka wakhtiga doorashada, waxaanu diyaar u nahay fulinta amarka maxakamadda.
6: Shirku wuxuu go’aamiyay in nabada, xasiloonida iyo jiritaanka madaxbanaanida Somaliland tahay muqadas.
War-murtiyeedkan Xisbiyada Mucaaridka waxaa si wada jira ugu saxeexnaa labada guddoomiye Xisbi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro)Iyo Faysal Cali Waraabe.
Himilomedia
Hargeysa Office
Jaamacada Hargeysa: Dalkan dadkii lahaa ma joogo-W/Q Hassan Hussein Abdi (Haidaro)
Waxa aan xasuusta guddidii ardayda ee Jaamacada Hargeysa ugu horraysay oo aan xubin ka ahaa, guddidaa ardayda ee xilligaa waa ardaydii lagu bilaabay Jaamacada oo toos waxbarashada sare loo bilaabay 2000, isla sanadkii aanu ka soo baxnay dugsiga sare ee Faarax Oomar. Guddidaa waxa lagu doortay hab cod gacan taaga guddoomiyaha iyo xubnaha guddida ardayda, guddidu waxa ay la doodi jirtay madaxdii iyo guddoomiyihii Jaamacada oo xilligaa ahaa Cali Qaadi, oo aanu culays ku saari jirnay in la horumariyo adeega Jaamacada, ardaydii sabankaasi qabiil may kala lahayn ee waxa midayn jiray ujeedo iyo in danta guud laga hadlo, waxa aan xasuustaa maalin guddida sare ee Jaamacada la kulanay oo ay ka mid ahaayeen Edna iyo Sheekh Yuusuf, shir maamulka iyo ardayda dhex maray, ayaa la yidhi maxaad ka cabanaysaan, ardaybaa ugu jawaabay sidan, ‘waxa la yidhi dameeroow bahashan dameera ee haraatida kugu dishay maad iskaga hadhid, dameerkiibaa yidhi waxba kuma qabee, waxa aan isleeyahay bahalkii dameer ahaa yaanu dabar go’in, markaa meesha waxbarasho kuma haynee yaanay waxbarashadu dabar go’in baanu is leenahay’. Guddidii sare ee nala doodaysay wax ay ku hadlaanba way garan waayeen, ardayda maanta dhigata ee aan macalinka u ahayna waxa loo kala qaybiyay beelo aan dani ugu jirin oo maanta Jaamacadii gayeeysiiyay in hakad la galiyo oo ah guul darro hor leh.
Waxa kale oo aan xasuustaa mar la soo jeediyay in Jaamacada magaca laga badalo oo aanu ka dagaalanay, ardayda oo ku doodaysa sidee qof magacii loogu bixin karaa, Jaamacad wadata magaca caasimada Hargeysa taasina may suurto galin ardaydii xilligaa oo isku duubnayd awgeed.
Jamacadu haddii ay xumaato waxa ay ka xumaanaysaa ardayda oo ay ka xidhmi doontaa, ardaydu reer maaha, ee waa arday qaran ee yaan nin dan lihi idin adeegsan ee ka fiirso inta aanad falin. Jaamacada Hargaysi waa guul qaran ee haka dhigina guul daro.
Dawladda waxa looga baahan yahay in ay qaadato go’aan adag iyada oo la eegayo oo qudha mustaqbalka ardayda wax ka barata iyo kuwii hore ee ka baxay Jaamacada oo shahaadooyinkoodu ku abtirsadaan. Waxa aan is idhaa marka aan sheekooyinka qaar dhageysto malaha dalkan dadkii lahaa ma joogaan, isqabsiga Jaamacada ee riiqda dheeraaday marka dhanka san laga eego waxa ay muujinisaa meel dadku wada leeyahay, maxaa yeelay haddii ciddi leedahay muranba muu yimaadeen, oo waxa uu odhan lahaa sida Jaamacadaha kale ee dalka ka shaqeeya iga darreera adeer meesha miyaad igu haysataan. Bal u fiirso Jaamacada Muqdisho waxa ay ku taalaa meel holcaysa maalin qudha ma istaakto waxbarashadu, haddii dagaal ka dhaco goobta wax lagu barto waxa farriin loo diraa ardayda in galaaska lagu galayo meel kale oo markaa nabdoon oo laysla garanayo, sidaas awgeed mar qudha may istaagin waxbarashadu dagaal kasta oo soo maray, waxa kale oo jira sharci adag oo lagu fuliyo dhamaan ardayda oo dhan, faqiir iyo taajir, atoore iyo miskiin, oo dhigaya ardayga in la eryo hal sanno haddii uu sharciga Jaamacada khilaafo, waxa la gaadhay in arday mar la eryay uu u yeedho tiknikadii reerkooda oo Jaamacada la qabsado laakiin nasiib wanaag kamay joojin Jaamacada in ay sii waddo sharcigii ay dhigatay. Gabogabadii, Islaan baa laga hayay ninka xoogaa lihi inantayda kamuu dhali waayine wuu hagranayaa, markaa aragtidayda ma aqbali karo in maanta la yidhaa ardaybaa Hargeysa gudaheeda loo taag layahay oo jaamacadiibaa hakad la gashay, tani waxay ay gaf ku tahay maamulka Jaamacada iyo dawladda qaranka ee Somaliland.
La-taliye iyo Bare sare: Hassan Hussein Abdi (Haidaro)
hhmadaxyare@yahoo.com; +25263 4418302
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Hargeysa: Qaxootiga Yemen oo Wax-qabad la’aan iyo Musuq-maasuq ku eedeeyey UNHCR & Shaqsiyaad ay magac-dhabeen, maantana Bannaan-bax ku Ballansan
Hargeysa, 29 July 2015 (Himilo)- Qaxootiga u dhashay dalka Yemen ee ku sugan caasimada Hargeysa, ayaa wax-qabad la’aan ku eedeeyey hay’adaha Qaxootiga ee dalka ku sugan, halka sidoo kale ay musuq-maasuq iyo lunsi deeqo loo soo mariyey ku eedeeyeen xubno ka tirsan jaaliyadda Yemen ee ku sugan Somaliland, waxaanay iclaamiyeen bannaan-bax ay maanta ka dhigayaan magaalada Hargeysa.
[gallery columns="2" ids="22045,22050"]
Sida uu Wargeyska u Himilo u xaqiijiyey Nabiil Salem Tarshuum oo ah Af-hayeenka Qaxoontiga dalkaas ee Hargeysa, waxa uu sheegay in qaxootiga ku sugan Hargeysa ay ka mahad-sheeganayaan shacabka iyo xukuumadda Somaliland iyo soo-dhaweynta lagu qaabilay, balse waxa uu dhaliilay hay’adda qaxoontiga u qaabilsan Qaramada Midoobayt ee UNHCR oo uu sheegay inaanay ka helin gar-gaarkii ay ka sugayeen, isla markaana aanay wakhtigan wax rejo ah ka qabin.
“Waxa jira caruur boqolaal ka badan oo daryeel la’aan ugu dhibaataysan Hargeysa, qoysaskoodana taageeradii ay filayeen aanay helin,” ayuu yidhi Nabiil oo shalay u warramayey weriye ka tirsan Himilo.
Mr. Tarshuum waxa uu sheegay inay kala xidhiidheen xukuumadda Somaliland dhibaatada haysata, iskuna dayeen inay la hadlaan hay’adaha qaxootiga qaabilsan, balse uu yar yahay wakhti ay ku bixiyaan dabagalka arrimahooda, waxaanu ku dooday in qaar ka tirsan jaaliyadda reer Yemen ee Hargeysa ku sugan ay lunsadeen gar-gaar loogu yaboobay qaxootiga oo loo soo mariyey.
“Iska daa waxtar aanu ka helo hay’adaha qaxootiga iyo masuuliyiinta jaaliyadda Yemen ee Hargeysa, waxay badi lunsadeen taageero shirkada Dahabshiil ugu tabaruceen qaxootiga Yemen ee Hargeysa,” ayuu yidhi Nabiil.
Mr. Tarshuum ayaa sheegay in hay’adaha qaabilsan qaxootigu keliya ka bixiyeen qaxootiga kharashkii gaadiidkii ka soo qaaday Berbera ee keenay Hargeysa, balse aanay ka helin daryeelkii kale qofka qaxootigu xaqa u lahaa inuu helo.
“Waxaan ognahay taageero dhaqaale oo masuuliyiinta jaaliyadda Yemen ee Hargeysa ka heleen wadamada Khaliijka oo lagu kaalmeeyey qaxootiga lunsadeen, caddeymahoodana soo bandhigi doonaan maanta,” ayuu yidhi Nabiil.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Diyaar uma aha Jaaliyadda Yemen ee Hargeysa iyo UNHCR inay fuliyaan waajibkii ka saarnaa daryeelka qaxootiga Yemen ee jooga Somaliland, waxaan ka codsanayna bulshada iyo xukuumada inay hoos u eegaan caqabadaha na haysta,” Sidaas ayuu yidhi Nabiil.
Dhinaca kale, Wasiir wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal oo aanu isku-daynay inaanu wax ka weydiinno cabashada Qaxootiga maadama oo uu yahay masuulka xukuumadda u metala taryeelka iyo ilaalinta Xuquuqda Qaxoontiga, ayaanay noo suurto-galin inaanu ku helno khadka telefoonka.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Xukuumadda oo ka hadashay Dhammeystirka Shuruudo Shirkadaha Ajaanibka ahi ku xidheen Sahaminta Shidaalka
Burco, 29 July, 2015 (Himilo)- Xukuumada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay dhowaan dalka iman doonaan madaxda shirkadda sahaminta shidaalka Genel Energy isla markaana ay meel fiican u marayaan dhamaystirka shuruudo ay shirkadaha Sahaminta shidaalku ku xidheen inay dib u bilowga hawlahaha Sahaminta oo ay hore u joojiyeen.
Shirkadda Genel Energy oo ka mid ah shirkadaha heshiiska kula galay xukuumadda Somaliland baadhista iyo Sahaminta kheyraadka dalka, isla markaana hore u bilowday hawsheeda, ayaa badhtamaha sannadkii hore joojisay howsheeda, dalkana uga baxday arrimo xagga ammaanka ah, waxaanay markii dambe oo wada-hadallo dhexmareen xukuumadda oo ay oggolaatay inay dib ugu soo laabato hawshiisa, waxay shuruud uga dhigtay in la sameeyo ciidamo u gaar ah oo ilaaliya ammaanka Shaqaalaha iyo Agabka shirkadda oo
Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey arrintan isagoo ku sugan magaalada Burco, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan wadaan dhamaystirka shuruudahii laga sugayey oo ah abuuritaanka ciidan ilaaliya sahaminta hawlaha shidaalka, iyadoo loo raacayo talooyinkii laga bixiyey.
“Wasiiradii loo xilsaaray iyo xukuumadu waxay wadaan buuxinta shuruudahii looga baahnaa, abuuritaanka ciidamadii loogu talogalay ilaalinta hawlaha sahaminta shidaalka, waxaana loo raacayaa talooyinkii shirkaddii loo xilsaaray ka bixiyeen
Xukuumada Somaliland way ka go’an tahay horumarinta iyo soo saarka kheyraadka dalka, oo faa’iido weyn u yeelan doona shacabka iyo horumarka dalka,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi ayaa sheegay in dhowaan dalka iman doonaan masuuliyiinta shirkada sahaminta shidaalka ee Genel, oo ujeedada socdaalkoodu yahay in labada dhinac isla meel dhigaan qorshayaashooda ku wejahan sahaminta shidaalka Somaliland iyo hawlaha dhinac kasta kaga beegan dhammaystirkeeda.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Xukuumadda iyo Xildhibaano siyaabo kala duwan uga hadlay Khilaaf la sheegay inuu ka dhex-qarxay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa
Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka dalka, isaga oo daba socday Xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan oo sheegay in khilaafkii ugu cuslaa ka dhex-qarxay labadaas Masuul.
Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil waxa uu weeraray Xildhibaannada warkan sheegay oo ah Mudanayaasha Xisbiga WADDANI ee ka tirsan Golaha Wakiillada, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo hungo Xisbigoodu la kulmay awgeed warkan aan jirin Bulshada u dhex-gelinaya sida uu ku dooday Wasiirku.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (C/Raxmaan-Xoog) iyo Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada, ayaa Isniintii Warbaahinta ka sheegay in khilaaf xooggani ka dhex-dillaacay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), iyagoo tilmaamay in khilaafkaasi yahay mid nasiib-darro ah oo sii hurin karaa khilaafyada siyaasadeed ee dalka ka taagnaa bilihii u dambeeyey ee Mucaaradka iyo Muxaafidka u dhexeeya ee dib-u-dhaca doorashooyinka, muddo-kordhinta Guurtida iyo hirgelin la’aanta heshiis ay Xukuumadda iyo Xisbiyadu wadagaleen la xidhiidha. Waxaanay ugu baaqeen inuu is-casilo Saylici, maaddaama oo aanu gudan karin waajibaadkii loo doortay oo aanu Madaxtooyada waxba ka ahayn sida ay hadalka u dhigeen.
“Saylici muddo dheer buu kolba du’dayay oo kolba ka cararayay meesha (Madaxtooyada), haddana kama tago. Meesha kama tage waxna kama tare weeye. Waa ninka intuu gogol dhigay oo wax nala saxeexday haddana yidhi; ‘xaggii Madaxtooyada ayaa laga diiday’. Waxaan odhan lahaa waar illayn Madaxweyne Ku-xigeen baad tahaye awoodahaaga Dastuurku ku siiyay isticmaal ama si cad isku casil oo iskaga tag meesha.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog.
Sidoo kale, Xildhibaan Naasir Xaaji Cali oo khilaafkaas ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “Qaranka Somaliland waa la ogyahay in Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka khilaaf ka dhex jiro, haddii taasi sii socotana Qaranka ayaa halis ku jira. Haddii meesha khilaaf yimaaddo dee wada shaqayntii iyo dantii Qaranku meesha way ku burburayaan. Iyagana maanta hawlo waawayn oo Qaran baa u yaalla oo laga sugayaa. Markaa, Madaxweyne Ku-xigeenka waxaannu kula talinaynaa inuu is-casilo sida uu meelahaa ka sheegay bannaanka uga baxo ama xilkii loo wada igmaday ay ka soo baxaan.”
Hase-yeeshee, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cali Xaamud mar uu shalay Saxaafadda qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inaanu jirin khilaafkaas Mudanayaashu sheegeen, waxaanu yidhi; “Waxaa maalmahan dad been abuur ah oo markay waxay ku meeraystaan waayeen faafinayey warar been-abuur ah. Waxa iyaguna ku jiray oo dadka waxan waday ah laba Xildhibaan oo Golaha Wakiillada Somaliland ka tirsan oo shalay (dorraad) Madaarka Hargeysa markay ka soo dhaadheceen iyagoon waxba ogeyn.”
“Ka dib markii Xisbiyagoodu ku fashilmay Shir Qaran oo ay Maxkamaddu ka diidday, ka dib markii Xisbigoodu ku fashilmay inuu taageero ka helo magaalada Hargeysa, ka dib markii ajande, himilo iyo waxay u soo bandhigaan Shacabka Somaliland ay waayeen, waxay sheegeen in Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisu ay is-haystaan oo khilaaf ka dhex-jiro, khilaafkaas oo wax ka jiraa aanu jirin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland.
Warkan sheegaya khilaafka ka dhex-qarxay Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Ku-xigeen Saylici, Masuulkii ugu horreeyey ee ka hadlay ayaa ah Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, balse illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xarunta Madaxtooyada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka toona oo burinaya ama caddaynaya khilaafka la sheegayo inuu u dhexeeyo oo Warbaahinta gudaha qaarkeedna faafiyeen.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
“Madaxweynaha Caqliga leh ee Furfurani, waa Madaxweynaha ku-xigeenkiisa mashquuliya”
Axmed Yuusuf Yaasiin oo waxa uu sheegay in booska Madaxweyne ku-xigeenku yahay shaqo lagu barto Samirka iyo Dulqaadka, nin kasta oo shaqadaas hayana looga baahan yahay inuu dul-qaad u yeesho caqabad kasta oo ka hor timaadda, isagoo ku dooday in isaga iyo madaxweyne Daahir Rayaale oo booska ku-xigeenka soo qabtay xilligii xukuumaddii Madaxweyne Cigaal ay waayo-aragnimo iyo Samir ka dhaxleen shaqooyinkaas, sidaas awgeedna aanu badnayn khilaafkoodu, haddii uu yimaaddana ay gudahooda ku dhammaysan jireen, waxaanu hab-dhaqan dowladnimada ceeb ku ah ku sheegay in khilaafka madaxweyne iyo ku-xigeenkiisu dibadda u soo baxaan, isagoo ka hadlayey ismaan-dhaaf dhexmaray madaxweyne Siilaanyo iyo Saylici oo tiraba dhowr jeer khilaafkoodu dibadda u soo baxay.
“Ninka madaxweyne ku-xigeen noqdaa wuxuu ku bartaa Samirka. Daahir Rayaale wuxuu ka soo gudbay Samir, Aniguna waxaan ka soo gudbay samir. Markii aan xilka wareejinayeyna waan u sheegay isaga (Saylici), madaxweyne ku-xigeen kasta waxaan leeyahay halkaas waxa lagu bartaa Samir,” Sidaas ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin oo shalay u warramay telefishanka STAR.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Labada masuul ee iska hooseeyaa hadday is khilaafaan waa inay ku xalliyaan xafiiskooda oo aanu dibada u soo bixin, waa wax ka caaggan nidaamka dowlnimo. Bini’aadamku wuu isqabsanayaa, waanu iska hor imanayaa, laakiin waa ceeb inuu xafiiska gudihiisa dhaafo.”
Mar la weydiiyey xidhiidhkii u dhexeeyey isaga iyo madaxweyne Daahir Rayaale, waxa uu ku jawaabay, “Khilaafkayagu muu badnayn oo Daahir Rayaale wuxuu ahaa nin dulqaad badan, hadday jireen oo khilaaf yimaaddona, Xafiiska ayaanu ku xalin jirnay.”
Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ku taliyey in madaxweyne ku-xigeenka qayb laxaad leh laga siiyo hawlaha xukuumadda si meesha looga khilaafaad yimaadda, waxaanu yidhi, “Madaxweynahan iyo kuwa soo socdaba waxaan leeyahay, madaxwaynaha furfuran ee isku kalsooni, waa madaxwaynaha ku xigeenkiisa u dhiiba shaqo, Axmed iyo kuwa ka dambeeyana waxaan leeyahay si aanu u abuurmin wax khilaaf ahi, Madaxwayne ku-xigeenka waa in la mashquuliyaa.”
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Cabdiraxmaan Faroole oo ka Mahad-sheegtay Shacbiga iyo Xukuumadda Somaliland
Cabdiraxmaan Faroole oo muddo todobaad ah ku sugan dalka, ayaa ujeeddada socdaalkiisu ku sheegay sidii uu u tacsiyayn lahaa Qoyska ay ka dhalatay Xaaskiisa ku geeriyootay magaalada Garoowe, kaddib markii ay rasaas kaga feketay wiil ay dhashay.
Munaasibad qado-sharaf oo madaxweyne Saylici ugu sameeyey Hargeysa, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Cabdiraxmaan Faroole, waxaanu yidhi, “Madaxweyne imaatinkayga halkan waad ka war haysaan oo wuxuu ahaa xidhiidh aan idin la soo sameeyay, oo aan u imid si gaar ah oo khusaysa geeridii xumayd ee naxdinta lahayd ee ku timid qoyskayga (Xaaskaygii).”
Cabdiraxmaan Faroole waxa uu u mahad-celiyey Shacabka iyo Xukuumadda Somaliland, waxaanu yidhi, “Qoyskayga oo u qaybsanaa Australia oo anigu aan joogay iyo Garoowe iyo Hargeysa, ayaan qaybtan Hargeysa ku soo gaadhay tacsi. Tacsidaas dadka iigu yimid ma tirin karo, waxaan hore u aqaanay oo asxaab ahayn, waxaanu qaraabo ahayn iyo dad ka mid ah dadweynaha iyo xukuumadda. Aad iyo aad baan uga mahadcelinayaa sidaas la iigu qadariyay intii aan halkan joogay, idinkana waan idiin hambalyaynayaa waanan idiin mahadnaqayaa dhammaantiin haddaad tihiin xukumad iyo shacabba” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Faroole.
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, Madaxweyne xigeenka Somaliland, oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaa sharaf weyn noo ah inaanu halkan ku marti qaadno Cabdiraxmaan oo kolay ah Oday Soomaaliyeed oo halkan inala jooga. Sharaf bay noo tahay Madaxweynahana way is arkeen, markaa marti-qaadkuu nagu lahaa uun baanu u samaynay.”
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Maxkamad dil ku xukuntay Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Liibiya iyo Masuuliyiin kale
Taliyihii hore ee Mukhaabaraadka Liibiya, Abdallah al-Senousi iyo Raysal-wasaarihii hore ee dalkaas Al-Baghdadi al-Mahmudi, ayaa sidoo kale iyagana Maxkamaddu ku xukntay dil toogaho ah. Sidoo kale, Maxkamadda ayaa dhawr qof oo kale ku xukuntay Xabsi daa’in iyo Xabsiyo min shan sano ah.
Waxaa kale oo Maxkamadda isla shalay la hor-keenay 30 qof dad ka badan oo ay aad isugu dhawaayeen Col. Mucamar Al-Qadaafi. Dadkaas ayaa lagu eedeeyay dembiyo dagaal iyo inay awood u isticmaaleen dad si nabad ah u dibed-baxayay xilligii kacdoonkii lagu riday Maamulkii Qadaafi uu ka socday dalka Liibiya Sannadkii 2011-kii.
Saif Al-Islaam Al-Qadaafi, ayaa Fiidiyow ama Muuqaal kaga qayb-qaatay Maxkamadda isagoo ku sugnaa magaalada Zintan ee dalka Liibiya, halkaasoo ay ku heystaan koox Mucaaradka dalkaas ka mid ahayd. Waxaa hore loo sheegay markii la qabtay Saif al-Islaam in laga jaray farta Suulka ku xigta ee loo yaqaanno Murdisada oo uu caan ku ahaa inuu dadka ku taago marka uu hadlayo, gaar ahaan ta Gacanta Midigta.
Maxkamadeynta Wiilka uu dhalay Madaxweynihii hore ee waddanka Liibiya Mucamaral Qadaafi iyo Xubnihii ka tirsanaa Xukuumaddii Qadaafi, ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee Liibiya lagu qabto tan iyo markii Xukuumaddii Col. Qadaafi xukunka laga tuurtay. Waxaana Madaxweynihii hore ee Liibiya Col. Qadaafi dilay qaar ka tirsan Kooxaha Xukuumaddiisa Mucaaradka ku ahaa isagoo ku dhuumanayey markaas meel ka baxsan magaalooyinka waawayn ee dalkaas sannadkii 2012-kii.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inuu Fashilmay Qorshe beesha Caalamku u jaan-goysay
Sida lagu sheegay kulan ay wada-jir ugu qabteen magaalada Muqdisho Xukuumadda iyo baraalamaanka dalkaas, waxa la go’aamiyey in sannadka 2016-ka aanay suurta-gal ahayn dalkaas laga hirgeliyo doorasho xor ah oo qof waliba codkiisa ku soo doorto madaxda dalkaas, waxaana taas lagu sababeeyey iyadoo aanay hirgelin heerkii la doonayey in laga gaadho nabadgelyada iyo wacyi-gelinta bulshada.
Kulanka wada-jirka ah oo ay goob-joog ka ahaayeen 158 Xildhibaan, ayaa lagu shaaciyey in la qaban doono shirweyne aayo-ka-tashi oo ay ka qayb-galaan Goleyaasha Dowladda, maamul-goboleedyada, Xisbiyada siyaasadda iyo bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya si looga tashado xilliga doorasho suuro-gal ah la qaban karo.
Shirkan ayaa loo muddeeyey inuu furmo maanta oo Arbaca ah, iyadoo loo ballansan yahay inay ka qayb-galaan madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada Soomaaliya, iyadoo ay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho ku sugan yihiin madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Galmudug iyo Koonfur-Galbeed, balse waxa ka maqan maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubba oo door laxaad leh ku leh dhismaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Madaxweyne Obama oo Khudbad dhinacyo badan uu kaga hadlay u jeediyey Madaxda Ururka Midawga Afrika
Khudbadda Madaxweyne Obama uu u jeediyay 54-ka dal ee Xubnaha ka ah Midowga Afrika, ayaa waxay taabanaysay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka Afrika, dhaqaalaha, musuqmaasuqa, Xuquuqda Aadamaha, dimuqraadiyadda iyo la-dagaallanka argaggixisada.
Guddoomiyaha Guddiga Ururka Midowga Afrika Nkosazana Dlamini-Zuma oo soo dhaweynaysay Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxay ku tilmaantay Barack Obama Wiil Afrika sheegato, iyadoo xustay xidhiidhka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Afrika.
“Afrika iyo Mareykanka waxaa ka dhexeeya lafo xooggan oo taariikhi ah, kuwaasoo ku dhashay dhiigga iyo dhididka Wiilasha iyo Gabdhaha Afrika. Kuwa ka gudbay Badda Atlantic-ga oo xooggooda geliyay Beeraha iyo Dhismaha Magaalooyinka Mareykanka, taasoo ahayd middii Mareykanka ka dhigtay inuu noqdo Waddan u awood weyn sida uu maanta yahay.” Sidaa ayey tidhi Dlamini-Zuma.
Madaxweyne Barack Obama oo markaa ka dib hadlaka la wareegay, ayaa ka Marag-kacay hadalka Guddoomiyaha Midawga Afrika Dlamini-Zuma, isagoo xusay in shacabka Afrika ay gacan weyn ka geysteen qaabeynta dalka Mareykanka, kuwaasoo u oggolaaday Mareykanku inuu noqdo heerka uu maanta marayo.
“Innaga iyo Carruurteennaba Afrika waxay na bartay cashar awood badan, kaasoo ah inaan dhawrno sharafta uu leeyahay qof kasta oo Bani’aadam ah, iyadoo aan loo eegayn midab iyo halka uu kasoo jeedo. Dhammaanteen waxaan nahay dad siman qof walbana macno ayuu Caalamkan ugu ku fadhiyaa, waxaanu mudan yahay inuu tixgelin iyo sharaf ku noolaado.” Sidaa ayuu Madaxweyne Mareykanku.
Barack Obama, mar uu ka hadlay halista Argaggixisadu ku hayso Afirka, waxa uu ku ammaanay doorka Ururka Midowga Afirka ee ku aaddan xallinta mushkiladaha Afrika, waxaanu yidhi; “Marka la eego wajihidda ka hortagga halista Argaggixisada Midowga Afrika waxay muujiyeen hoggaan. Ururka Midowga Afrika dartiis Al-Shabaab waxay hadda maamushaa dhul aad u yar, dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna sii xoogeysanaysa.”
Waxa uu intaas ku daray Obama oo sii watay hadalkiisa, in Ciidammada Midowga Afrika ay dalka ku yaalla badhtamaha Afrika ee Jamhuuriyadda Afrikada dhexe ay kula dagaallamayaan Kooxda LRA, sidoo kalena ay dalka Nigeria ee Galbeedka Afrika kula dirirayaan Ururka Boko Haram.
Guddoomiyaha Ururka Midawga Afrika Dlamini-Zuma, ayaa iyaduna ka hadashay halista Argaggixisada ka dib khudbadii Obama, waxaanay tidhi; “Inkastoo Afrika ay sameynayso horumarro haddana weli caqabado ayaa na horyaalla, waxaana walaaca ku haya uu innagana naga haysta halista Argaggixisadu ay ku haysto Qaaradda Afrika iyo Caalamka intiisa kale. Afrikana waxay qaybteeda ka qaadanaysaa dagaalka lagula jiro kooxaha Argaggixisada ahi.”
Madaxweyne Barack Hussien Obama, ayaa waxa kale oo ka hadlay dimuquraadiyadda Afrika, isagoo sheegay in Afrika aanay u baahnayn Madaxweynayaal awood leh, balse ay u baahan tahay Hay’ado shaqeeya oo dimuquraaddi ah oo Shacabkuna ay jecel yihiin. “Dastuurka Afrika ee Xuquuqda Aadamaha waxa ku qoran in qof kastaa uu leeyahay sharaf, laga soo bilaabo Sierra Leone, Ghana, Benin illaa Botswana, Namibia iyo South Afrika dimuquraadiyaddu way xididdeysanaysaa.” ayuu yidhi Obama oo ku daray hadalkiisa in dalka Nigeria, waxaa codkooda si geesinnimo leh u dhiibtay in ka badan 28 Milyan oo qof, balse Xuquuqda noocaas ah ma haystaan dad badan oo Afrikaan ah.
Obama oo hadal uu ka dhawaajiyay ula jeediyay Madaxweynayaasha Afrika ee xukunka isku dhajinaya, ayaa wuxuu tusaale u soo qaatay Itoobiya, isagoo yidhi; “Dimuquraadiyaddu ma aha doorashooyin la qabto oo keliya, balse marka la xidho Weriyeyaal shaqadooda dartood ama la handado dadka Xuquuqda Aadamaha u dhaqdhaqaaqa, gacan bir ahna lagu qabto Ururrada Bulshada Rayidka ah, taasoo macnaheedu waa inaad haysato dimuquraaddiyad magac uun u jirta.”
“Dalkan aan martida u nahay ee Itoobiya waxaa ka jira wax badan oo lagu Ammaano oo la qabtay. Dabcan doorashana way ka dhacday, anigoo u sheegay Raysal-wasaaraha Itoobiya in tallaabooyinkan ay yihiin billowgay wax u eg dimuqraadiyad. Itoobiyana ma gaadhi karto horumar ay Shacabkeedu higsadaan haddii aan la dhawrin Xuquuqaadka aasaasiga ah.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Obama.
Madaxweyne Barack Obama ayaa ka hadlay Fursadaha Dhaqaale ee Afrika ka jira iyo sida uu Mareykanku u daneynayo, isagoo hoosta ka xariiqay in horumarka Afrika uu ku xiran yahay; Maamul-wanaag, Dimuqraadiyad iyo la-dagaalanka Musuq-maamuqa oo uu ku tilmamaay cudur Kansar ah oo Afrika ku jira.
Waxaanu Madaxweynaha Maraykanku ka warramay sida uu dunida uga jiro musuqu Afrika ha ugu darnaatee, waxaanu yidhi; “Ma jiraan wax fur-furi kara ahmiyadda dhaqaale ee Afrika iyo dhulkeeda dihan haddii aan lasoo af-jarin dhaqanka Musuqmaasuqa. Mana aha musuqmaasuqu wax u gaar ah Afrika, balse waxa kaalin ku leh kuwa la Ganacsada Qaaraddan Afrika. Caalamka oo dhan wuu ka jiraa Musuqmaasuqa, xitaa Mareykanka wuu ka jiraa, balse halkan (Afrika) wuxuu ka noqday Kansarka oo kale, waxaana la musuqmaasuqaa Bilyanaad Doollar oo la gelin lahaa horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka Afrika.”
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Burco: Madaxweyne Siilaanyo oo Kormeeray Bukaan-jiifka Cusbitaalka Guud oo uu xoolo ku wareejiyey
Burco, 29 July, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa kormeer ku maray bukaanka Cusbitaalka Guud ee magaalada Burco, waxaanu madaxweynuhu maamulka cusbitaalka ku wareejiyey Xoolo nool oo loogu talo-galay dadka Bukaan-jiifka ah.
[gallery columns="2" ids="22042,22041"]
Madaxweynaha iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ku jooga Xarunta Gobolka Togdheer, ayaa galabnimadii shalay kormeerka ku tagay cusbitaalka, waxaanu intii uu ku sii jeeday cusbitaalka Guud uu waddooyinka magaaladaaas kala kulmay soo-dhawayn ballaadhaan, iyadoo jidadka magaalada ay tubnaayeen dadweyne tiro-badan oo madaxweynaha iyo weftigiisa soo dhaweeyey.
Sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo xafiiska af-hayeenka madaxtooyadu kaga hadlay kormeerka uu ku maray Bukaan-jiifka cusbitaalka, waxa uu Md Siilaanyo kormeeray cusbitaalka Guud ee Burco. “Kormeerkan ayey u jeedadiisu ahayd xaalada guud ee ay ku sugan yihiin bukaanada kala duwan ee xanuunada u jiifa waadhadhka dhakhtarka kuwaas oo isugu jira caruur iyo Cirooleba.
Madaxweynuhu waxa uu bukaanka mid mid uga waraystay xaaladiisa caafimaad isaga oo u duceeyey in alle ka dulqaado xanuunada oo uu siiyo caafimaad taama, waxaanu madaxweynuhu bukaanka iyo cusbitaalka guud ugu deeqay xoolo nool si loogu qalo.
ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku soo noqday xarunta guriga martida ee burco oo uu magaalada ka degan yahay,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka kooban ee madaxtooyadu kaga hadashay kormeerka uu ku Md Siilaanyo ku maray cusbitaalka Guud ee Burco.
Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Xukuumadda, ayaa dorraad socdaal ku gaadhay magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool, halkaas oo uu mashaariic ka fuliyey, waxaanu kormeer ku tagay jiidaha hore ee Fadhiisimada Ciidamada Qaranka oo uu khudbad u jeediyey, ka hor intii aanu habeen dib ugu soo noqon magaalada Burco.
Weftiga madaxweynaha ee ku sugan gobollada Bariga dalka, ayaa la filayaa inay gaadhaan magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo la filyo inuu xadhigga kaga jaro qaybo ka mid ah jidadka isku xidha gobollada Sanaag iyo Togdheer oo qaybo ka mid ah la dhammeystiray.
Dhinaca kale, marwada madaxweynaha Marwo Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirde oo weftiga madaxweynaha ku wehelinaysa, ayaa gelinkii dambe ee shalay kormeer ku martay Xarunta Agoomaha Burco ee lagu magacaabo URTAHEGAN iyo Xarunta daryeelka Darbi-jiifka.
Marwada Madaxweynaha Somaliland waxa ay warbixinno ku saabsan qaabka ay u shaqeeyaan ka dhegaystay maamuullada gacanta ku haya labada xarumood, iyadoo markii dambe ku ku wareejisay midkiiba xoolo nool oo loogu talo-galay carruurta ku xeraysan labada Xarumood.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Tuesday, July 28, 2015
DAAWO: Xukuumada Somaliland oo Hadhimo sharafeed Hargeysa Ugu Samaysay Madaxweynihii Hore Ee Puntland
Hadhimo sharafeedan ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin iyo mudanayaal ka kala socday xukuumada, xisbiga Kulmiye, Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, madaxdhaqameedka iyo bulshada.
HALKAN KA DAAWO KHUDBADAHA CASUUMADAN
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Madaxwayne Ku Xigeenka Oo Qaddo Sharaf Ku Maamuusay Madaxwaynihii Hore Ee Puntland Dr Faroole.
Munaasibadani qado sharafta ah oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, ayaa waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, waxaana uu soo dhaweeyay Madaxweyne Faroole.
Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedyada Soomaaliyeed ee Punthland Cabdiraxmaan Maxamud Faroole oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadnaqay Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland casuumadda iyo soo dhawaynta fiican ee loogu sameeyay intii uu joogay magaalada Hargaysa.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliand Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa isaguna gabagabadii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in munaasabadan ay u qabteen Dr Faroole ay tahay mid lagu soo dhawaynayo islamarkaana waxa uu ka tacsiyeeyeey geerida ku timi xaaskiisii oo dhawaan lagu dilay magaalada Garoowe.
Cabdiraxmaan Maxamud Faroole, Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa muddo ku siman 10 cisho socdaal ku joogay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, isagoo socdaalkiisaasi la xidhiidhay dhinaca qoyskiisa.
Himilomedia
Hargeysa Office
The Supreme Court Ruling; A Judicial Phenomenon That Was A Good News For All-By advocate Mohamed Ahmed Abdi Ba’alul
I would say, Prof Adam Haji Ali, the newly appointed chief of justice, had pushed many names out of the headlines this week. Although, previously, public does not pay a great deal of attention to the business of the Supreme court, but as result of this judicial surprise, Somalilanders tend to hold meaningful opinion on every issue that will appear on the court's docket.
Quiet so, Somaliland Supreme Court tends to build a close relationship with the public media. The recent activities launched by the Supreme Court were not left under the cloak of darkness, but rather addressed to the mass media audience. Before now, media pressure was used against the court. All Judges are well aware that criticism from unsuccessful parties, parties, interest groups, or campaigning newspaper that had followed any decision of their in a matters of high public interest.
Despite the fact that waves of critics have been growing upon judiciary, it lacks a voice in the public debate. Because, it is strongly believed that judges should only communicated through its decisions. Is this right, even if the media misinforms the public?
It is not fair on judiciary to be turned in to struck-dumb like a mystery guest, while other government branches continue to mirror their development through the press. Likewise, judiciary administration should not have underestimated the right of the public to know about the judicial process. For this reason, there should be a judiciary spokesperson, who will instruct the press in law. This spokesperson may follow and react to media through websites and other social media.
By Mohamed Ahmed Abdi Ba’aluul (063 44 88 011)
Himilomedia.com
Sheeko Gaaban Again “Again”- W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Cabbaar markii ay meeshii fadhiyeen ayaa uu darawalkii gaadhigii damiyay nalkii baabuurka, iyaga oo labadii nina mooday in ay cadceedii dhacday oo mid ka mid ahi markiiba lasoo booday: waar waa maxay magaaladdan aynu nimid ee cadceedoo sideedii u caddi mar kaliya iska dhacayso mida kale sawtii galbeed u dhici jirtay waa maxay badhtankay taagnayd un bay ku dhacdee?! Waar bilay darruuri yar qarisay oo ay soo baxaysaa ileen waxaasi wax caqli gal iyo caaddo toona ah maahee. Sidaa waxa yidhi kii kale oo la yaabay waxa uu saaxiibkii u sheegay. Isna waxa uu ugu jawaab celiyay: oo miyaanad arkayn sawtan ay xiddigihii soo baxeen ee ay dusheena tuban yihiin maaha, xattaa waddankani wuxuu leeyahay dayaxyo dhawr ah oo nuur weyn, weliba aad usoo dhaw. Isaga oo laydhadhka faraha badan ee ku xidhan madaarka ku tilmaamaya xiddigo, halka khashaafaddo dhawr ah oo kasoo laadlaadayna uu ku sheegayay dayaxyo. Badawnimo xumaa, iyagoo halkii fadhiya ayaa uu u yimid nin ka mid ah shaqaalihii meesha oo waydiiyay waxa ay yihiin, kadibna u sheegeen in ay ka yimaadeen magaalo heblaayo, halkana ay ku sugayaan ninkii yidhi waan idin soo dhoofinayaa iyagoo u haysta in ay soo gaadheen magaaladdii ay u socdeen. Ninkii shaqaalaha ahaa ayaa fahmay in ay nimankani yihiin qaar aan waxba kala garanayn, oo reer baadiye ah, waxaana uu u sheegay in aanay weli ka bixin dalkoodii, halkana ay tahay gegidii ay diyaaraduhu ka haadayeen ee ku taalay magaaladdooda. Waxa kale oo uu u sheegay inay fadhiistaan halka diyaaradda laga raacayo ee loogu talo galay dadka dhoofaya, waxa uu u fududeeyay meelihii lasii marayay oo dhan isaga oo ka hubiyay waraaqihii ay siteen. Wax yar markii ay fadhiyeenba labadii nin oo afku juuqda gabay oo is gartay inay ku cadaatay badawnimadii ayaa iyaga oo lasii yaaban diyaaraddaha goobta taagan loo yeedhay kaddibna fuuleen diyaaraddii, sidaasna ku dhoofeen.
Ammin door ah kadib waxa ay gaadheen dalkii ay ku socdeen ee ingiriiska, oo markii ay diyaaradda ka dageenba isku arkeen ninkii ku sugayay una kaxeeyay huteel uu usii kireeyay.
Labadii nin dhibaatada ka haysata xagga dhaqanka iyo dhar xidhashada, waxa u wehelisay afkii oo ay la qabsan waayeen, cid kasta oo ay is yidhaahdaan wax waydiiyana ay ugu jawaabayeen ereyo af ingiriisiya xattaa soomaalida meesha degenayd.
Maalin ayaa lacag waxoogaa ah oo la siiyay labadooda la damceen in ay wax kusoo cunaan, waxaana ay galeen hudheel uu lahaa nin Soomaali ah oo ku dhagsanaa meesha ay degenaayeen, waxaana ay ka dalbadeen in uu u keeno Garaw haddii uu hayo, xiiso ay u hayeen cuntooyinkoodii ay cunni jireen iyo boholyaw ay u qabeen ayuun bay ka ahayd garawga ay dalbadeen. Mudalabkii hudheelka ayaa kaga farxiyay in uu garaw yaalo, kadibna u keenay. Wax garawgii la cunaba waxa soo ag fadhiistay laba yar yar oo caddaan ah kadibna inta ay ingiriisi kula hadleen mudalabkii u dirtay hillib. Inyar kadibna loo soo dhigay bahal hilliba oo si heer sare ah loo soo shiilay. Labadii nin ayaa inta ay is eegeen yidhi waar hilibkaasoo kalaa maanta inagu fiicnaa, dee waynu saruuraddoonoo hiliba maynaan arag sidaynu meel baastan u nimide. Haa walaahi laakiin maxaynu nidhaahnaa ma kaasoo kale noo keen, sidaas waxa yidhi mid ka mid ah labadooda. Mise intii ay wada hadlayeenba waxa dhameeyay kuwii caddaanka ahaa oo doonay inay kusoo ceshadaan hilibkoodii, kadibna inta uu midi la hadlay mudalabkii ku yidhi Agayn “Again” iyagoo u jeeda cuntadayadii hore noogu soo celi, kadibna loo soo biisay mid la mid ah cunadoodii hore. Labadii nin oo la socday hadalada ay nimanka kale wax ku dalbanayeen ayaa ku yidhi inankii hudheelka Agayn “Again” iyagoo u haystay in hilibka magiciisa la yidhaa Agayn, mudalabkiina waxa uu ugu soo celiyay garawgoodii. Labadii nin inta ay aad u xanaaqeen ayaa ay ku dhufteen ninkii jamcaddii wax loogu keenay, kadibna ku yidhaahdeen malaha mii bay ka yimaadeen baa lagu yidhiye waxan aannu ku leenahay maanay Agayn “Again” ahayn.
Dhammaad
Fiiro gaar ah: maaha Sheeko aan asalkeeda leeyahay ee waa Sheeko la iiga sheekeeyay oo aan qoraalkeeda iyo qaabaynteeda un leeyahay.
W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Arday kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Hargeysa
E-mail: Xiinfiniin_10@hotmail.com
Himilomedia.com
Dulman! Sheeko-W/Q Faadumo Buuni
Waa arooryo hore. Waana xilliga shaqooyinka, suuqyada iyo dugsiyada loo dareero. Gayn mayno iyo waynu gayn sidii la isku lahaa bay ku soo baxday Gaasira oo salad sidata una socota dhinacaa iyo suuqa, si ay u soo iibsato adeegii guriga. Gurigeedu ma buu ka fogayn halka ilmaha yar la dhigay. Uba soo dhawaatay buuqii iyo sawaxankii dumarka meesha iskugu soo ururay. Rag goobtaa wuu soo istaagayey balse waxba kamay soo qaadin way eegaan waanay dhaafaan.
Qaarna waxay yidhaahdaan, ”Naa ordoo meesha ku kala dareera. Qaylo, buuq iyo sawaxan uun baad miciinsataane howlahiina ku kala faafa. Ubadkiinaa idiin baahane daryeela iyaga.” Waaba isku wada af. Kii soo istaagaaba hadalkii kii kale buu yidhaa wadnahoogu waaba dhagax qalallan. Ma ilmahan yar baa haddaa u baahnayn daryeel iyo dugsi?! “Maxaynu samaynaa iyo ilmahan yar sidaynu nidhaa?” Maskaxdooda yar way ku soo dhici wayday. Alla waa markaan idhaa, “Yaa ragga cagaf wada mariya?!”
Intay aad uga naxday bay tidhi, “Alla bisinka naa maxaa meesha ka dhacay?” “Ilmo yar baa habo meesha la soo dhigay.” Bay gabadh yar oo xidhan balcaddii dugsiga ugu warcelisay. “Alla toloow miyey nooshahay?” Ayey haddana Gaasira oo dhidid waawayni ka soo booday kula haadday tii yarayd. “Haa habo way nooshahay.” Uguba war celisay. “Sawaxankan iyo qayladan naga daayoo maxaynu samaynayaa? Naa miyuu arrinkani idinku cusub yahay? Halkeed afka gacanta iskaga galiseen.” Ayay cod dheer ku tidhi oo mar kaliya la wada aamusay dhinaceediina la soo wada eegay.
Mabay sii war-waraysane dumarkiiye inta ay ilmihii yaraa haf ka siiyey bay tidhi, “Boolis …..Boolis uun baad haysaane, anigaa qaadanaya ilmahan yar.” “Jaqaaq….. Jaqaaq.” Buu intaa ilmaha yari hayaa oohintiisuna waa mid aad ka jidhiidhicoonayso oonad u adkaysan karayn. “Naayaa Gaasira, Gaasira halkeed ula boodday? Ilmaha yar iska dhig. Armoo dhibaato kaa soo gaadhaa.” Bay tidhi mid ka mida haweenkii intay qoorta kala soo dhex baxday dumarkii meesha iskugu soo ururay, hadalkiiba kamay sii gurine gurigeedii bay dib ugu noqotay, iyadoo ilmihii yaraana sidata ujeeddaday u socotayna ka soo jeedsatay. Soo ba gaadhay gurigeedii albaabkii gow… gow… gow…. kaga siisay. “Naa iga fur bal albaabka Hodaneey.” iyaday ku ogayd guriga inay joogto oonay tagin waxbarashadeedii xalay oo dhan bay is dilayeen mid kor uga roonayd cadhaabay la soo toosi wayday oo maxay ugu qasbi wayday inay tagto Waxbarashadeeda oo maxay haddaa dhangad ula gali wayday? mooyiye Hodan oo ilna isku haysa ilna kala haysa baa tidhi, “Waa ayo dee qofkan xilligan garaacayaa albaabka muxuu ahaa?” …………………………………… La soco qabta danbe hadduu Eebbe ogolaado.
Faadumo Buuni
libaaxo.77@gmail.com
Hargaysa, Somaliland
Himilomedia.com
“Madaxwaynaha Furfuran Ee Caqliga leh ee isku Kalsooni, Waa Madaxwaynaha ku Xigeenkiisa u dhiiba Shaqo….Axmedna Waxan leeyahay si aanu u Iman Khilaaf Madaxwayne Ku Xigeenka Mashquuli”Axmed Yuusuf Yaasiin.
Axmed Yuusuf Yaasiin waxaa uu sheegay in khilaafku meel walba ka dhasho balse loo baahanyahay in lagu xaliyo gudaha xafiiska madaxtooyada si aanu dibada ugu bixin, isagoo intaasi raaciyay in lagu kalsoonaado madaxwayne Ku Xigeenka isla markaana shaqo lagu mashquuliye loo dhiibo sidii madaxwayneyaashii hore.
Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland waxaa uu dulqaad ku sifeeyay shaqsiyada madaxwaynihii hore ee Somaliland isla markaana waxaa sheegay inuu yaraa khilaafkii isaga iyo madaxwayne Riyaale.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo maanta magaalada Hargeysa Ugu Waramayay Wariye Barkhad Ladiif Ayaa Horayn Ka Hadlay Khilaadka Madaxtooyada “Labada masuul ee iska hooseeyaa haday is khilaafaan waa in khilaafka lagu xaliyaa xafiiskooda oo aanu dibada usoo bixin, bili’aadamku wuu isqabsanayaa wuu iska hor imanayaa aaraada way ku kala duwanaanayaan, laakiin in xafiiska gudihiisa dhaafaa waa ceeb”Ayuu Yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Madaxwayne Xigeenkii Hore ee Somaliland waxaa uu talooyin usoo jeediyay madaxwaynaha siilaanyo “Madaxwaynaha furfuran ee caqliga leh ee isku kalsooni, waa madaxwaynaha ku xigeenkiisa u dhiiba shaqo, Cigaal Wuxuu u dhiibay Cabdiraxmaan Difaaca madaxwayne ku xigeena wuu u ahaa, wuxuu ahaa nin isku kalsoon, Axmedna waxaan leeyahay si aanu u iman khilaafku Madaxwayne ku xigeenka waala mashquuliyaa”Ayuu Yidhi Madaxwayne kuxigeenkii hore ee Somaliland.
Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland waxaa uu xukuumada uu hogaaminayo madaxwayne siilaanyo usoo jeediyay in ay ka tagaan dalka oo ay hormar gaadhsiiyaan balse aanay dalka kaga tagin waxqabad la’aan iyo tafaraaruq baahsan.
Himilomedia
Hargeysa Office
Baarlamaaka Iyo Xukuumada Somaliya Oo Ku Dhawaaqay Dib U Dhac Doorasho Iyo Nuxurka Qodobo Si Wada Jira ay Usoo Saareen.
Kulankaan oo ka dhacay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada waxaana ay isku raaceen in dalka aanay doorasho ka dhici Karin.
Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay muhiimada labada Gole ee Dawladda ay u midoobaan marxaladan siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Wuxuu sheegay in dalka aanay doorasho shacabku codeeyaan aanay ka dhici karin, sidaasi awgeedna muhiim ay tahay in la qabto Shirweyne wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan Dawladda iyo Maamul Goboleedyada dalka.
"Waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo oo halkaan idin keenay inaan kalsooni idin geliyo, sababtoo ah wakhti xassaasi ah ayaa la marayaa waxaan rabaa inaan ka shar ciyayno saddexdii qodob ee Xildhibaan Goodax uu halkaan ka sheegay, Doorasho qof iyo cod dalkaan kama dhici karto." Ayuu yidhi Ra'iisul Wasaaraha Somalia.
Xildhibaan Cabadilaahi Goodax Barre ayaa Baarllamaanka hortiisa wuxuu ka akhriyay saddex qodob oo Xukuumadda iyo Baarlamaanku isku raaceen.
1- Labada gole ee dawladda waxay isla garteen oo ay isku raaceen in sanadka 2016 dalka ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah
2- In la qabto shirweyne heer qaran ah oo ay ka qeyb galayaan golayaasha dawladda iyo maamul goboleedyada dalka, kaasoo looga tashanayo tallaabada ay dawladdu qaadeyso si dalka doorasho uga dhacdo 2016 augost marka la gaadho, maadaama aanay dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah
3- In qaban qaabada howsha hiigsiga 2016 iyo tallaabada dawladda qaadeyso lagu soo gaba gabeeyo dhamaadka sanadkan 2015, si 2016 shaqada u bilaabanto.
Himilomedia
Hargeysa Office
“Siciid Cilmi Rooble Meel Walba Mucaaradad Iyo Waxbaa la waalaa uunbuu arinkiisu noqday….Xildhibaan Nin Wayn oo Umadi Dooratayna…..”Xildhibaan Xasan Shahar.
Dawlada hoose ee magaalada hargeysa ayaa shalay olole wado banayna ka bilowday suuqa wayn ee magaalada iyadoo burbur xoogan u gaysatay ganacsada yaryar ee ka ganacsada hareeraha wadooyinka.
Xildhibaan Xasan Cabdi Cali Xasan (Shahar) oo ka tirsan golaha deegaan caasimada ayaa ku dooday in golaha deegaanka laga doonayo wado furan iyo caasimada qurux badan, isla markaana loo baahanyahay sida la isku qabad siin lahaa ganacsiga danyartu ka wado hareeraha wadooyinka iyo sumxada dariiqyada caasimada.
Xildhibaanku waxaa kale oo uu ka jawaabay eedo golaha deegaanka uga yimid Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo kamida golaha wakiilada Somaliland kaasi oo dawlada hoose ku canaantay qaabka ay bulshada ula dhaqmeen isagoo ku eedeeyay in ay shacabka u adeegsadeen awood ciidan.
Xildhibaan Xasan Shahar oo maanta Shir-Jaraaid ku qabtay xarunta Dawlada hoose ayaa sheegay “Goluhu Dhawr jeer ayuu wadoooyinka Baneeyay,Wadooyinkii magaalada sumxada baabuurtu ku mari laayihiinn waad la socotaan, in wadooyinka la baneeyaa oo gaadiidku maraana waa adeegii bulshada, dadku waxay jecelyihiin inay wadada dhexdeeda degaan, wadooyinka cadowgoodu ciiduu ka batay, Golihii Deegaanka waxaa laga doonayaa wadooyin furan iyo bilicdii caasimada,markaa sideenu isku waafajinkarnaa wadooyin banaan iyo Ganacsiga umada”Ayuu Yidhi Xildhibaan Xasan Shahar.
Xildhibaanku waxaa uu golaha deegaanka ka difaacay dhaliilo uga yimid xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada isagoo Xildhibaankaasi ku tilmaamay Masuul meel walba mucaaradad la taagan.
“Xilidhibaan Siciid Cilmi Rooble waxaan leeyahay xildhibaan isku fiirso, waxbaa la waalaa uun buu arinkaagu noqdee, Bal arinta aad ku jirto nin wayna waatahaye, in tay dadka dhib ku keenayso iyo intay waxyeelayso ayaad ka shaqaynaysaa ee wax u fiirso, Nin wayn oo umadi dooratay oo gole ku jira oo lagu xisaabtamo oo siyaasiya ayaa tahay,Markuu qofku bilaa cilmi yahay way timaadaa inuu waxa uu doono ku hadlo, Kuweenii caqliga lahaa markay waxaas ku hadlayaan ma munaafaqadbaynu ku sheegnaa maxaynu ku sheegnaa bal”Ayuu Yidhi Xasan Shahar.
Dawlada Hoose ee hargeysa ayaa ku hawlan banaynta wadooyinka caasimada xili shacabka shaqo la’aantu saamaysay ku ganacsadaan hareeraha wadooyinka halbawlaha si ay uga helaan nolol maalmeedka.
Himilomedia
Hargeysa Offoce
“Soo dhawaynta diiran ee Shacabka ku dhaqan Laascaanood ku qaabileen Waftigii Madaxweynuhu waxay ahayd fariin cod dheer oo muujinaysa in gobolka Sool yahay amni”Wasiir Xirsi.
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
“Madaxweynaha JSL ayaa dhagax dhigay baayihiii aasaasiga ahaa ee nolosha oo ay kamid yihiin Biyaha, caafimaadka, nabadgalyada “Saldhigyo boolis” iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo Waddooyinku uugu horeeyaan”
------------------------------------------------------------------------------------------
Waxaa maanta Madaxweynaha JSL Mud. Axmed Maxamed Silanyo oo aan ku wehelinayno xubno kamida golaha wasiirada iyo taliyeyaasha ciidanka qaranku safar shaqo ku gaadhnay xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.
Ujeedada socdaalkan oo daarnaa u kuurgalida xaalada guud ee gobolada bariga iyo hirgalinta mashaariic taabanaya baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha ayuu madaxweynuhu u dhagax dhigay baahiyahii uugu muhiimsanaa oo ay kamid yihiin Biyaha, caafimaadka, nabadgalyada “Saldhigyo boolis” iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo Waddooyinku uugu horeeyaan
Talaabadan ayaa imanaysa kadib markii shacabka ku dhaqan gobolka Sool oo kaashanaya xukuumada ay ku kalsoon yihiin ay dhinac uuga wada jeesteen horumarinta gobolka iyo guud ahaanba dalka.
Waxaa hubaal in nabadu tahay albaabka horumarka iyo horusocodka maanta shacabka ku dhaqan Laascaanood waxay fariin cod dheer uugu direen caalamka in gobolka Sool yahay amni dadkiisuna yihiin kuwo u bisil horusocodka.
Intaas kadib wuxuu Madaxweynaha iyo waftigii uu hogaaminayey booqaasho dardar galin iyo dhiirigalin ah ku gaadhay aaga hore ee fadhiismada ciidanka aan la loodin Karin ee qaranka halkaas oo uu bushaarooyiin iyo hambalyo gaadhsiiyey sidoo kalena xusay in amniga lagu seexdo Alle ka sakow ku jiro raggaas dhaxanta u jiifa dhismaha qarankooda.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Maamulka Togdheer oo Caddeeyey inaanay Wacyigelinta Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaashu ka socon guud ahaan gobolkaas iyo Doodda Guddiga doorashooyinka
“…Waxay yidhaahdeen gadaal baannu ka soo sheegaynaa, balse illaa hadda nalamay soo xidhiidhin. Sidaa awgeed, magaalada Burco ma jirto hawl wacyigalinta diiwaangelinta ah oo ka socotaa…” Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye
Hargeysa/Burco, 28 July, 2015-(Himilo)- Wacyigelinta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka oo ay Guddiga doorashooyinka Qaranku shaaciyeen inay bilaabantay 21-kii bishan aynu ku jirno ee Julay, kana bilaabantay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaan la arag meel ay ka socoto, waxaana Wargeyska Himilo oo u kuur-galay hadday socoto sida ay u socoto iyo hadday hakad gashay sababta ay u hakatay wax ka weydiiyey hawshan Guddoomiyaha Guddigaas iyo Maamulka gobolka Togdheer.
Ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya inaanay dadweynuhu arag meel ay ka socoto wacyigelinta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee ay Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ku shaaciyeen Shir Jaraa’id oo ay Axaddii toddobaadkii hore ay ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa, maalintaas oo ay u sii baxayeen Safar ay ku tageen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Afar Xubnood oo Guddiga doorashooyinka ka tirsan, ayaa Axaddii toddobaadkii hore markay shirka Jaraa’id ku qabteen Hargeysa ka dib baxay oo gaadhay magaalada Burce ee xarunta gobolka Togdheer, halkaas oo ay ka sheegeen inay bilaabmayso wacyigelinta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo ay Dhaqaalaha ku baxaya ka taageerayso ama ay bixinayso Hay’adda IOM, taasoo ay dadweynaha reer Togdheer iyo Maamulka gobolkaasi midna arag meel ay ka socoto sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen.
Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo Khadka Taleefanka xalay wax kaga weydiiyey sababta hakisay Wacyigelinta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka ee ay hore u shaaciyeen inay ka bilaabeen gobolka Togdheer, ayaa ku dooday inaanay jirin wacyigelin istaagtay, isla markaana ay u socoto sidii ay ugu talo-galeen.
“Hawshii wacyigelinta diiwaangelinta sidii aannu ugu tallogalnay iyo qorshahii aannu u dhignay ayey ku socotaa, wax istaagay ama khilaaf ka dhashay ma jiraan. Hadallo dad waayey Qandaraaskii wacyigelintu shegayaan, ma doonayo inaan sii dhexgalo.” Sidaa ayuu yidhi oo uu ku jawaabay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka jawaabayey Su’aasha Wargeyska Himilo weydiiyey.
Balse, Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo sidoo kale, Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo Khadka Taleefanka wax kaga weydiiyey sida ay gobolkaas uga socoto wacyigelinta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, waxaanu faahfaahin ka bixiyey sida hawshaasi tahay, waxaanu yidhi; “Guddiga Doorashooyinku way ku dhawaaqeen in wacyigalinta diiwaangalintu ay magaalada Burco ka bilaabayaan, waanay yimaaddeen dhawaan Burco, khudbadna way ka jeediyeen, balse hawshii may bilaabmin.”
“Waayo? May sheegin waqtiga hawsha la galayo iyo cidda (NGO) wacyigalinta samaynaysa ee ay siiyeen iyo shaqaalaha ka shaqaynaya, waanay noqdeen oo waxay yidhaahdeen gadaal baannu ka soo sheegaynaa, balse illaa hadda nalamay soo xidhiidhin. Sidaa awgeed, magaalada Burco ma jirto hawl wacyigalinta diiwaangelinta ah oo ka socotaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye oo ka jawaabay su’aasha Wargeyska Himilo ka weydiiyey arrintaas.
Himilomedia
Hargeysa Office