Saturday, July 25, 2015

Britain oo ka hadashay Wefti ay soo dirtay oo isaga Dab-qaaday Muqdisho iyo Hargeysa oo ay kulamo ku wada-yeesheen Madaxweynayaasha Somaliland & Soomaaliya

Qodobbada ay sida isku midka ah ugala hadleen Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh



Hargeysa, 25 July, 2015 (Himilo)- Dawladda Ingiriiska, ayaa ka hadashay kulammo Wefti Sare oo ay u soo dirtay isagaga dab-qaadeen magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa oo ay kulammo kula yeesheen Madaxweynayaasha Soomaaliya, Somaliland iyo Masuuliyiin labada dal ka tirsan. Waxaanay faahfaahisay muhiimadda ay ka leedahay Somaliland iyo Soomaaliya.
Weftigan ka socda dawladda Britain ee isaga dab-qaaday magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, waxaa hoggaaminayey Wasiirul-dowlaha wasaaradda Khaarajiga iyo Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika, Grant Shapps, kaasoo Weftigiisu ku soo horreeyey magaalada Muqdisho oo uu kula kulmay Madaxweynaha, Raysal-wasaaraha iyo Wasiirro dawladda Soomaaliya ka tirsan, waxaanu isla Jimcihii shalay u soo gudbay dhinaca magaalada Hargeysa oo uu iyana kula kulmay Madaxweynaha iyo Wasiirro Xukuumadda Somaliland ka tirsan, isagoo labada dhinac-ba heshiisyo la saxeexday.

Haddaba, waxa ujeeddada Weftigan iyo waxyaabaha ay Masuuliyiinta Soomaaliya iyo Somaliland kala hadleen lagu faahfaahiyey War-Saxaafadeed qoraal ah oo xalay ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ingiriiska, kaasoo ku soo baxay Luuqadda Ingiriisida, isla markaana Wargeyska Himilo u soo turjumay Af-Soomaali, waxa uu u dhignaa sidan:-
“Wasiir Grant Shapps isagoo wakiil ka ah Waaxda Horumarinta Caalamiga ah iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Barwaaqo Sooranka, wuxuu la kulmay hoggaamiyeyaasha Siyaasadda ee labada gobol (Soomaaliya iyo Somaliland) si loo sii xoojiayo xidhiidhada Britain la leedahay, waxaana tan ka mid ah heshiis laga gaadhay taageero cusub oo aanu ka gaysanayno Tamarta la Cusboonaysiin karo ee Somaliland iyo biyo-ballaadhinta magaalada Hargeysa.

Mr. Shapps oo la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal wasaare Sharmarke iyo wasiirrada dowladda Soomaliya, waxa uu calaamadiyey muhiimadda ay leedahay in la hirgaliyo Somalia doorasho loo dhan yahay oo nabad ah sannadka 2016. Wuxuu hoosta ka xarriiqay doorka xaasaasiga ah ee dawladda Federaalka looga baahan yahay inay horumariso Ciidammada Nabad-sugidda Soomaliya, waxaanu soo dhaweeyey horumarka ay Soomaaliya ka gaadhay Samaynta maamullada ku-meel-gaadhka ee gobollada. Wuxuu ku boorriyey in la sii wado wada-xaajoodyada si loo xaqiijiyo inay si daacad ah u metalaan uguna shaqeeyaan Shacabka.
Intii uu Mr. Shapps ku gudo-jiray safarkiisa Muqdisho, wuxuu yidhi, ‘Soomaaliya waxa kaalinta hore kaga jirtaa danaha siyaasadda dibadda ee dowladda UK, kuwaas oo ay ka mid yihiin in la taageero baahida dalka ee bani’aadmnimada iyo horumarka. In la taageero dhismaha waddanka Soomaaliya oo nabdoon, xasilloon oo barwaaqo ahi waxay muhiimad u leedahay dadka Soomaalida, gobolka iyo Adduunka, tani maaha oo kaliya wixii saxda ahaa oo la qabto, xaqiiqo ahaan waxay ka mid tahay danaha Qaran ee dawladda UK.’

Mr. Shapps wuxuu magaalada Hargeysa kula Kulmay Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirrada dawladda Somaliland si loo xoojiyo xidhiidhka qotada-dheer ee soo jireenka ah ee u dhexeeya UK iyo Somaliland. Waxa uu ku boorriyey dhinacyada ay khuseyso in dhinac looga soo wada-jeesto lagana hortago dib-u-dhacyo kale oo ku yimaadda doorashada. Wuxuu u xaqiijiyey inay UK ay tahay Saaxiibkeeda koowaad ee taageerada horumarinta, waxaana ka mid ahaa saxeexa heshiis aannu taageero kaga geysanayno abuuritaanka kheyraadka Tamarta la Cusboonaysiin karo.
Mr Shapps intii uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, wuxuu yidhi, ‘UK waxay u darban tahay caawinta qof kasta oo ku noo Somaliland si loo dhiso mustaqbal wanaagsan oo ifaya. Helitaanka Koronto laysku hallayn karo iyo biyo nadiif ahi waxay muhiim u tahay waddan kasta si looga baxo saboolnnimada.’
Somaliland waxay sumcad ay u qalanto ku leedahay nabadda iyo Dimuqraadiyadda ay hirgelisay iyadoo ku taalla gobol dhibaatooyin badani ka jiraan, waxaanay u baahan yihiin inay wada-shaqeeyaan deriskooda si loo dhiirri-geliyo xasillooni dhammaystiran oo la wada-helo.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka ay Safarka Weftigan Hargeysa iyo Muqdisho isu maray ka soo saartay Wasaaradda arrimaha dibedda Ingiriisku.


Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment