“Waan ka xumahay in Somaliland aanay nagala soo qayb-gelin Shirka, balse dawladda Federaalku..” Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
Muqdisho, 30 July, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Arbacadii shalay magaalada Muqdisho ka furay Shir lagaga wadahadlayo qorshaha Hiigsiga Soomaaliya ee 2016-ka, ayaa sheegay inay Shacabka Somaliland ka faa’iidaysan doonaan qorshaha Higsiga cusub.
Shirkaas oo ka sokow Madaxda dawladda Federaalka ay ka qaybgaleen Wakiillo Beesha caalamka ka socda iyo Maamul-goboleedyada Soomaaliya ka jira, ayaa Xasan Sheekh Maxamuud mar uu ka hadlay sida looga faa’ideysanayo iyo sida loo wado Hiigsiga 2016-ka waxa uu sheegay inuu ka xun yahay shirkaas inaanay ka muuqan Somaliland cid ka socotaa. Hase-yeeshee, waxa uu tilmaamay in Shacabka ku dhaqan deegaannada Somaliland ay ka faa’iideysan doonaan mashaariicda Hiigsiga 2016-ka.
Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo arrimahaas ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “Waan ka xumahay in Somaliland aanay nagala soo qayb-gelin Shirka, balse dawladda Federaalka Soomaaliya waxay hubanti ka dhigi doontaa in Shacabka ku nool Somaliland ay ka faa’iideystaan mashaariicda Hiigsiga cusub ee Soomaaliya.”
Sannadkii 2013-kii, Baarlamaanka Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo Maamul-goboleedyada waxay isla ansixiyeen nidaam iskaashi ah oo ku dhisan is-faham iyo Waxqabad, iyadoo la Higsanayo hal gool oo laga Mideysan yahay, kaasoo ah in la gaaro Somalia oo nabad iyo barwaaqo ah.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in hogaaminta Barnaamijka Hiigsiga Cusub ay udub-dhexaad u yihiin Shacabka Soomaaliyeed, waxaanu yidhi; “Waxaa Udub-dhexaad u ah Hoggaaminta Barnaamijka Hiigsiga cusub ee Sannadka 2016-ka Shacabka Soomaaliyeed; iyadoo la raacayo Muhiimadaha ay dawladda Soomaaliya dejisay, kuwaasoo ku qotoma Miisaaniyadda dalka, iyadoo hawsha loo qabanayo si isku-xidh ku jirta, si aanay u dhicin in hal shay dhawr jeer la qabto.”
Waxyaabaha Hiigsiga cusub ka qabsoomay waxaa ka mid ah lix Mashruuc oo ay ku baxday Lacag dhan 240-Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, sidoo kale waxaa la sameeyay Maamullada Ku-meel-gaadhka ah ee gobollada Soomaaliya, balse waxaa weli dhiman dhismaha Maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe, waxaana la sameeyay Guddiyada dib-u-eegista Dastuurka Ku-meel-gaadhka ah, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, kuwaasoo dhammaantood Lacagtaas laga fuliyey dhismayaashooda sida shirkaas shalay Muqdisho ka furmay lagu sheegay.
Geesta kale, Xukuumadda Somaliland, ayaan weli ka hadal hadalkan ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shalay. Inkasta oo uu Wargeyska Himilo isku dayey inuu wax ka weydiiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Sacad Cali Shire maaddaama oo uu dhinaca qorshaynta Mashaariicdu Wasaaraddiisu dejiso, haddana noomay suuragalin inaannu wax war ah ka helno, ka dib markii aannu la kulannay Taleefankiisa gacanta oo xidhan ama demsanaa xalay marar badan oo aannu ka wacnay.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment