Hargeysa July 25, 2015(Himilo)-Shirkii labada xisbi Mucaarid ee Somaliland ayaa saaka si rasmiya uga bilaabmay huteel dalxiis ee magaalada Hargeysa.
shirkan waxaa kasoo qayb galay dhinacyada labada xisbi mucaarid ee Somaliland Waddani iyo Ucid oo ay kala hogaaminayaa Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro iyo Eng Faysal Cali Waraabe.
Waxaa Iyaguna kasoo qayb galay shirkan madasha wadatashiga oo uu hogaaminayo Guddoomiye Xasan Guure,Maxamed Xaashi Cilmi Iyo Madaxwayne Ku Xigeenkii u horeeyay ee Somaliland mujaahid Xasan Ciise Jaamac.Shirkan ayaa waxaa ka maqnaa doorkii madasha wadatashiga iyadoo ciwaan looga dhigay ‘Shirka wada jirka Xisbiyada Ucid iyo Waddani ee lagu eegayo xaalada Dalku Marayo’.
Markii uu shirku bilaabmay waxaa ka hadlay oo ka warbixiyay ujeedada shirka iyo ergooyinka gudoomiyaha shirka Cabdirashiid Xasan Mataan “Waxaa Lagaga hadli doonaa Sixir bararka, waxaa lagaga hadli doonaa Qiimaynta sharciga dalka, waxaa lagaga hadli doonaa hogaan la’aanta, waxaa lagaga hadli gadoonka siyaasadeed iyo qaddiyadda Somaliland, waxaa lagaga hadli xaaladda amniga, waxaa kale oo lagaga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka,” Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Shirka Cabdirashiid Xasan Mataan.
Geesta Kale,Waxaa isaguna dhinaciisa soo dhaweeyay Qabsoomida shirkan mucaaridka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysa Cali Waraabe “Waxaynu shirkan u qabanay inaynu dib u eegno, inaynu guurtideena eegno, waxaynu shirkan kaga hadlaynaa waxyaabaha ugu waawayn ee dalka ka dhacaya kama hadlayno lacagbaa la cunay iyo daaraa la dhistay”Ayuu Yidhi Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale waxaa isna ka warbixiyay sababaha wakhtigan keenay in la qabto shirka isbahaysiga mucaaridka Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro “waxaa inagu kalifay inaanu shirkan qabano ka dib markii ay xukuumadu ka baxday heshiiskii ay axsaabta la gashay ee ka dhashay khilaafkii mudo kordhinta ee shacbigu ku kala qaybsamay, xukuumaduna ku guuldaraysatay inay doorashada ku qabato wakhti cayiman”Ayuu Yidhi Guddomiye Ciro
Shirkan maanta magaalada hargeysa uga bilaabmay xisbiyada mucaarid ayaa maalmihii u danbeeyay khilaaf xoogan soo kala dhexgaliyay xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Somaliland.
Maxkamada Dastuuriga ayaa iyadu u ogalaatay xisbiyada mucaaridka inay qabsadaan shirar mucaaridka balse qaban Karin shir qaran oo aan loo dhamayn.
Shirkan ayaa socon doona mudo saddex maalmood ah iyadoo lagaga hadli doono xaalada uu dalku marayo iyo sidii loo gaadhi lahaa doorashada.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment