Nairobi July 25, 2015(Himilo)-Madaxweyne Barack Obama ayaa maanta furay Shirka Caalamiga ah ee Hal-abuurka ganacsiga oo Sanadkan 2015-ka lagu Qabanayo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Obama ayaa sheegay in Hal-Abuurka guud ee Afrika uu yahay mid muujinaya Rajo iyo koboc dhaqaale.
Barack Obama ayaa khudbaddii uu ka jeediyay Xafladdii Furitaanka shirka oo ah kii lixaad ayaa ku sheegay in looga baahan yahay Hoggaanka Afrika in ay ka hortagaan wax kasta oo carqalad ku ah koboca dhaqaalaha, iyaguna ay ka caawin doonaan Waddamada Afrika sidii ay u xaqiijin lahaayeen ku dhaqanka sharciga iyo ka hortagga Musuq-maasuqa.
“Afrika waa Qaarad horay u socota,Afrika waa gobolka ugu horreeya Caalamka ee koboca dhaqaale uu ka socdo,” ayuu Obama ka sheegay Shirka, Wuxuuna ku billaabay hadalkiisa eray sawaaxiliga ah oo ah “Jambo” kaasoo macnihiisu yahay “hello” –Salaan. “Waa wax cajiib ah inaan kusoo laabto Kenya,” ayuu Raaciyay.
Sidoo kale, Obama ayaa mar kale yidhi. “Hal-abuurka ganacsiga waa Qorshaha ka hor-tegi kara fikradaha rabshadaha ku saleysan, isla markaana dhallinyarada u abuuri kara rajo mustaqbal oo ay noloshooda ku maareeyaan.”
Wuxuu xusay in Xukuumadaha laga doonayo inay sameeyaan shuruucdii lagu xakameyn lahaa Musuq-maasuqa, isla markaana amniga la adkeeyo, isagoo ku tilmaamay in labadan arrimood ay muhiim tahay in la xaqiijiyo ka hor inta aan laga fikirin horumarinta ganacsiga, lana caawiyo ganacsiyada yar-yar.
Obama ayaa sidoo kale ka hadlay Amniga Kenya isagoo sheegay in Qodobbada uu kala hadli doono Madaxweynaha Kenya ay ka mid tahay xaqiijinta amniga guud ee Kenya, wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay gacan ka siinayso Kenya sidii loo xaqiijin lahaa amnigooda, loogana hortegi lahaa Weerarrada Argagaxisada.
Dhanka kale, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka hadlay Furitaanka Shirka ayaa sheegay in furitaanka shirkan uu kusoo beegmayo xilli ay Afrika ka jirto rajo ah in dhallin-yaradu ay horumar sameeyaan.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment