Hargeysa July 25, 2015(Himilo)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay madaxwayne Siilaanyo inuu qabto shir talo qaran oo lagu soo xero galiyo beelaha darafyada Somaliland.
Guddoomiye Faysal Waxaa kale oo uu xusay in xukuumadu ku dhiirato heshiiskii axsaabta qaranka ama ay sheegto inay heshiiskaas ka baxday si looga baxo mudo kordhinta ay guurtidu samaysay, isagoo carabka ku adkeeyay in mudo kordhinta guurtidu horseedi doonto in la is qabsado.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo saaka dalka dib ugu soo laabtay ayaa ugu horeyn ka hadlay“ Marka u horaysa waa in la fuliyaa heshiiskii axsaabtu ku heshiisay oo aanay xukuumadu odhan xaydha jecli beerka jecli ama tidhaa waanu diidnay si looga hortago mudo kordhinta ay guurtidu xarxariiqday oo aanay dadku isku qabsan”Ayuu Yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyuhu waxaa uu intaasi raaciyay “anigu waxaan usoo jeedinayaa madaxwaynaha in dawlad tayo leh la dhiso, dawladani kama bixi karto dalkan,Ma gaadhsiin karto sanad iyo lixdaa bilood,tamar ay kaga baxdana male, kalsoonidii shacbiga way lumisay,tii internationlka way lumisay, si loosoo celiyo kalsoonida ay dawladu lumisay waxaa loo baahanyahay in mudadaa la kordhiyay lasoo dhiso dawlada wadaaga oo midnimo qaran oo doorasho inoo qabata.”
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxaa uu baaq u diray salaadiinta siyaasada ku dhex milantay isagoo dawladana usoo jeediyay in shuruuc laga soo saaro salaadiinta siyaasada ka hadasha“Waxaa murmaya waa laba ilmaadeer uun ah ,waa kuwaa ina daawanaya dadkii Somaliland inala lahaa,Odayaashan Salaadiinta ahna waxaan leenahay dhaqanbaa la idiin doortay ee dhaqankiina ku eekaada,Shuruucna halaga soo saaro”Ayuu yidhi Faysal Cali Warabe
Faysal Cali Waraabe ayaa niyad jab ka muujiyay tabashada beelaha darafyada Somaliland oo uu sheegay inaanay ka muuqan siyaasada Somaliland.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment