Maxay Shirka Hal-abuurka Ganacsiga Dunida ee Nairobi ka yidhaahdeen Xubno Somaliland ka tegay oo ka qaybgalay?
“Waa la soo dhaafay maalmihii aan qaaradda u arki jirnay inay tahay mid ka mid ah meelaha iyo rejo la’aanta iyo dulligu ay ka jiraan…”
Nairobi, 26 July, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo weli ku guda-jira booqasho uu Jimcihii ku tegay dalka Kenya, ayaa shalay furay Shirka Caalamiga ah ee Hal-abuurka Ganacsiga oo sannadkan 2015-ka lagu qabtay magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya, ayaa sheegay in Hal-abuurka guud ee Ganacsiga Afrika uu yahay mid muujinaya rejo iyo koboc dhaqaale oo qurux badan.
Barack Obama, ayaa khudbad uu ka jeediyay Xafladdii furitaanka shirka oo ah kii lixaad ku sheegay in looga baahan yahay Hoggaanka Afrika inay ka hortagaan wax kasta oo carqalad ku ah koboca dhaqaalahooda, iyaguna ay ka caawin doonaan Waddamada Afrika sidii ay u xaqiijin lahaayeen ku dhaqanka sharciga iyo ka hortagga Musuq-maasuqa.
“Afrika waa Qaarad hore u socota, Afrika waa gobolka ugu horreeya caalamka ee koboca dhaqaale uu ka socdo..” ayuu Obama ka sheegay Shirka, waxaanu ku billaabay hadalkiisa eray Luuqadda Sawaaxiliga ah oo ahaa “Jambo” kaasoo macnihiisu yahay “hello” Soomaalina ku noqonaya ‘hee’ ama Salaan. “Waa wax cajiib ah inaan kusoo laabto Kenya.” Ayuu yidhi Obama.
Sidoo kale, Madaxweyne Obama ayaa mar kale yidhi; “Hal-abuurka Ganacsigu waa qorshaha ka hor-tegi kara fikradaha rabshadaha ku saleysan, isla markaana dhallinyarada u abuuri kara rejo mustaqbal oo ay noloshooda ku maareeyaan.” Madaxweyne Obama waxa uu xusay in Xukuumadaha Afrika laga doonayo inay sameeyaan shuruucdii lagu xakameyn lahaa Musuq-maasuqa, isla markaana amniga la adkeeyo, isagoo ku tilmaamay in labadan arrimood ay muhiim tahay in la xaqiijiyo ka hor inta aan laga fikirin horumarinta Ganacsiga, lana caawiyo Ganacsiyada yar-yar.
“Mudane Madaxweyne iyo Ganacsatada Sumcadda leh, waxaan idin leeyahay, Afrika waa goobta ugu cusub, waxa ugu fiicanna laga rejayn karo, taasoo ay taallo fursad aan xad lahayni. Waa la soo dhaafay maalmihii aan qaaradda u arki jirnay inay tahay mid ka mid ah meelaha iyo rejo la’aanta iyo dulligu ay ka jiraan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Obama.
Obama waxa uu ka hadlay Ehelkiisa deggan Kenya oo Aabbihii ka soo jeedo dhalasho ahaan, waxaanu yidhi; “Waa wax aad u wanaagsan inaan Kenya ku soo noqday. Iska-warrama. Waxaan aad ugu faanayaa inaan ahay Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maraykanka ee Kenya soo booqda, sabab ayaa jirta in Magacaygu yahay Brack Xuseen Obama, Aabbahay waxa uu ka yimi dalkan, Qoys iyo Xigto ayaanan halkan Kenya ku leeyahay.”
Waxa uu Madaxweyne Obama shirkaas kaga dhawaaqay Lacag gaadhaysa Hal Bilyan oo Doollar oo Maalgelin ah oo loogu talogalay Barnaamijyada curinta Ganacsiga, waxaanu yidhi; “Maanta waxaan aad ugu faanayaa inaan shaaciyo in ujeeddadayadii uun aannaan gaadhin ee aan ka kor-marnay. Waxaan meel ku ognahay Lacag ka badan Hal Bilyan oo Doollar oo ka imanaysa Bangiyada, Ururrada iyo Dadka wax Sadaqadaysta, Lacagtaas oo lagu taageerayo Dadka Hal-abuurka Ganacsi leh sidiinna oo kale.”
Obama ayaa sidoo kale ka hadlay Amniga Kenya, ayaa sheegay in qodobbada uu kala hadli doono Madaxweynaha Kenya ay ka mid tahay xaqiijinta nabadgelyada guud ee Kenya, waxaanu sheegay in dawladdiisu ay gacan ka siinayso Kenya sidii loo xaqiijin lahaa amnigooda, loogana hortegi lahaa Weerarrada Argagaxisada.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka hadlay isaguna Shirkaas, ayaa sheegay in furitaanka Shirkani uu kusoo beegmayo xilli ay Afrika ka jirto rejo ah in dhallinyaradu ay horumar sameeyaan. Kenya ayaa la rejeynayaa in dhaqaalaheedu uu sannadkan sare u kaco qiyaastii 6%-kiiba halka dalka Itoobiya oo la filayo in Barack Obama uu ku tago booqashadiisa Axadda maanta ay iyana dhaqaalaheedu uu 10% sare u kacay.
Wakhtiga uu Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama joogo magaalada Nairobi, ayaa la filayaa in amniga si aad ah loo xoojiyo, si looga hortago falal amni-darro oo dhaca, iyadoo dhanka kalena ay ku sugan yihiin Nairobi Ciidammo Mareykan ah iyo diyaarado lagu sugayo Amniga Madaxweynaha Mareykanka. Madaxweyne Obama waxa uu habeen-hore kulan casho ah Meher ku taal Nairobi kula qaatay dhawr iyo soddon qof oo Ehelada Aabbihii ka tirsan oo ay ka mid yihiin Ayeydii Saraha Obama iyo Gabadh Aabbihii dhalay oo ay isaga walaalo yihiin.
Shirkaas oo ay ka qaybgaleen Kumannaan qof oo isaga kala yimi waddamada caalamka, waxaa ka mid noqday Mulkiilaha Huteellada Summar Time Siciid Sheekh Cumar iyo Axmed Cali oo ka socday Ururka Shaqa-doon, kuwaasoo VOA-da u sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ka qaybgalaan Shirkaas oo ah mid Ganacsatada 120 waddan oo dunida ah isaga kala yimi, shirkaas oo ay ku tilmaameen inuu yahay kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee Afrika lagu qabto, isla markaana ay ku arkaan Madaxweynayaasha dalalka Maraykanka iyo Kenya Brack Obama iyo Uhuru Kenyatta. Waxay Siciid iyo Axmed sheegeen inay khibrad iyo aqoon is-dhex-galka bulshada ah ka korodhsadeen shirkaas, oo ay dalka Somaliland kula soo laaban doonaan.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment