Thursday, July 23, 2015

Guurtida Oo Cadeysay In aanay Cidna kala Xaajoon Doonin Mudo Kordhinta Madaxwaynaha Iyo Wakiilada.

Hargeysa July 23, 2015 (Himilo)-Golaha guurtida Somaliland ayaa ku adkaysanaya inaan laga noqon doonin mudo kordhinta ay u sameeyeen Madaxwaynaha,ku xigeenka iyo wakiilada.
Afhayeen aqalka guurtida Somaliland xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho ayaa Carabka ku adkeeyay inaanay aqbalayn wada xaajood ay la galaan axsaabta mucaaridka iyo xukuumada si la iskula qaato heshiiskii saddexda xisbi qaran iyo xukuumada.
Xildhibaan waxaa uu ku dooday in aan loo kordhin xisbiyada iyo shacabka balse loo kordhiyay madaxwaynaha iyo wakiilada hadii ay dacwad ka qabaana ay geeyaan maxkamada sare.
“Wax wada hadal ah oo aanu arrinkaas xukumadda iyo xisbiyada midna kala galaynaa ma jiro. Waa go’aan sharciyadeed, haddii madaxweynuhu dood ka qabana ha geeyo Maxakamadda sare, waxaanu ka bixin doonaa fasiraade. Golaha wakiilladuna hadday dood ka qabaan ha fadhiisteen oo go’aan ha soo saareen oo maxakamadda ha geeyeen laakiin, dad shicib ah go’aankayaga khilaaf ku sheegi maayaan tanaasulna kala gali mayno. Anagu xisbiyo umaanu kordhin, madalna umaanu kordhin dad shicib ah oo suuqa joogana umaanu kordhin, Madaxweynaha iyo Wakiilladuna xaq bay u leeyihiin inay ka dacwoodaan go’aankayaga” ayuu yidhi Indho-indho.

Xisbiyada mucaaridka ayaa iyagu xukuumada ku eedaynaya inay dabada ka riixayso mudo kordhinta ay ku adkaysanayaan odayaasha aqalka guurtidu, iyadoo xukuumaduna xisbiyada mucaaridka ugu baaqaysa in ay waanwaan ka galaan sidii golaha guurtida loogu qancin lahaa heshiiska axsaabta.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment