Wednesday, July 29, 2015

Dr Faroole Oo Puntland Ku Laabtay ka Dib Safar Uu Joogay Hargeysa.

Garowe July 29, 2015(Himilo)-Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo maalmahii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Hargaysa ayaa maanta soo gaadhay magaalada Garoowe oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Soo dhaweynta madaxweynahii hore Puntland waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsanaa xukuumadiisii, Wasiiro ka tirsan xukuumadan, xildhibaano, Siyaasiyiin iyo shacabka magaalada Garoowe.

Dr Faroole ayaa soo dhaweynta ka dib shacabkii soo dhaweeyey kula hadlay barxada Garoowe isagoo uga mahadceliyey shacabka iyo madaxda sida weyn u soo dhaweeyey, Wuxuu sheegay in safarkiisa uu yahay mid uu dib ugu soo laabtay dhulkiisa hooyo.
Safarkan uu dib ugu soo laabtay Dr Faroole Puntland ayaa ah kii ugu horeeyey tan iyo markii uu xilka madaxtinimada Puntland wareejiyey xiligaas oo uu u ambabaxay dalka dibadiisa oo sanad iyo badh ku dhawaad ku maqnaa.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment