Thursday, July 30, 2015

Daalibaan oo beenisay Geerida Hoggaamiyahooda Mullah Cumar oo Dowladda Afghanistan shaacisay

Kabul, 30 July, 2015 (Himilo)- Ururka Daalibaan, ayaa beeniyey isla markaana sheegay inuu nool yahay hoggaamiyahoodii Mullah Omar oo warar is-khilaafsani kas oo baxeen xaaladdiihiisa nololeed oo lagu sheegay inuu dhintay.

Dowladda Afghanistan ayaa xaqiijisay inay ku hawlantahay baadhista warar aan la xaqiijin oo sheegay inuu laba sanno ka hor dhintay hoggaamiyihii Kooxda Daalibaan, wararkaas oo maalmihii u dambeeyey ay qorayeen warbaahinta dalalka Afghanistan iyo Pakistan oo ururka Daalibaan ka hawl-galo. Ku-xigeenka afhayeenka madaxweynaha dalka Afghanistan, ayaa warka baadhista ay dowladdu ku waddo xogtan ku sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda dalkaas ee Kabul. “Wali waxaanu ku hawlannahay baadhis aanu ku hubinayno wararka, marka ugu horreysa ee aanu xaqiijino sugnaanshihiisana, waxaanu u sheegi doonaa shacabka Afghanistan iyo warbaahintaba.

Wararka lagu sheegay inuu geeriyooday Mullah Cumar, ayaa lagu sheegay inuu geeriyooday laba sanno ka hor, iyadoo wararka qaarkood sheegeen in Wiil uu dhalay loo magacaabay beddelkiisa iyo hoggaaminta urur-diimeedka hubaysan ee ugu awoodda badan dalalka Badhtamaha qaaradda Eeshiya.

Warar kale oo saxaafadda qaarkeed baahisay ayaa lagu sheegay in wiilka uu dhalay hoggaamiyaha Daalibaan oo lagu magacaabo Mullah Yacquub uu qiray in aabihii geeriyooday wakhti hore, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Daalibaan ee ka hawl-gala gudaha dalka Afghanistan oo sheegay inuu sababo dabiici ah u geeriyooday, balse sarkaalkani ma sheegin wakhtiga.

Haseyeeshee, afhayeen u hadlay ururka Daalibaan oo lagu magacaabay Qariy Yusuf Axmadi, ayaa telefishanka Sky News u sheegay inaanay waxba ka jirin geerida Mullah Cumar, “Sida aan warka ku hayo, Mullah wuu nool yahay wali, isagaana gadh-wadeen ka ah dhaq-dhaqaaaqayaga,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Mullah Cumar ayaa hoggaamiye ah Ururka Daalibaan oo ka talinayey dalka Afphanistan intii u dhaxaysay sannadkihii 1991-kii ilaa sannadkii 2001-kii oo ahaa markii u dambeysay ee aragtiisa la arko, xilligaas oo isbahaysi Marayanku hoggaaminayo duullaan ku qaadeen taladana kaga tuureen Mullah Cumar iyo ururkiisa Daalibaan.

Haseyeeshee, ilaa wakhtigaas wixii ka dambeeyey, ururka Daalibaan, ayaa dagaallo ku-dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo weerarro is-miidaamin ah ku bartilmaameedsanayey Xoogagga shisheeye ee Duulaanka ku qabsaday dalkaas iyo waliba Ciidamada dalka Afghanistan.

 

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment