Hay’adaha Dhaqaalaha dalka oo ah Baanka dhexe, Wasaaradaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Rugta Ganacsigu waxay bishii June 2015-ka, la yeesheen Shirar guud ahaan Ganacsatada dalka, kuwaasoo ujeeddadoodu ahayd in kor loogu qaado isticmaalka iyo tayaynta Lacagta Somaliland.
Ganacsatada dalka iyo Shirkadaha Xawaaladlayda iyo Baananka ku shaqaysta Nidaamka Xawilaadaha Lacagta ee Zaad iyo E-Dahab ee Lacagta Taleefannada la isugu diro (Mobile Money Transfaring). Haddaba, Shirarkaasi ka dib waxay Hay’adaha Dhaqaalaha dalka iyo Shirkadaha geddislayda Lacagaha qalaad si wada-jir ah u soo bandhigeen qorshe kor loogu qaadayo tayaynta iyo isticmaalka Lacagta Qaranka ee Shilinka Somaliland.
Sidoo kale, waxay Hay’adaha Dhaqaalaha dalku go’aamiyeen inay joojiyeen gebi ahaanba adeegyada Zaad iyo E-Dahab oo Lacagta Qalaad ee Doollarka ka dhigay Lacag dalku leeyahay oo kale (Local Money). Haddaba, iyadoo hawsha tayaynta Shilinka Somaliland tahay hawl waajib ku ah dhammaan Muwaaddiniinta Somaliland, waxaan aragtidayda ka Muwaaddin ahaan ugu soo gudbinayaa Madaxda Baanka dhexe ee Somaliland saddex qodob oo muhiim u ah daryeelka iyo ilaalinta Lacagta waddankeenna, sidaas awgeed waxaan leeyahay Madaxda Baanka dhexe waxa habboon inaad hirgelisaan qodobbadan:-
1- Lacagta waddankeennu kama hesho daryeel iyo ilaalin Baanka dhexe ee Masuulka ka ah iyo Shacabka Somaliland guud ahaan, gaar ahaan kuwa ka ganacsada ee Sarriflayaasha iyo Xawaaladlayda iyo guud ahaan Ganacsatada dalka midna ma daryeelo.
Sidaa daraaddeed, waxaan leeyahay Madaxda Baanka dhexe marka ugu horreysa, waa in Baanka dhexe soo celiyaa daryeelkii Lacagta. Waa in Baanka dhexe ka joojiyo waxan Lacagta lagu xidho ee la yidhaahdo Balaastigga ama Cinjirka oo lagu beddelaa Warqaddii Summadda u ahayd Baanka dhexe ee Somaliland. Sidoo kale, waa in Baanka dhexe ku daryeelo Lacagta Dawadii gaarka u ahayd Lacagta.
Dhinaca kale, waxa dhibaato weyn ku haya Lacagta waddanka dadka ka ganacsada ee Sarriflayaasha Bacad-yaalka ah, waxaana Lacagta aafeeyey Bacadka ama Cadceedda, Siigada ama Dabaysha iyo Bakteeriyada Hawadu siddo. Sidaas awgeed, waa in Madaxda Baanka dhexe ay ka soo saaraan ama kula xisaabtamaan guud ahaan Sarriflayaasha Liisanka u haysta Sarrifka Lacagaha in Shuruudda koowaad ee Sarrifluhu tahay inuu ku Ganacsado kuna daryeelo Lacagta Qasnad iyo Xafiis ama Meherad.
La Soco Qaybo kale oo Mawduucan ka mid ah.
Qalinka Mawliid Aadan Cumar
0634410898
Hargeysa/Somaliland.
Himilomedia.com
No comments:
Post a Comment