Friday, July 24, 2015

Madaxwayne Maraykanka Barack Obama Oo ka Dagay Nairobi.

Hargeysa July 24, 2015(Himilo)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo Wafti Ballaadhan oo uu Hoggaaminayo ayaa goor-dhoweyd ka dagay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo Madaxweyne Mareykan ah uu ku tago Kenya, isagoo joogi doona saddex maalmood oo uu kaga qayb-galayo magaalada Nairobi Shirweynaha 6-aad ee Hal-abuurka Ganacsiga Caalamka, kaasoo diiradda lagu saari doono Sannadkan Ganacsiga iyo Maal-gashiga.

Wafdiga Madaxweynaha Kenya ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Jomo Kenyatta xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Wasiirro, Xildhibaanno iyo Xubno sare oo ka tirsan Xukuumadda Kenya.

In ka badan 10,000 oo askari ayaa la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee Kenya, kuwaas oo la sheegay inay sugayaan ammaanka guud ee caasimadda Kenya, saddexda maalmood ee uu booqashada ku joogo.

Ururrada bulshada rayidka ah ee Kenya ayaa sheegay in waxyaabaha Obama ay kala hadli doonaan arrimaha Xuquuqda Aadamaha Kenya iyo weliba sidii looga hortegi lahaa sharci cusub oo lagu doonayo in Kenya looga dhaqan-geliyo isu-galmoodka dadka isku jisiga ah.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo shir jaraa'id ku qabtay madaxtooyada Nairobi ayaa sheegay in ajandahooda uusan ku jirin inay Kenya kala hadlaan arrinta isu-galmoodka dadka isku jinsiga ah, balse ay kala hadli doonaan xoojinta Ganacsiga iyo Ammaanka.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment