Wednesday, July 29, 2015

Xukuumadda iyo Xildhibaano siyaabo kala duwan uga hadlay Khilaaf la sheegay inuu ka dhex-qarxay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa

Hargeysa, 29 July, 2015 (Himilo)- Xukuumadda talada haysa, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay khilaaf xooggan oo la sheegay inuu soo kala dhex-galay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka dalka, isaga oo daba socday Xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan oo sheegay in khilaafkii ugu cuslaa ka dhex-qarxay labadaas Masuul.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil waxa uu weeraray Xildhibaannada warkan sheegay oo ah Mudanayaasha Xisbiga WADDANI ee ka tirsan Golaha Wakiillada, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo hungo Xisbigoodu la kulmay awgeed warkan aan jirin Bulshada u dhex-gelinaya sida uu ku dooday Wasiirku.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (C/Raxmaan-Xoog) iyo Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada, ayaa Isniintii Warbaahinta ka sheegay in khilaaf xooggani ka dhex-dillaacay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), iyagoo tilmaamay in khilaafkaasi yahay mid nasiib-darro ah oo sii hurin karaa khilaafyada siyaasadeed ee dalka ka taagnaa bilihii u dambeeyey ee Mucaaradka iyo Muxaafidka u dhexeeya ee dib-u-dhaca doorashooyinka, muddo-kordhinta Guurtida iyo hirgelin la’aanta heshiis ay Xukuumadda iyo Xisbiyadu wadagaleen la xidhiidha. Waxaanay ugu baaqeen inuu is-casilo Saylici, maaddaama oo aanu gudan karin waajibaadkii loo doortay oo aanu Madaxtooyada waxba ka ahayn sida ay hadalka u dhigeen.

“Saylici muddo dheer buu kolba du’dayay oo kolba ka cararayay meesha (Madaxtooyada), haddana kama tago. Meesha kama tage waxna kama tare weeye. Waa ninka intuu gogol dhigay oo wax nala saxeexday haddana yidhi; ‘xaggii Madaxtooyada ayaa laga diiday’. Waxaan odhan lahaa waar illayn Madaxweyne Ku-xigeen baad tahaye awoodahaaga Dastuurku ku siiyay isticmaal ama si cad isku casil oo iskaga tag meesha.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog.

Sidoo kale, Xildhibaan Naasir Xaaji Cali oo khilaafkaas ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “Qaranka Somaliland waa la ogyahay in Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka khilaaf ka dhex jiro, haddii taasi sii socotana Qaranka ayaa halis ku jira. Haddii meesha khilaaf yimaaddo dee wada shaqayntii iyo dantii Qaranku meesha way ku burburayaan. Iyagana maanta hawlo waawayn oo Qaran baa u yaalla oo laga sugayaa. Markaa, Madaxweyne Ku-xigeenka waxaannu kula talinaynaa inuu is-casilo sida uu meelahaa ka sheegay bannaanka uga baxo ama xilkii loo wada igmaday ay ka soo baxaan.”

Hase-yeeshee, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cali Xaamud mar uu shalay Saxaafadda qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inaanu jirin khilaafkaas Mudanayaashu sheegeen, waxaanu yidhi; “Waxaa maalmahan dad been abuur ah oo markay waxay ku meeraystaan waayeen faafinayey warar been-abuur ah. Waxa iyaguna ku jiray oo dadka waxan waday ah laba Xildhibaan oo Golaha Wakiillada Somaliland ka tirsan oo shalay (dorraad) Madaarka Hargeysa markay ka soo dhaadheceen iyagoon waxba ogeyn.”

“Ka dib markii Xisbiyagoodu ku fashilmay Shir Qaran oo ay Maxkamaddu ka diidday, ka dib markii Xisbigoodu ku fashilmay inuu taageero ka helo magaalada Hargeysa, ka dib markii ajande, himilo iyo waxay u soo bandhigaan Shacabka Somaliland ay waayeen, waxay sheegeen in Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisu ay is-haystaan oo khilaaf ka dhex-jiro, khilaafkaas oo wax ka jiraa aanu jirin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland.

Warkan sheegaya khilaafka ka dhex-qarxay Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Ku-xigeen Saylici, Masuulkii ugu horreeyey ee ka hadlay ayaa ah Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, balse illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xarunta Madaxtooyada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka toona oo burinaya ama caddaynaya khilaafka la sheegayo inuu u dhexeeyo oo Warbaahinta gudaha qaarkeedna faafiyeen.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment