Nuxurka ay xambaarsan tahay Dacwad Laba Qodob ah oo Mucaaradku u gudbiyey Maxkamadda Dastuuriga ah
Hargeysa, 23 July, 2015 (Himilo)- Labada Xisbi-mucaarad ee UCID iyo Waddani, ayaa Maxkamadda Sare ee Somaliland u gudbiyey warqad xambaarsan dacwad ka dhan ah amarro ka soo baxay xukuumadda iyo hay’adaha Ammaanka, kuwaas oo xukuumaddu ku joojisay qabsoomidda Shir talo-qaran ah oo isbahaysiga mucaaradku u muddeeyeen inuu qabsoomo 23-ka bisha July oo maanta ku beegan.
Laba Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDNI oo ay weheliyaan Siyaasiyiinta ku bahowday Madasha wada-tashiga, ayaa kulan ay Salaasadii dorraad wada-jir ugu yeesheen Hargeysa ku shaaciyey shir ay ku sheegeen inay ku bad-baadinayaan dimuqraadiyadda iyo Qaranimada Somaliland, kaddib markii sida ay sheegeen xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka dhego-adaygtay fulinta Heshiis Xisbiyada iyo Xukuumadda ka gaadheen khilaaf ka dhashay wakhtiga doorashooyinka, laguna muddeeyey bisha December ee sannadka 2016-ka, khilaafkaas oo ka dhashay go’aan Golaha Guurtidu muddo-kordhinta laba sanno ku dhow ugu sameyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, kaas oo xilliga doorashada oo markii hore ku ekaa 26 bisha June ee sannadkan ku riixay badhtamaha sannadka 2017-ka.
Balse waxa go’aanka ay isbahaysiga mucaaradku shirkooda ku shaaciyeen qaaddacay isla markaana sheegay inaanay qabsan karin, hoteellada waaweyn ee magaalada Hargeysana ku war-geliyey inaanay meheradooda ganacsi u ogolaan karin shirka mucaaradka, Wasiir ku-xigeenka waaxda Amniga ee wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska Somaliland oo isla maalinimadii Salaasada gelinkeedii dambe warbaahinta kula hadlay Xarunta taliska Ciidanka Booliska oo lagu qabtay tabobar iyo carbis u muuqday dhoolatus oo loo qabtay ciidamada Booliska.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo shalay markii ay maxkamadda Sare dacwadda u gudbiyeen warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dacwadda ay u gudbiyeen Maxkamadda sare jawaab u tahay amarrada lagu horjoogsaday qabsoomidda shirka ay iclaamiyeen. “Dacwaddaasi waxay calaamad u tahay inaanu nabad rabno, waxay calaamad u tahay inaanu ixtiraamayno dastuurka iyo shuruucda Somaliland,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Sidoo kale, Murashaxa Madaxweynaha ee UCID oo ka hadlay ujeeddada ay dacwadda ugu gudbiyeen Maxkamadda Sare, ayaa yidhi, “Labada xisbi mucaarad iyo Madasha oo la socota, waxay warqad dacwad ah u gudbiyeen guddoomiyaha maxkamadda Sare iyagoo ka dacwoonaaya xuquuqdooda dastuuriga ah ee ah in laga xayuubiyey inay shirar qabsadaan.”
Haddaba, Warqadda dacwadda ah ee labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI shalay u gudbiyeen Maxkamadda Sare, ayaa ujeeddadeedu ka duulaysay laba qodob oo ay maxkamadda uga dacwoodeen, kuwaas oo kala ah in Xukuumaddu horjoogsatay Xuquuqdii ay u lahaayeen inay abaabuli karaan isla markaana shirar qabsan karaan iyo qodobka labaad oo ah amarka Hudheellada magaalada loogu diiday inay marti-geliyaan shirka ay mucaaradku ku baaqeen.
Warqadda labada xisbi u gudbiyeen Maxkamadda Sare oo Nuqul ka mid ah HIMILO helay oo ku taariikheysan 23-ka July oo shalay ku beegnayd, ayaa u qornayd sidan:- “Ku: Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland
Ujeeddo: Dacwad hordhac ah oo Idaari ah
Labada Xisbi Qaran ee UCID iyo Waddani waxay maxkamadda Sare ee sharafta leh halkan ugu soo gudbinayaan cabasho aanu ka qabno amarro ka soo baxay wasiir ku-xigeenka Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Saddexdaba, kuwaasoo ay ka baahiyeen qalabka warbaahinta.
Nuxurka amarradaas kala geddisani waxay ku soo ururuayaan:-
A) Inaan Xisbiyada Qaranku isugu iman karin Shir ay ku ballameen inay kaga wada-hadlaan Arrimaha ku saabsan doorashooyinka oo muddadoodii muran ka taagan yahay.
B) Inay Amar ku soo rogeen Hudheellada magaalada inaan Xisbiyadu Shirar ku qabsan karin.
Waxaanu qabnaa in Amarradaasi ay liddi ku yihiin Sharciyada Xisbiyada Qaranka, xuquuqda Aasaasiga ah ee Muwaadinka iyo Distoorka dalka Intaba.
Sidaas darteed, waxaanu maxkamadda Sare ee Sharafta leh ka codsanaynaa inay hakiso amarradaas lidka ku ah Xeerka Xisbiyada, Xuquuqda Distooriga ah ee muwaadinka iyo Xorriyaadka Ganacsiga intaba.
Allaa Mahad leh
Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka
Xisbiga WADDANI”, Sidaas ayay u qornayd waraaqda labada xisbi mucaarad u gudbiyeen Maxkamadda Sare.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Prof: Aadan Xaaji Cali Axmed oo Wargeyska Himilo Khadka Taleefanka xalay wax kaga weydiiyey Dacwadda ay Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID u gudbiyeen shalay ahaan, waxa ay la xidhiidho, sida ay u arkeen iyo tallaabada ay qaadayaan Maxkamad ahaan, ayaa ku dooday in Warqaddaas Mucaaradka oo Cabasho ahayd soo gaadhay, isla markaana uu Guddoomiye ahaan ka qabtay, deg-degna jawaab uga soo saarayaan markay dersaan.
“Nimankaa Odayaasha ahi (Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada UCID iyo WADDANI) way ii yimaaddeen codsina way ii keeneen, waan ka qabtay. Qoraalkii kol haddaannu ka qabannay Maxkamad ahaan waannu darsaynaa, mar haddaannu nahay Maxkamaddii Dastuuriga ahayd ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanannu la xidhiidhnay ciddii ay khusaysay ee ay ka cabanayeen (Xukuumadda) oo aannu ka dalbannay inay cabashadaas jawaab ka bixiyaan. Isla maalinta berri (maanta) jawaab baannu ka soo saaraynaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Prof: Aadan Xaaji Cali oo ka jawaabay su’aasha uu Wargeyska Himilo ka weydiiyey Dacwadda Mucaaradka. Hase-yeeshee, wuu ka gaabsaday inuu faahfaahin intaas ka badan ka bixiyo arrintan Guddoomiyuhu.
Si kastaba ha ahaatee, Dacwadda Mucaaradku u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee Qaranka oo ku soo beegantay maalin ka hor xilligan ay u muddeeyeen shirka Talo-qaran, iyo sidoo kale xilliga ay maxkamadda sare ka sugayaan jawaabta dacwadooda oo sida guddoomiyaha Maxkamadda Sare sheegay jawaab rasmi ah ee dacwadda la filayo inay maanta soo saaraan.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment