Tuesday, July 28, 2015

Dib u bilowga Sahaminta Shidaalka Somaliland oo la shaaciyey wakhtigeeda, Shuruudo ku xidhan iyo xilliga Ceelka ugu horreeya la qodayo

Xukuumada oo maanta ka hadlaysa dhammaystirka Shuruudahii ku xidhnaa dhinaceeda London, 28 July, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Shirkadda Streling Energy Mr. Eskil Jersing ee heshiiska sahaminta Shidaal kula jirta Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inay dhul qiyaastiisu gaadhayso shan boqol oo kiilo-mitir ka wada bilaabi doonaan Shirkada Genel hawlo sahamin Shidaal ah deegaannada Bariga, marka Xukuumadda Somaliland dhammaystirto Shardi ku xidhnaa fulinta shaqadan. Mr. Jersing oo shalay ka hadlayey kulan Shirkadda Streling ku soo bandhigtay waxqabadkeeda sannadkii hore iyo qorshaheeda sannadka dambe, ayaa sheegay inay sahamintii saddexaad ka bilaabi doonaan deegaannada Somaliland oo hore uga qaadeen sahamin natiijo dhiirrigelin lihi uga soo baxday sida uu caddeeyey Masuulkaasi. Guddoomiyaha Streling Energy, ayaa sheegay in bilowga hawlgalkoodu ku xidhan yahay abuuritaanka Ciidammo ilaaliya hawlaha sahaminta oo laga sugayo in Xukuumadda Somaliland inay hirgeliso, isla markaana hawlaha sahamintooda saddexaad dhammaan doonto bisha sagaalaad ee sannadka soo socda ee 2016-ka. Sahaminta afaraad oo dhul gaadhaya kun kiiloo-mitir lagu samayn doono, ayaa dhammaanaya bisha May ee sannadka 2018-ka, ka hor intaan la qodin Ceelka Shiidaal ee ugu horreeya ee Somaliland laga qodayo. Waxaana jira goobo badan oo dhulka Somaliland ka tirsan oo ay Shirkado kala duwani ka sameeyeen Sahamin lagu ogaanayo xaddiga iyo tayada Shidaal ee dhulka Somaliland ku jira. Xukuumada Somaliland oo aan weli wax jawaab ah ka bixin inay dhammaystirtay Shuruudaha Shirkadaha Sahaminta Shidaalku ku xidheen dib u bilowga hawlahoodii Somaliland ay ka wadeen, oo hore werwer dhinaca Ammaanka Soomaaliya ka taagan awgeed u hakiyeen, ayaa la filayaa inay Salaasada maanta ka hadasho halka uu marayo dhismihii Ciidankaas iyo sidoo kale hawlaha kale ee dhinaceeda ku xidhnaa, iyadoo la filayo inay ka hadli doonaan arrimahaas Masuuliyiinta ay Wasaaradohoodu hawlahaas qaabbilsan yihiin ee Macdanta iyo Arrimaha guduhu.  
Himilomedia Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment