Tuesday, July 28, 2015

“Soo dhawaynta diiran ee Shacabka ku dhaqan Laascaanood ku qaabileen Waftigii Madaxweynuhu waxay ahayd fariin cod dheer oo muujinaysa in gobolka Sool yahay amni”Wasiir Xirsi.

Soo dhawaynta diiran ee Shacabka ku dhaqan Laascaanood ku qaabileen Waftigii Madaxweynuhu waxay ahayd fariin cod dheer oo muujinaysa in gobolka Sool yahay amni dadkiisuna yihiin kuwo u bisil horusocodka taageersana Xukuumada Horumarka
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
“Madaxweynaha JSL ayaa dhagax dhigay baayihiii aasaasiga ahaa ee nolosha oo ay kamid yihiin Biyaha, caafimaadka, nabadgalyada “Saldhigyo boolis” iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo Waddooyinku uugu horeeyaan”
------------------------------------------------------------------------------------------
Waxaa maanta Madaxweynaha JSL Mud. Axmed Maxamed Silanyo oo aan ku wehelinayno xubno kamida golaha wasiirada iyo taliyeyaasha ciidanka qaranku safar shaqo ku gaadhnay xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.
Ujeedada socdaalkan oo daarnaa u kuurgalida xaalada guud ee gobolada bariga iyo hirgalinta mashaariic taabanaya baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha ayuu madaxweynuhu u dhagax dhigay baahiyahii uugu muhiimsanaa oo ay kamid yihiin Biyaha, caafimaadka, nabadgalyada “Saldhigyo boolis” iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo Waddooyinku uugu horeeyaan
Talaabadan ayaa imanaysa kadib markii shacabka ku dhaqan gobolka Sool oo kaashanaya xukuumada ay ku kalsoon yihiin ay dhinac uuga wada jeesteen horumarinta gobolka iyo guud ahaanba dalka.
Waxaa hubaal in nabadu tahay albaabka horumarka iyo horusocodka maanta shacabka ku dhaqan Laascaanood waxay fariin cod dheer uugu direen caalamka in gobolka Sool yahay amni dadkiisuna yihiin kuwo u bisil horusocodka.
Intaas kadib wuxuu Madaxweynaha iyo waftigii uu hogaaminayey booqaasho dardar galin iyo dhiirigalin ah ku gaadhay aaga hore ee fadhiismada ciidanka aan la loodin Karin ee qaranka halkaas oo uu bushaarooyiin iyo hambalyo gaadhsiiyey sidoo kalena xusay in amniga lagu seexdo Alle ka sakow ku jiro raggaas dhaxanta u jiifa dhismaha qarankooda.
Wa Bilaahi Tawfiiq

No comments:

Post a Comment