Hargeysa July 26, 2015(Himilo)-Wasiirkii hore maaliyada Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka hadlay heerka uu marayo ganacsiga Somaliland oo uu sheegay in ganacsatadii dhexe ay meesha ka baxday.
Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi waxaa uu iftiimiyay qaabka loo soo celin karo ganacsatadii dhexe ee dekada isagoo ku carabka ku adkeeyay in maamul xumida ka jirta wasaarada maaliyadu ay sababtay in ganacsatada waawayni waxwalba leeyihiin.
Maxamed Xaashi oo maanta ka hadlayay shirka mucaaridka uga socda Hargeysa ayaa ugu horayn ka sheegay“Ganacsatada waawayn dekada ayay kala soo baxaan badeecadooda,Berigii hore dekada gudaheeda ayay ku iibin jirtay oo kalamay soo bixi jirin, maanta ilaa kaaryoonaha iyagaa leh ganacsatadii dhexaa baaba’day sharci daraanay ku baaba’day.”Ayuu Yidhi Eng Maxamed Xaashi.
Maxamed Xaashi Cilmi waxaa uu ku taliyay si loo soo celiyo ganacsatadii dhexe “Waxaynu u baahanahay si loosoo celiyo ganacsatadii dhexe in nimankaa tijaarta ah markay dekada alaabta keenaan laga wareejo oo dabadeedna laga sii daba ceesho, oo ka kaaryoonaha leh ka bakhaarka leh wax kasii daba helaan”
Maxamed Xaashi waxaa uu intaasi raaciyay “Waxaa loo baahanyahay nimanka madaxda maanta doonayaa inay ka leexdaan nidaamkaa madhalaysnimada ah,Hadii aanu aragno idinkoo wasiiro badan magacaabaya wadda diibaad haysaan ee ogaada,Looma baahna gaal ina caawiya miisaaniyadeena ayaa inagu filan,wax la’aani inama hayso miisaaniyadeenu waxay gaadhi kartaa 500milyan .”
Eng Maxamed Xaashi Cilmi waxaa uu ka waramay sidii wakhtigii uu wasiirka maaliyadaha ahaa dhaqaalaha dalka kor ugu qaaday isagoo faahfaahin ka bixiyay meelaha dhaqaalaha laga heli karo iyo sida ugu haboon ee loo maamuli karo.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment