Thursday, July 30, 2015

Xisbiga Waddani Oo Hargeysa Kusoo Dhaweeyay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Hargeysa July 30, 2015(Himilo)-Xisbiga mucaaridka Waddani ayaa maanta si wayn ugu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo safar ugu maqnaa dalka Dibadiisa.
Soo dhaweynta xildhibaanka waxaa ka qayb qaatay guddoomiyaha Xisbiga Waddani,Xildhibaano iyo taageerayaasha kala duwan ee Xisbiga.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo markii madaar uu kasoo degay la hadlay saxaafada ayaa bogaadiyay go’aankii maxkamada sare ku ogalaatay qabsoomida shirarka mucaaridka “Dalkii hooyo ayaan kusoo guryo noqday,Waxaan bogaadinayaa go’aankii ay maxkamada sare soo saartay ee ay cidwalba halkeeda wixii kaga aadanayd ugu sheegtay, waxaan rajeynayaa in xukuumadu ogolaato oo u hogansanaato wixii la farayna fuliso”Ayuu Yidhi Xildhiban Cabdiqadir Jirde.
Xildhibaan Waxaa uu taageeray qodobadii kasoo baxay shirkii isbahaysiga mucaaridka “Waxaan taageerayaa go’aankii kasoo baxay shirkii wada tashiga, ee daba socday go’aankaa maxkamada dastuuriga ah, waxaanan filayaa inuu sidiisii kusoo fuli doono khilaafkaasina sidaa kusoo afjarmi doono”Ayuu Yidhi C/Qadir Jirde.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment