Thursday, July 23, 2015

Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Go’aanka Maxkamada Dastuuriga Ahi Ka Soo Saartay Dacwadii Xisbiyada Mucaaridka Ahi U Gudbiyeen

Hargeysa (Himilo)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saaray war-saxaafadeed ujeedadiisu tahay aragtida uu ka qaatay xisbiga talada dalka hayaa go’aanka maxkamada dastuuriga ahi ka soo saartay dacwadii xisbiyada mucaaridka ahi u gudbiyeen.
War-saxaafadeedkan oo dhameystiran ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
Ujeeddo: Aragtida Go’aanka Maxkamadda Sare SL
Xisbiga KULMIYE waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo taariikhdu tahay 23/07/2015, waxaannuna diyaar u nahay in aannu ugu dhaqanno sidiisa.
Waxa kaloo aannu si gaar ah u soo dhawaynaynaa qodobka saddexaad ee go’aanka Maxkamadda Sare ee amraya in dhinacyada doorashadu khusaysaa soo afjaraan muranka taagan.
Sidaa darteed xisbi ahaan waxaannu jecelnahay in arrintaasi laga midho-dhaliyo, iyadoo horeba KULMIYE uu ugu jirnay sidii loo dhammayn lahaa khilaafkan, waxaannuna ugu baaqaynaa xisbiyada mucaaradka ah inay nalaga hawlgalaan dhammaystirka iyo hirgelinta heshiiskii hore loo galay.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE

No comments:

Post a Comment