Hargeysa, 26 July, 2015 (Himilo)- Masuuliyiin xilal kala duwan ka hayey iyo shakhsiyaad magac iyo maammus ku leh Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa shaaca ka qaaday inay iska casileen xilalkii ay u hayeen iyo xubinimadoodii Xisbiga.
Xubnaha iska casilay Xisbiga Waddani oo uu hoggaamiyey Xoghayihii Xannaanada Xoolaha ee Xisbigaas Xasan Axmed Muuse (Xasan Goodaad) oo ay weheliyaan saddex haween ah oo ka tirsanaa garabka Haween-weynaha ee Waddani, xilal kala duwanna u hayey, ayaa shir-jara’aid oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa ku shaaciyey inay ka baxeen xisbiga Mucaaradka ee Waddani, iyagoo go’aankooda ku sababeeyey arrimo shakhsi ah iyo waxba ka fahmi waayeen siyaasadda hoggaamineed ee xisbiga.
Xasan Axmed Muuse (Xasan Goodaad), Xoghayihii Xannaanada Xoolaha ee Xisbiga Waddani oo isagu halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaan halkan idiinka caddeynayaa inaan iska casilay xilkii aan u hayay xisbiga Waddani ee ahaa Xoghayaha Xannaanada Xoolaha iyo Xubinimadii Xisbiga.”
Sidoo kale, xubnaha kale ee shalay is-casilay oo ka tirsanaa garabka Haweenka ee Xisbiga, ayaa ku dooday inaanay jirin cid ku kalliftay ama ka dambaysa go’aankooda iyo meel kale oo looga gacan haadinayo, balse waxay sheegeen inay siyaasad ahaan waxba ka fahmi waayeen hoggaaminta xisbiga oo sida ay sheegeen qarcin waayey hankie ay ka lahaayeen siyaasadda Xisbiga.
Dhinaca kale, waxa kale oo xubinimada Xisbiga Waddani inay iska casishay shaacisay Fannaanadda Caanka ah ee Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan) oo bishii September ee sannadkii hore ku biirtay Xisbiga.
Sida ay ku shaacisay Waraaq ku taariikheysan Sabtidii shalay oo ay ku socodsiisay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, warbaahinta la soo gaadhsiiyey, waxa ay Sahra Axmed Maxamuud is-casilaaddeeda ku sababaysay arrimo shakhsi ah, waxaanu qoraalka is-casilaaddeedu u qornaa sidan:- “Anigoo ah Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-Halgan) waxaan maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 25/07/2015 halkan ku caddaynayaa in aan gebi ahaanba iska casilay xubinnimadii iyo ka mid ahaansihii xisbiga WADDANI.
Waxaan halkan ku cadaynayaa in is casilaadaydu ay ku qotonto arrimo shaqsi ah oo aniga ii gaar ah isla markaana aan doonayo in aan ka madax banaanaado arrimaha siyaasadda iyo hawlaha xisbiga,” Sidaas ayay Marwo Sahra Axmed ku sheegtay Is-casilaaddeeda.
Shanta Masuul ee shalay iska casilay Xisbiga Waddani, ayaa tirada Xubnaha xilalka ka hayey ee iska casilay xisbiga Waddani ka dhigay Siddeed masuul, iyadoo todobaadkii hore ay sidan oo kale Isu-casileen saddex masuul oo xilal sar-sare ka hayey Xisbiga Waddani.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment