Muxuu ka yidhi Muranka Siyaasadeed ee ka taagan Doorashooyinka?
“Waxa isa saaran laba doorasho; tii baarlamaanka iyo tii madaxtooyada, waa hawl culus oo aan laga fekerinba qaabka ay u dhacayso.” – Axmed Yuusuf Yaasiin
Hargeysa, 26 June, 2015 (Himilo)- Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa bogaadiyey go’aan Maxkamadda Dastuuriga ah ka soo saartay dacwad xisbiyada Mucaaradka ahi u gudbiyeen oo ka dhan ahayd Xukuumadda, kaas oo uu ku tilmaamay go’aankii ugu macquulsanaa ee ka soo baxa Maxkamadaha Somaliland.
Axmed Yaasiin waxa uu sheegay inaanu jirin go’aan ka macquulsan qaraarka Maxkamadda Sare todobaadkii hore ka soo saartay Dacwad nuxurkeedu ahaa cadaadis iyo cago-juglayn ay mucaaradku sheegeen in xukuumadda ku joojisay shir ay xisbiyada mucaaradka u qabsoomi lahaa Khamiistii todobaadkii hore, kaas oo baaqday kaddib markii xukuumaddu ka biyo-diidday qabsoomidda shirkaas oo mucaaradku u bixiyeen Shir Aayo-ka-tashi qaran oo ay sheegeen inuu jawaab u yahay khilaafka ka taagan muddo-kordhinta loo sameeyey xukuumadda iyo dib-u-dhacyada doorashooyinka ku yimi.
Axmed Yuusuf oo ka hadlayey aragtidiisa ku wejahan go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ahi ku dhex-dhexaadisay Mucaaradka iyo Xukuumadda, waxa uu yidhi, “Waxaan hambalyeynayaa Maxkamadda Sare oo gaadhay qaraar macquul ah oo ah kii ku haboonaa; wuxuu ahaa qaraarkii ugu macquulsanaa ee ay abid soo saarto Maxkamadi.”
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo waraysi gaar ah siiyey telefishanka ROYAL, waxa kale oo uu naqdiyey shirka wada-tashi ee xisbiyada mucaaradku u baaqeen, waxaanu yidhi, “Haddii la yidhaahdo shir Qaran, kaas ma ayidsanin, shir-qaran waxa qaban kara goleyaasha Qaranka;, marka la leeyahay shir-qaran, ujeeddo uunbuu leeyahay, ujeeddaduna waxa weeyaan inay sameeyaan Dowlad kale. Laakiin waa inay fahmaan Xisbiyada mucaaradku inay iyagu dhaleen Goleyaasha Qaranka oo waxay ku leeyihiin xubno ka jira, sida Golaha Wakiillada oo kale. Xilligayadii iyo wakhtigani way kala duwan yihiin, annagu waanu ka soo horjeednay (Shir talo-qaran), immikana waa ka soo horjeednaa. Xisbiyadu way shiri karaan oo go’aamo u gaar ah way gaadhi karaan.laakiin marka la leeyahay shir-qaran, goleyaasha qaranka ayay u taallaa.”
Axmed Yuusuf Yaasiin oo la weydiiyey haddii ay qorshaha ugu jirto mar kale inuu ka soo dhex-muuqdo saaxadda siyaasadda iyo loolanka hoggaanka dalka, waxa uu ku jawaabay, “Xisbigayagii waa tii la ogaa halkuu maray, dee markay wakhtigeeda timaaddo ee ururrada la furayo, taas wakhtigeeda iyo goobteeda hala gaadho,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland.
Mar uu ka hadlayey talooyinka ku habboon in lagaga gudbo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan waxa uu yidhi, “Waxaan u soo jeedinayaa inay talo-wadaag yeesheen oo ay meel iska dhigaan waxan Afarta bilood ah ee ay isku haystaan. Arrimo muhiim ah ayaa ka horreeya doorashada; muftaaxa doorashadu waxa weeyi Diiwaangelintii Dadweynaha, haddii aan la heli diiwaangelin rasmi ah, doorasho hirgeli mayso. Markaa waxaan leeyahay xukuumadda iyo Xisbiyadaba halaga wada-shaqeeyo Diiwaangelinta, markaasay doorasho hirgeli kartaa.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Ta labaad waxa weeyi, waxa isa saaran laba doorasho; tii baarlamaanka iyo tii madaxtooyada, waa hawl culus oo aan laga fekerinba qaabka ay u dhacayso. Midda kale ee meesha taallaa waxa weeyaan, sharcigii Golaha Wakiillada lagu dooranayey meesha ma yaallo, 2005-tii ayey ahayd markii u dambeysay ee la sameeyo sharcigii golaha Wakiillada lagu dooran lahaa.”
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment