Saturday, July 25, 2015

Maxaa ka Dhexeeya Hoggaanka iyo Siyaasadda?

Waxa hubaal ah in 90% dadku marka ay maqlaan siyaasad inay kusoo dhacdo madax sare ha noqdaan, guddoomiyayaal xisbi ama qaar kale oo xilal ka haya dawladda. Sidaa si lamid ah marka aynu ka hadlayno hoggaan, sida badanaaba dhacda, waxaan xasuusanaa sawir lamid ah markii aan ka hadlaynay siyaasad. Si kastaba ha ahaatee waxaa muhiim ah inaan ogaano inay siyaasadda iyo hoggaanku ay aad u kala duwan yihiin. Siyaasaddu waa aragti waajahaysa socodsiinta waaxyaha kala duwan iyo himilada dalka halka aynu ku qeexi karno hoggaan nidaam horseed ah oo lagu hogaaminayo dadka kartida shaqsiyeed.
Haddaba wada shaqayntooda iyo isku keenidoodu waxay horseedi kartaa horumar balaadhan oo dhaqaajinaya nidaamka waxqabad ee xaaladda waddanku taagan yahay. Hoggaamiyayaasha adduunku iyaga oo isticmalaya kartidooda shaqsiyadeed, ha noqoto awooddooda hal-abuurnimo, waaya-aragnimo iyo aqooneed iyo waliba hibooyinkooda, haddana waxa lagama maarmaan ah inay adeegsadaan siyaasadda si ay u gaadhaan hiigsiga fog ee waddanka iyo kooda shaqsiyeed labadaba. Maadama oo la rabo in guul laga gaadho ra’yiga iyo hanka guud ee waddanka, waxa runtii dhaxal gal ah in la dhuuxo oo la fahmo is- dhexgalkooda iyo wada socodkooda.
Haddii aynu garanay maxsuulka wanaagsan ee kasoo bixi kara midayntooda, waxa iyana lagama maaraman ah in aan garano waa maxay astaamaha siyaasadda wanaagsan? Waa maxay dabeecadaha laga rabo inuu yeesho qof hoggaanka hayaa? Sidee ayay midayntoodu horumar u keeni kartaa? Su’aalahani waa kuwo aasaas u noqon doonaa in aynu fahano xidhiidhka ka dhexeeya hogaanka iyo siyaasada.
Ugu horayn hanka ugu wayn ee ay bulsho yeelan kartaa waa horumarka tiirarka kala duwan ee waxtarka u ah nolosha dadka sida waxbarashadda, caafimaadka, dhaqaalaha iyo ka faaiidaysiga is-gaadhsiinta casriga ah. Si haddaba horumar loo gaadho, siyaasiga aan rabnaa waa inuu noqdaa mid:
• Daacad ah: waa inuu awood u leeyahay inuu ka run sheego ficilada kala duwan ee laga rajaynaayo inuu qabto xiliyada ololaha.
• Ixtiraam leh: halkan waxaan ixtiraam uga jeednaa, in ay dhinacyadda kala duwan ee isku haya hogaanka dalku inay is-ixtiraamaan iyo inay qadarin siiyaan shuruucda u taala wadanka iyo natiijooyinka kasoo baxa heshiisyada. Waxa sidoo kale aad u xusid mudan in la ixtiraamo kala fogaanshaha fikirada kala duwan iyada oo aan wax loo dhimmayn sumcada iyo jiritaanka wadanka.
• Masuul ah: masuuliyada siyaasigu waxay ka timaadaa in uu garto inay qaali tahay inuu baahida naftiisa ka horeysiiyo ta u taala dalka. Baahiyaha kala duwan ee dalka waxaa ku jirta ugu yaraan ilaalinta nabadda.
Dabeecadahan siyaasadeed waxay u baahan yihiin in lagu labeeyo hoggaan. Waxa laysla ogyahay in la baran karo siyaasad laakiin marnaba aan lala iman karin astaamo hoggaan. Si guul looga gaadho himilada dalka waa in hoggaamiyuhu noqdaa mid:
• Aragti- fog: hogaamiyuhu isaga oo adeegsanaaya kartidiisa waa inuu ka war hayo oo uu saadaalin karo xaalada uu dalku ku sugnaan karo muddo kadib tusaale ahaan muddo 5 sanno kadib.
• Qancin leh: tani waxay u sahlaysaa hoggaamiyaha inuu yeesho hab macquul ah oo uu ku cabiri karo fikirkiisa si uu u qanciyo baahida soo wajaha dalka.
• Saamayn leh: midaynta aragtida fog iyo qancinta fikirada fog fog waxay kor u qaadaysaa in laga dhex dheehdo hoggaamiyaha saaxadaha siyaasadda laguna wada qanco go’aanadiisa rag, dumar iyo dhallinyaro intaba.
Ugu danbayn, siyaasaddu maaha xalka kaliya ee lagu gaadhi karo horusocodka iyo horumarka dalka haddii ay maqan tahay in lagu xidhiidhiyo hoggaan iyaga oo dhinacyo kala duwan wax laga eegaayo.
By: Mohamed Rashid Hussein
Development Analyst
Mohamedrashid402@gmail.com
063-4002027
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment