Hargeysa July 27, 2015(Himilo)-Guddoomiyihii hore ee haayada shaqaalaha Mudane Cabdiraxmaan Cadami ayaa naqdiyay mudo kordhinta golaha guurtida.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cadami waxaa uu sheegay in golaha guurtida leeyihiin masuuliyada mudo kordhinta balse ay ku dabaqaan hawl maalmeed komishanka doorashooyinka maadaama ayna golaha guurtidu ka masuul ahayn qabsoomida doorashoonyinka.
Cabdiraxmaan Cadami oo shalay u waramayay wariye ka tirsan Wargeyska Himilo iyo Star Tv ayaa sheegay “Golaha guurtidu kordhiskooda waa inay ku saleeyaan Qorshe hawlmaalmeedka komishanka doorashooyinka, maaha xuduud ma lihi masuuliyad baa la rabaa, Golaha guurtidu waxay sameeyeen masuuliyad daro, xaq iyo sharci iyagaa u leh inay kordhiyaan, laakiin kordhiska waa in lagu saleeyaa duruufta,Maaha inaad tidhaahdo kordhinka anaa xaq uleh oo toban sano ayaan kordhinayaa, Waxaad ku salaynaysaa wakhtigay farsamo ahaan ku dhamaysan karaan komishanku”Ayuu Yidhi Cabdiraxmaan Cadami.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu intasi raaciyay “Haday yidhaahdaan waxaaanu ku dhamaysan karnaa laba iyo toban bilood, dee guurtidu maaha inay tidhaa waxaan kordhiyay saddex sano.”
Mr Cadami waxaa uu xukuumada ku dhaliilay tanaasul la’aan marka uu khilaaf yimaado isagoo isbarbar dhigay dawladihii hore ee soo mara dalka iyo dawlada imika jirta “Xukuumadani dawladihii hore laba ayay kaga duwantahay, dawladihii hore khilaaf wuu jiray mudo kordhin way jirtay Laakiin xukuumadani waxay kaga duwantahay kuwii hore waa bilaa tanaasul marka uu yimaado khilaad, xukuumada masuuliyada saaran mucaaridka ma saarna,Doorashooyinku dib bay u dhici jireen laakiin ku talo gal kamay ahayn dawlada ,xukuumadanse waa ku talo gal in doorashadu dib u dhacdo”Ayuu Yidhi Mudane Cadami.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment