Galkacyo, 25 July, 2015 (Himilo)- Prof Cali Khaliif Galeydh oo ah hoggaamiyaha kooxda Khaatumo, ayaa markii u horeysay ka markhaati furay sababta aanay suurta-gal u ahayn midow dambe oo mar kale dhex-mara Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo sidoo kale muujiyey caqabadda ugu weyn ee hortaagan dadka Somaliland u dhashay ee aamisan ee midnimada dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya.
Cali Khaliif Galaydh oo khudbad calaacal ah u muuqatay ka jeediyay munaasibad lagu caleemo saarayay madaxweynaha maamul-goboleedka Galmudug ee Soomaaliya oo shalay ka dhacday magaalada Gaalkacyo, waxa uu ku sheegay inaanay Soomaaliya waxba u ogolayn dadka Somaliland u dhashay ee aaminsan mabda’a Soomaaliweyn.
“Waagii dagaalkii 2-aad ee aduunku dhammaaday ayaa niman Soomaali ah oo Cadan ku noolaan jiray Burco yimaadeen, dabeed iyagoo meel maraya ayuu nin heesaha laga dhegaysan jiray saaray hees Hindi ah, dabadeed nimankii oo heestaa Cadani ugu dambeysay ayaa yidhi, ‘Waar ma Cadan baa laga heesayaa mise anagaa waalan?’ Waxaan arrintaas uga socdaa mid aad iyo aad noo taabanaysa haddaanu inta reer Woqooyiga ah ee midnimada Soomaalida rabta. Su’aasha meesha taal waxa weeye maxaa loogu talo galay dadka Soomaalida ah ee ku nool waqooyiga ee midnimada Soomaaliyaa doonaysa?” Sidaas ayuu ku calaacalay Cali Khaliif Galeydh.
Cali Khaliif waxa kale oo uu qiray faa’ido la’aanta uu ka taagan yahay mabda’a Soomaali-weyn, waxaanu yidhi, “Aniga waa la igu yaqaan waanan eedaye, warkayga waan caddaystaa, waxaa muuqata in kala go’a Somalia inuu koonfur ka socdo, kala go’a Somalia meesha lagu eedaynayo ee Somaliland, waxaaba la shaqaynaya Koonfur Soomaaliyeed. Koonfur baan qirayn dadka Soomaalida ah ee Woqooyiga ee u dhimanaya midnimada Soomaaliya, haddii sida muuqata dadkaas oodda laga soo rogto eedda yaa leh?”
Hadalka Cali Khaliif ayaa noqonaysa markii u horeysay ee uu kaga dhawaajiyo sida uu quuska uga taagan yahay midnimada Soomaaliweyn iyo sida aanay Soomaaliya waxba ugu oggolayn dadka reer Somaliland, arrintaas oo uu kaga dhawaajiyey oo ah sababaha horseedka u ahaa go’aanka dib-u-lasoo noqonaya madax-bannaanida Somaliland isla markaana kaga baxday Midowgii Soomaaliya dhexmaray sannadkii 1960-kii.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment