Hargeysa July 28, 2015(Himilo)Golaha deegaan caasimada Hargeysa ayaa ka hadlay banaynta dariiqyada xidhmay ee suuqyada Magaalada Hargeysa.
Dawlada hoose ee magaalada hargeysa ayaa shalay olole wado banayna ka bilowday suuqa wayn ee magaalada iyadoo burbur xoogan u gaysatay ganacsada yaryar ee ka ganacsada hareeraha wadooyinka.
Xildhibaan Xasan Cabdi Cali Xasan (Shahar) oo ka tirsan golaha deegaan caasimada ayaa ku dooday in golaha deegaanka laga doonayo wado furan iyo caasimada qurux badan, isla markaana loo baahanyahay sida la isku qabad siin lahaa ganacsiga danyartu ka wado hareeraha wadooyinka iyo sumxada dariiqyada caasimada.
Xildhibaanku waxaa kale oo uu ka jawaabay eedo golaha deegaanka uga yimid Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo kamida golaha wakiilada Somaliland kaasi oo dawlada hoose ku canaantay qaabka ay bulshada ula dhaqmeen isagoo ku eedeeyay in ay shacabka u adeegsadeen awood ciidan.
Xildhibaan Xasan Shahar oo maanta Shir-Jaraaid ku qabtay xarunta Dawlada hoose ayaa sheegay “Goluhu Dhawr jeer ayuu wadoooyinka Baneeyay,Wadooyinkii magaalada sumxada baabuurtu ku mari laayihiinn waad la socotaan, in wadooyinka la baneeyaa oo gaadiidku maraana waa adeegii bulshada, dadku waxay jecelyihiin inay wadada dhexdeeda degaan, wadooyinka cadowgoodu ciiduu ka batay, Golihii Deegaanka waxaa laga doonayaa wadooyin furan iyo bilicdii caasimada,markaa sideenu isku waafajinkarnaa wadooyin banaan iyo Ganacsiga umada”Ayuu Yidhi Xildhibaan Xasan Shahar.
Xildhibaanku waxaa uu golaha deegaanka ka difaacay dhaliilo uga yimid xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada isagoo Xildhibaankaasi ku tilmaamay Masuul meel walba mucaaradad la taagan.
“Xilidhibaan Siciid Cilmi Rooble waxaan leeyahay xildhibaan isku fiirso, waxbaa la waalaa uun buu arinkaagu noqdee, Bal arinta aad ku jirto nin wayna waatahaye, in tay dadka dhib ku keenayso iyo intay waxyeelayso ayaad ka shaqaynaysaa ee wax u fiirso, Nin wayn oo umadi dooratay oo gole ku jira oo lagu xisaabtamo oo siyaasiya ayaa tahay,Markuu qofku bilaa cilmi yahay way timaadaa inuu waxa uu doono ku hadlo, Kuweenii caqliga lahaa markay waxaas ku hadlayaan ma munaafaqadbaynu ku sheegnaa maxaynu ku sheegnaa bal”Ayuu Yidhi Xasan Shahar.
Dawlada Hoose ee hargeysa ayaa ku hawlan banaynta wadooyinka caasimada xili shacabka shaqo la’aantu saamaysay ku ganacsadaan hareeraha wadooyinka halbawlaha si ay uga helaan nolol maalmeedka.
Himilomedia
Hargeysa Offoce
No comments:
Post a Comment