Wednesday, July 22, 2015

“Xisbigii Yidhaahda Goleyaashu Ma Jiraan Waxaanu u Sheegaynaa Inaanu Odhan doono Xisbiyadu Xasaanad ma leh”Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad Ee Wakiilada Baashe

 

Hargeysa July 22,2015(Himilo)-Guddoomiye xigeenka 1-aad ee golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay  inaan golaha wakiilladu ka tanaasulin doonin mudo kordhinta ay guurtidu u samaysay.
Guddoomiye Baashe waxaa uu carabka ku adkeeyay in hadii xukuumadu aqbasho in doorashada la qabto 2016ka ayna ogalaan doonin in laga noqdo mudo kordhinta guurtida oo ay kasoo horjeedsan doonaan

“Haddii Mucaaradku yidhaa goleyaashu ma jiraan, sharciga ayay ku gefayaan. Haddii qolada xukumaddu december doorashada qabsanayso, anaga teeramkayagu waxa weeye 20-ka April, 2017-ka, wakhtigaas baa golaha wakiillada loo kordhiyay. Doorashada wakiilladana waxay ka horaynaysaa bil oo 27 March inaanu doorashada u tartano ayuu sharcigu dhigayaa” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.
Waxaa uu ku hanjabay in ay soo saari doonaan inaanu mucaaridku xasaanad ku lahayn hadii ay sii wadaan dhaliisha golaha wakiilada.

“Markaa haddii sharciyaddii la diiday oo la leeyahay 27-ka July marka la gaadho dawladdi ma jirto, anaga Wakhtigayagu wuxuu ku eeg yahay March, 2017 oo aanu doorashada galaynaa, xukumaddu hadday december galayso waa fasax illayn iyagaa marka horeba wax la saxeexday Mucaaradkee. Xisbigii yidhaahda goleyaashu ma jiraan waxaanu u sheegaynaa inaanu odhan doono Xisbiyadu xisaanad ma leh, goleyaasha wakiillada iyo guurtida ayaa xisaanad leh, intaana waxaanu ka dhawrsanaynay inaanu nidhaa asxaabta mucaaradku ma jiraan oonu waliba go’aanno iyo sharciyo ku soo saaro hadday ka waantoobi waayaana way imanaysaa,” Ayuu Yidhi Md Baashe.

 

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment