Tuesday, July 28, 2015

Weriyeyaal Kooxda Al-Shabaab ku laysay Weerar ay ka fulisay Huteel Jasiira oo Muqdisho lagu aasay

Muqdisho, 28 July, 2015-(Himilo)- Allaah ha u naxariistee waxa shalay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya lagu aasay Meydadka laba Weriye oo bahda Saxaafadda Soomaaliyeed ka mid ahaa, kuwaasoo ku dhintay Qarax Axaddii toddobaadkan lala beegsaday Hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.Suxufiyiintan ayaa kala ahaa; Marxuum Maxamed Cabdikariin Macallin oo u shaqeynayay Universal TV iyo C/xakiin Maxamed Cumar oo hore ugu shaqeynayay Idaacadda SBC. Halka uu ku dhaawacmay Qaraxa Weriye Salmaan Saciid oo u shaqeynayay Telefishinka Universal, kaasoo haatan lagu daweynayo Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Wariye Maxamed Cabikariin, ayaa Muqdisho ku sugnaa muddo hal Toddobaad ah isagoo ahaa Weriyaha iyo Wakiilka Universal TV u jooga gobolka Gedo, sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Bariga Afrika ee Telefishinka Universal Cabdillaahi Xirsi, waxaana marka shilku dhacayay ay isaga iyo Salmaan Saciid Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan-Cadde ka dooneen Weriye Cabdixakiin Maxamed oo markii ay kasoo laabteen Garoonka la kulmay Weerarka Is-miidaaminta ah.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliya ee NUSOJ, ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Marxuum C/xakiin Maxamed Cumar meydkiisa la helay habeen-hore abbaaro 9:30 Fiidnimo, ayna dedaallo badan ka dib u suuro-gashay in Meydkiisa laga qaado halkii uu ku dhintay lana geeyo Cusbitaalka Madiina ee Muqdisho.Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ Maxamed Ibrahim oo Aaska Suxufiyiintan oo ka dhacay Qubuuraha Dugsiga Tababbarka Booliiska ee Jen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho ka qaybgalay, ayaa ku tilmaamay falkaasi lagu dilay mid arxan-darro ah, isagoo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay feejignaan dheeri ah muujiyaan.“Inaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, Geerida Suxufiyiintan waa mid xanuun badan, Walaalaheen keliya kama bixin Qoysaskooda ee waxay ka baxeen bahda Warfidiyeenka Soomaaliyeed oo dan.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha NUSOJ Maxamed Ibrahim, isagoo xusay inay labada Marxuum-ba Xaasas iyo Carruur ka tageen.Xoghaye Maxamed Ibraahim, ayaa intaa ku daray in Suxufiyiinta Soomaaliyeed Feejignaan dheeraad ah muujiyaan, Allena uga baryay kuwa geeriyoodayna inuu naxariistiisa siiyo, midka dhaawaca ahna uu caafimaad deg-deg ah siiyo, isagoo Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Suxufiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed-ba Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo Suxufiyiintaas iyo dadka kale ee qaraxaas ku dhintay-ba.Maaha markii ugu horreysay ee sidan oo kale weerar ay Kooxda Al-Shabaab la beegsatay goobaha Meheradaha ah ee la isugu yimaaddo ee Caasimadda Muqdisho ku yaalla Weriye ku dhinto, kuna dhaawacmo, hase-yeeshee, marar badan ayaa weerarro ay ka fuliyeen Muqdisho ay ku naf-waayeen Suxufiyiin, kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment