Wednesday, July 22, 2015

Salaadiin Iyo Cuqaal Taageeray Shirka Ay Ku Baaqeen Isbahaysiga Mucaaridku.

Hargeysa july 22,2015(Himilo)-shir jara-id oo ay maanta ku qabteen Huteel shiraqle qaar kamida salaadiin iyo cuqaasha  kala duwan  somaliland ayaa lagu tageeray shirka qaran ee ay iclaamiyeen asxaabta mucaaridka.

Shirkan Jaraid ee ay saaka salaadiintu ku taageeraan shirka ay ku baaqeen asxaabta qaranku ayaa sidoo kale waxaa ay fariin u direen xukuumada uu hogaaminayo madaxwayne Siilaanyo

Ugu horayn waxaa shirkaasi furay oo ka hadlay oday Maxamuud Cabdi Cilmi ‘’Marka hore waxaan leanahay hadaan nahay sulaadiinta iyo cuqaasha kala duwan ee Somaliland in la ilaaliyo nabada iyo xasiloonida dalka waayo nabadu adaa ku nool ee iyadu kuguma noola, sidaasi ooytahay waxaan baaq cod dheer ugu sheegaynaa xukuumada siilaanyo in ay dalka waxan ay ka wado ka joojiso oo ay ka dayso khilaafkan horleh ee ay umada u horseedayso , anagu ugumaanan codayn in uu dalka bur bur u horseedo ugu maanan codayn in dadka dhibaato loo horseedo waxaan ugu codaynay in dalka horumar la gaadhsiiyo oo aduun waynaha aan wax la qaybsano’’

Baaqan waxaa kale ayana ka hadlay fariinna u diray madaxwayne siilanyo Sheekh Jamaal Xaaji Cabdi oo ka mida culimada dalka waxaana uu isna hadalkiisa ku sheegay sidan ‘’ dadkan iyo dalkan uma baahna dhibaato waayo dhibaata maanta laynooga sheekaynmaayo, qaxoonti ayaan soo marnay,waxaynu ka dagaalannayna wax kale maahee waa waxaas aad wado maanta ee ah sidii kaligii taliyihii siyaad barre. horeba hadaan u yeeliwaynay maantana yeelimayno.Waxaad hore uga hadliwayday heshiis kii dhexmaray xisbiyada mucaaradka ah ee mudo kordhinta iyo kii ay soo saareen komishanka doorashooyinka qaranka ee isna ahaa mudo kordhinta taasi waxay cadaynasaa in aad rabto in dalku noqdo sidaa Burundi oo qas iyo qalalaase ka bilabmo, yeelina maynao qasna ka bilaabmi maayo ee adaa si fudud uga tagaaye

Sidaasi oo ay tahay waa in aad fiiro gaara siisaa baaqan iyo soo jeedintan aanu ku leenahay. Waa in sida ugu dhakhsaha badan loo qabtaa doorasho hadii ay dhiciwaydana in wada tashigaa isbahaysiga mucaaridka iyo madasha wada tashiga la sameeyaa ,wa bilaahi tawfiiq’’

Waxaana isna ka hadlay madashaasi Caaqil Cabdi Daahir Axmed oo ah caaqil ka soo jeeda beelaha la haybsooco oo isna cod dheer ku sheegay inay dawladu daadisay askar iyo ciidan badan wadooyin iyo hoteelada magaalada hargeysa.sidoo kale waxaa uu sheegay in huteladii loo keenay waraaqo loogu hanjabaayo in aanay cidna ka kirayn hanjabaado iyo cagajuglayn joogta ahna lagu hayo
Himilomedia/Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment