Tuesday, July 28, 2015

Madaxweynaha Maraykanka iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya oo si adag uga hadlay halista Al-Shabaab ee Geeska Afrika

 

“Ma jirto baahi aan Ciidammo u geyno Soomaaliya, Ciidammada Itoobiya ayaa aad dagaalka ugu xariif ah, kuwa Kenya iyo kuwa Ugandana waxaa ka go’an inay qabtaan hawsha ay Soomaaliya u joogaan…” Madaxweyne Obama

Addis Ababa, 28 July, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa kulammo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta dawladda Itoobiya, Madaxweynayaasha dalalka Uganda, Kenya iyo Saraakiil ka socday dawladaha Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed, waxaanay isaga iyo Madaxda kale si adag uga wadahadleen la-dagaallanka argaggixisada, gaar ahaan Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalegn, ayaa markii ay kulammadooda kala duwan dhammaysteen, waxay galbnimadii Isniinta ee shalay Shir Jaraa’id ku wada qabteen Addis Ababa, iyagoo sheegay inay ku heshiiyeen inay iska kaashanayana dhismaha nabadda Soomaaliya, xoojinta Ciidammada Amniga Soomaaliya iyo sii wadista la-dagaallanka Al-Shabaab, waxaanay ka hadleen Qarax Axaddii dorraad Kooxdaasi ka fulisay Huteel Jasiira ee magaalada Muqdisho oo 20 qof ku dhinteen, konton kalena ku dhaawacmeen.

Raysal-wasaaraha Federaalka Itoobiya Haile Maria moo ugu horreyn shirkaa Jaraa’id ee ay Obama wada qabteen ka hadlay, ayaa faahfaahiyey waxyaabaha dhinaca ammaanka iyo arrimaha Soomaaliya ku saabsan ee ay ku heshiiyeen, waxaanu yidhi; “Waxaannu isla garannay inaan ka wada shaqayno dhismaha nabadda Soomaaliya, annaga oo ka caawinayna dhismaha Hay’adaha dawladeed, isla markaana xoojinayna Ciidammada Ammaanka iyo Millateriga Soomaaliya, si loo gaadhsiiyo masuuliyadda ammaanka dalkooda.”

“Waxaannu isla-garannay inaannu inaannu xoojinno ololaha ka dhanka ah argaggixisada gobolka, waxaannu wada bogaadinnay horumarka ay Ciidammada AMISOM ee Soomaaliya ku sugani ay ka samaynayaan dagaallada ay kula jiraan Al-Shabaab.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha dawladda Itoobiya.

Waxaanu intaas ku sii ladhay; “Waxaannu isla garannay inaannu xoojinno iskaashigayaga dhinaca Sirdoonka, waxaanannu labadayaduba garawsannay halista argaggixisadu gobolka ku haysaa inuu yahay mid weyn. Qaraxiii shalay (dorraad) ka dhacay Muqdishana wuxu na xasuusinayaa oo uu astaan u yahay inaan u baahannahay inaan si weyn uga sii wada shaqayno iskaashiga la-dagaallanka argaggixisada.” ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale, Madaxweynaha dawladda Maraykanka Brack Obama oo isaguna shirkaa Jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi; “Iskaashigeenna dhinaca ammaanka waa mid ku waajahan caabbinta xag-jirnimada gacan-ka-hadalka wadata, Itoobiya waxay waajahaysaa halis wayn, kaalinta ay ku leedahay hawlgalka Midawga Afrika ee nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya, waxa uu soo yaraynayaa goobaha weli gacanta ugu jira Al-Shabaab.”

“Sida uu Raysal-wasaaruhu sheegay qaraxiii shalay (dorraad) ka dhacay Muqdisho, waxa uu inna tusayaa, in Al-Shabaab iyo Ururrada la midka ahi aanay u taagnayn waxaan ahayn dhimasho iyo burbur, waana in la joojiyaa. Toddobaadkii inna dhaafay Ciidammada Itoobiya waxay gacan ka geysteen in Al-Shabaab laga saaro laba magaalo oo waawayn oo Soomaaliya ku yaalla, waa in markaa aynu sii wadnaa cadaadiska aan ku hayno Al-Shabaab.” Sidaa ayuu yidhi Obama.

Mar la weydiiyey Madaxweyne Obama in maaddaama oo uu aad uga hadlay la-dagaallanka Al-Shabaab ay dawladdiisu dalka Soomaaliya geynayso Ciidammo ka socda Maraykanka, waxa uu ku jawaabay; “Warbaahinta qaarkood waxa laga yaabaa inay is-weydiinayaan sidee Itoobiya loogu tilmaami karaa dal astaan u ah la-dagaallanka Al-Shabaab maaddaama oo dagaallada weerarrada kooxdu ay sii socdaan, dulucda hadalkaygu waxa uu ahaa in ka adkaanshaha urur argaggixiso aanu ahayn mid fudud, ulamana jeedin in dhibaatada Soomaaliya la xalliyey, waxaan ula jeedaa inaan kala shaqayno dawladda Soomaaliya oo hadda u muuqata mid curdin ah oo aanay Ciidammadoodu xoogganayn iyo dalalka kale ee gobolka ee Itoobiya ku jirto ee ka midka ah hawlgalka Midawga Afrika ee AMISOM. Ma jirto baahi aan Ciidammo u geyno Soomaaliya, Ciidammada Itoobiya ayaa aad dagaalka ugu xariif ah, kuwa Kenya iyo kuwa Ugandana waxaa ka go’an inay qabtaan hawsha ay Soomaaliya u joogaan.”

Madaxweyne Obama iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya waxay ka wadahadleen dhibaatooyinka iyo cadaadiska ay Ururrada Xuquuqda Aadamaha iyo Weriyeyaashu kala kulmaan dawladda Itoobiya, waxaanu Raysal-wasaaraha Itoobiya oo arrimahaas wax laga weydiiyey sheegay inay dawladda Itoobiya u baahan tahay Weriyeyaal badan oo tayo leh iyo xubno si fiican xuquuqda aadamaha uga shaqeeyo, laakiin aanay dalkiisa oollin sheekooyin badan oo xunxun, balse ay yaallaan sheekooyin fiican oo dhiirrigelin mudan. Waxaana intii aanu Obama soo gaadhin Itoobiya toddobaad ka hor la siiddaayey shan Weriye oo ku xidhnaa dalkaas, halka ay 11 Suxufi oo kalena weli ku xidhan yihiin waddankaas. Waxay sidoo kale ka wadahadleen arrimo kale oo door ah oo xidhiidhka labada dal iyo xasilinta gobolka ka mid ah, horumarinta dhaqaalaha iyo xidhiidhka ganacsi ka mid yihiin.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment