Muqdisho, 28 July, 2015-(Himilo)- Ruux Naftii-hallige ah oo fuliyey Qarax khasaare badan dhaliyey oo gelinkii dambe ee Axaddii toddobaadkan agu weeraray Hotel Jasiira ee magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay inuu fuliyay Nin Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Jarmalka oo ka yimi magaalada Bon ee Jarmalka oo la sheega inuu degganaa.
Warar laga helayo ilo ku dhow Hay’adaha Amniga dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xaqiijinaya in Ruuxa weerarka fuliyay uu yahay Soomaali-Jarmal, balse aan magaciisa weli la sheegin, inkastoo wali ay socdaan baadhitaanno arrintaas la xidhiidha.
Khuburo Ajaaneb ah oo ku Xeel-dheer baadhitaanka Hidda-sidaha DNA-ga loo yaqaanno, ayaa ka qaaday goobta Qaraxu ka dhacay qaybo ka mid ah jidhka qofkaas weerarka is-miidaaminta ahaa fuliyay oo googgo’ay, si ay baadhis ugu sameeyaan.
Inkasta oo ay Laamaha Amniga dawladda Soomaaliya aanay weli si rasmi ah uga hadal Ruuxa fuliyay weerarka, ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Al-Shabaab isla markii uu qaraxu dhacay sheegatay in ka dambeeyeen oo ay iyagu leeyihiin Masuuliyadda weerarkaas oo ay 20 qof ku dhinteen, kon kalena ku dhaawacmeen, iyagoo dadka dhintay ay ku jireen Laba Weriye oo ka hawlgalayey Telefeshinka Universal iyo Diblamaasi Shiine ah (China).
Sidoo kale, weerarkaas Hoteel Jasiira, ayaa ahaa mid aan hore uga dhicin noociisu Soomaaliya isagoo ahaa mid xooggan oo laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir oo dhan, isla markaana loo adeegsaday Gaadhi weyn oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaasoo baabbi’iyey Huteelkaas iyo Dhismayaashii ka agdhawaa intooda badan.
Al-Shabaab, ayaa sheegtay inay weerarkan Huteel Jasiira ee Muqdisho ay ka fulisay ahaa mid ay kaga aar-gudanayso dad ay sheegeen in Ciidammada dawladda Itoobiya oo ka tirsan kuwa Midawga Afrika ee dagaalka kula jira Al-Shabaab ay kaga dileen dagaallo toddobaadyadii u dambeeyey ka socday deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfurta dalka Soomaaliya oo ay Ciidanka dawladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo dhinac ah u dhexeeyey.
Hase-yeeshee, maaha markii ugu horreysay ee ay Al-Shabaab Qarax ka fuliso Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, balse marar badan oo hore ayay qaraxyo lagu hoobtay ka fulisay Huteello Ganacsi oo ku yaallay Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Huteellada Sky iyo Siyaad oo intii lagu jiray Bishii Ramadaan ay kooxdu weerarro toosa iyo kuwo qaraxyo ahba ku qaadday, waxaana ka horreeyey Huteello badan oo ay hore uga fulisay weerarro noocan oo kale ah, inkasta oo la sheegay in kan Huteel Jasiira ahaa kii ugu xoogga badnaa.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment