Monday, July 27, 2015
Guddoomiyaha Maxkamada Dastuuriga Oo Soo Dhaweeyay Isku shaandhaynta Madaxwayne Siilaanyo Ku Sameeyay Garsoorka.
Hargeysa July 27, 2015(Himilo) Guddoomiyaha Maxkamada Dastuuriga Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa ka hadlay isku shaandhaynta madaxwayne siilaanyo ku sameeyay garsoorayaasha maxkamada sare.
Guddoomiyuhu waxaa uu uga mahadceliyay madaxwayne siilaanyo go’aanka wanaagsan ee uu qaatay isagoo xusay inuu keenay garsoorayaal baahi wayn loo qabay.
Qoraalka Guddoomiye Aadan Xaaji Cali kaga hadlayo magacaabista madaxwayne Siilaanyo ayaa u dhignaa Sidan:-
“Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo ta Dastuuriga ahi waxa uu uga mahadnaqayaa madaxwaynaha Jamuuriyadada Somaalilad kordhinta uu ku sameeyey Garsorayaasha maxkamada sare iyada oo ka turjumaysa baahida loo qabo Garsoorayaal Dacwadaha dhaqaajiya. Madaxwaynuhu waxa kale oo uu tixgaliyey talooyinkii uu u soo jeediyey Gudoomiyaha Maxkamada sare iyada oo garsorayaasha la magacaabay ay yihiin dadkii u qalmaayey oo ah dad khibrad dheeraad ah u leh kuna soo dhex jiray Garsoorka muddo dheer isla markaana waxbarasho sharci oo sareeya leh.
Waxaan rajaynayaa in ay wax weyn ka tari doonaan dib u habaynta cadaalada iyo waliba dacwado kor u dhaafay 300 (saddex boqol oo dacwadood) oo mudo dheer maxkamadaha iska dhex yaalay una baahan in laga garnaqo.
Garyaqaan Adam Xaaji-Cali Axmed
Gudooomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga
Ahna Gudoomiyaha Gudida Cadaalada
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment