Wednesday, July 22, 2015
Af-Soomaaliga Cusub Ee Dhalinyartu Adeegsato-W/Q: Cali Cabdi Coomay
Erayada cusub Macnahooda
• Korka ka wad…………………………………………………………………sirta ha sheegin
• Buul buu dhisay……………………………………………………………...Naag buu uureeyey
• Casaan baa saaraan…………………………………………………………..dayn baa lagu leeyahay
• Afkaa dheeraaday……………………………………………………………….wuu gaajoonayaa
• Waa sidii kale……………………………………………………………………waxba ma hayo
• Gor-gor baa saaran……………………………………………………………waa xayraan
• Indhahaa cas……………………………………………………………………wuu xaraaroonayaa
• Maad I qaadi……………………………………………………………………wax maad ii dhiibi
• Roobaa ku da’ayaa………………………………………………………….wuu fikirayaa
• Haygaga shuban…………………………………………………………….khiyaaliga iga daa
• Waa laga habaystay………………………………………………………waa la siyaasadeeyey
• Waad dhiiqaysaa…………………………………………………………..waad maraysaa
• Liidkuu raacayaa……………………………………………………………naag buu sugayaa
• Khuruush buu u baxay……………………………………………………balan buu leeyahay
• Injection-kaad badsatay……………………………………………….galmada ayaad badisay
• DNA-da ka qaad…………………………………………………………….waa qabiilkee?
• Toosh buu daba qaatay…………………………………………………wuu ka daba-qayliyey
• Cirkuu galay………………………………………………………………………wuu dhoofay
• wuu ku qarxiyey……………………………………………………………………wuu ku caddeeyey
• luuq buu ku jiraa……………………………………………………………………wuu guursaday
• wuu tigtigan yahay……………………………………………………………….waa tahriib
• yaasiin kaa dhaafay…………………………………………………………………miinaa la qaraxday
• wuu baxsan yahay……………………………………………………………….. sheekada lama socdo
• ducadii ma timid…………………………………………………………………….biilkii ma yimid.
• Nalbuu shitay……………………………………………………………………………sirtiisuu sheegay
• cid kale ayey u rarantahay ……………………………………………………qof kalay la sheekaystaa
• Nabad iyo jacayl ma haysaa…………………………………………………xashiishad ma haysaa
• Muftaaxa qaado…………………………………………………………………..waxba ha u sheegin
• Waa san-gorofle…………………………………………………………………. Waa badow
• Nakh-nakhuu gaadhay……………………………………………………….wuu mirqaamay
• U goo……………………………………………………………………………………halkaa kaga hadh
• Hoog buu ku jiraa………………………………………………………………….waa bilaa camal
• Bayl buu daacayaa………………………………………………………………..waa bilaa lacag
• Qoosh buu garaacayaa………………………………………………………..arrin ma hayo
• Riyahaa toosiya…………………………………………………………………..gurigiibaa laga eryay
• Tii xaqa ahayd buu maray…………………………………………………..wuu tahriibay
• naftay dhigeen……………………………………………………………………way tahriibeen
• badduu galay………………………………………………………………………………balwad ayuu yeeshay
• jeebiisaa qoslaya……………………………………………………………………………waa oday lacag haysta
• gaadhigayga maaha…………………………………………………………………….kama helo noocan
• shahaadaa loo dalbay…………………………………………………………………dhaawac baa gaadhay
• miisaan ayaa saaran……………………………………………………………………meel baa laga haystaa
• jilbuhuu aastay…………………………………………………………………………carruur buu dhalay, aabo
• google weeyi……………………………………………………………………………waxba lagama qarin karo
• timuhuu daystay……………………………………………………………………………wuu waashay
• hawo ayuu soo doontay……………………………………………………………….Dibada ayuu ka yimid
• gacantaa dheeraatay…………………………………………………………………wuu shaxaad badatay
• yaa ku lug leh………………………………………………………………………………macquul maaha
• maskaxduu furtay………………………………………………………………….maandooriyuu soo cabbay
• cirkuu galay……………………………………………………………………………wuu dhoofay
• shahaadaa loo dalbay………………………………………………………………dhaawac baa gaadhay
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland.
calicoomay@hotmail.com
Baadhis iyo Xog-ururin
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Labels:
Aragtida Bulshada
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment