Thursday, July 23, 2015
Mucaaradka oo ku adkeystay qabsoomidda Shir ay iclaamiyeen iyo Xukuumadda oo u hanjabtay
“Waanu idinka qabanaynaa umadda haddaad cagaha dhigi weydaan oo sheydaanka iska naari weydaan…nin kasta oo isku daya inuu nabadgelyo-xumo sameeyo, ballan Alle gurigiisa ayaanu ugu galaynaa, markaa waxaan leeyahay hanakalifina….” – Badhasaabka Gobolka Maroodijeex
“Waxay gawaadhi ka soo buuxiyeen ciidan fara-badan, waxaanay galaa-wareegayeen magaalada Hargeysa iyagoo aad moodaysay inay yihiin Jabhad dalka qabsatay…” – Jamaal Cali Xuseen
Hargeysa, 23 July, 2015 (Himilo)- Hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka, ayaa ku adkaystay inay qabanayaan isla markaana uu dastuurku xaq u siiyey inay qabsadaan shirar u gaar ah dastuurku xaq u siiyey inay ay danahooda siyaasadeed iyo ilaalinta dimuqraadiyadda dalka kaga tashadaan.
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo murashaxa madaxweynah aee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo shalay saxaafadda kula hadlay barxadda hore ee xarunta Maxkamadda sare ee Somaliland oo ay u gudbiyeen dacwad ka dhan go’[aamo xukuumaddu ka soo saartay shirka mucaaradku ku baaqeen, waxa sheegeen in sharciga dalku u banneeyey xisbiyada Mucaaradka ah inay isu-abaabulaan shirar ay danta Qaranka iyo Arrimahooda siyaasadeed kaga hadlaaan, isla markaana aanay jirin cid u diidi karta iyo sharci go’nkoodu ka hor imanayo oo nabadgelyada dalka halis gelin kara.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo arrintan ka hadlay, ayaa yidhi, “Shirarkaasi waa shirar waafaqsan shuruucda iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, wixii dastuurka waafaqsanna cid is-hortaagi kartaa ma jirto, xuquuqdaas dastuurka ayaa siiyey Axsaabta. Waxaanu shacbiga u sheegaynaa taladaas iyo shirkaa inay culimadu qayb ka tahay, in ururrada bulshadu qayb ka yihiin, in dhalinyaradu qayb ka tahay, in haweenku qayb ka yihiin, waa shir wada-tashi. Sharciga ayaanu ku soconaynaa, sharcigaanu ku dhaqmaynaa, waanu shiraynaa, shirkiina wuu qabsoomayaa.”
Jamaal Cali Xuseen, ayaa dhaliilay qaabka xukuumaddu uga jawaab-celisay iclaaminta shirka ay mucaarad ahaan ku baaqeen, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay markii u horeysay taariikhda Somaliland ee Xisbiyada mucaaradka ah cago-juglayn lagula kaco.
“Saddexda xisbi qaran xilalbaa la kala siiyey. Midi waa xisbiga ku guulaysta talada qaranka, laba xisbi mucaarad ee kale waxa awood loo siiyey inay xukunka ku ilaaliyaan xisbiga talada loo dhiibay. Maanta halka dalkeenu marayo, waa markii u horeysay taariikhdeena ee labada xisbi mucaarad layidhi ma tashan kartaan oo ma shiri kartaan,” sidaas ayuu yidhi Jamaal.
Isaga oo hadalkiisa wata, waxa uu yidhi, “Xalay (habeen hore) xukuumaddu iyadoo isku laba rogaysa, hadday tahay wasiirradeeda iyo hadday yihiin taliyeyaasha ciidamada, waxay gawaadhi ka soo buuxiyeen ciidan fara-badan, waxaanay galaa-wareegayeen magaalada Hargeysa iyagoo aad moodaysay inay yihiin Jabhad dalka qabsatay, waar annagu dalka khal-khal gelin mayno, ciidan ma wadanno, qori ma haysanno, wixii dastuurku awood noo siiyey ayaanu samaynaynaa.”
Haseyeeshee, waxa si adag uga hanjabay Xisbiyada mucaaradka Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cumar-jeeni oo shalay warfidiyeennada kula hadlay xafiiskiisa, waxaanu yidhi, “Annagu gobolkii Maroodijeex banu nahay, caasimadda dalka weeyaan halkani, cid kasta oo isku dayda inay nabadgelyo xumo samaysa, dee gurigooda ayaanu ugu galaynaa, shacabkani uma baahna cid dib u celisa oo tidhaahda waanu duminayna. Hadduunu gobolka Maroodijeex nahay waxaanu ballan-qaadaynaa Odayaashaasi waxay ku hadleen haddaanay ka waantoobin, yaanay naga cabanin. Caruurihiina dibadda ayay joogaan intiina badan, ma waxaad doonaysaan inaad carruuraha dadka nabadgelyada kaga ciyaartaan? Waanu idinka qabanaynaa umadda haddaad cagaha dhigi weydaan oo sheydaanka iska naari weydaan, cid odhanaysa dawladnimadaanu burburinaynaa, ma suuroobayso, nin kasta oo isku daya inuu nabadgelyo-xumo sameeyo, ballan Alle gurigiisa ayaanu ugu galaynaa, markaa waxaan leeyahay hanakalifina.”
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa jawaab ka bixiyey go’aanka Xisbiyada Mucaaradka ku shaaciyeen shirka ay ugu yeedheen Talo-qaran, kaas oo uu ku tilmaamay mid lagu waxyeellaynayo midnimada iyo wax-wada lahaanshaha Shacabka Somaliland.
“Arrimaha aynu ka maqlayno iyo waxa la qabanayaa shir-qarameed, dowladi ma jirayso, wakhtigii dowladdu wuu dhammaaday, waxaas waxaan u arkayaa cid aan danaynaynin wada-jirka Somaliland, cid aan ka fikiraynin xaaladda ina hortaalla. Ninka doonaya inuu qabto hoggaanka dalka, waa inuu ixtiraamaa wada-lahaanshaha iyo xeerarka Qaranka,” Sidaas ayuu yidhi Md Abgaal.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Haddii aynaan xil iska saarin rabitaanka oo aynaan ka wada-shaqaynin, shirarka laga sheekaynayo iyo arrimaha la hadal-hayaa maaha tii Somaliland.”
Hargeysa, 23 July, 2015 (Himilo)- Koox dhalinyaro ah, ayaa shalay magaalada Hargeysa ka dhigay Muharaad salmi ah oo noociisu ugub ku yahay Somaliland, kaas oo ay kaga dareen-celinayeen isbeddelka ku yimi hab-dhaqanka bulshada ee dhinaca Guurka iyo saamaynta uu dhalinyarada ku yeeshay kharashka tirada badan ee wiilka guur-doonka ah looga baahan yahay inuu bixiyo.
Dhalinyaradan oo bannaan-baxan looga ololaynayo arrintan ku soo bandhigay Hoteelka Maansoor ee Hargeysa, iyagoo sita boodhadh ay ku xardhan yihiin hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin ‘Weli waxaan ahay Doob’, kaas oo ay ku muujiyeen in dhalinyaro badan oo reer Somaliland ahi u guursan la’ yihiin isla markaana kharashka xad-dhaafka ah ee dhaqanka u noqday Xafladaha Meherrada iyo Aroosyada.
Dhalinyarada oo shalay Hoteelka Maansoor kaga qayb-gashay munaasibadda Meherka Suxufi ka tirsan Hawl-wadeennada Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta isla markaana ay ka qayb-qaleen suxufiyiin tiro badan iyo dadweyne kale, ayaa markii ay munaasibaddu dhammaatay ee bannaanka loo soo baxay, waxa mar kaliya loo qaybiyey dhalinyarada boodhadhka uu ku xardhan yihiin hal-ku-dhegga ah ‘Doob ayaan ahay weli’, kuwaas oo ay soo daabacday mid ka mid ah shirkadaha daabacaadda Xayaysiisyada oo dhowr ka mid ah shaqaalaheedu ka qayb-galeen munaasibadda.
Sawirrada laga qaaday dhalinyarada Ololahan shalay ku koobnaa isu-abaabulay, ayaa lagu baahiyey baraha bulshadu ku kulanto oo Facebook-gu ka mid yahay, iyadoo doodo xiiso badan ka dhex-abuurtay dhalinyaro badan oo isticmaasha baraha Facebook iyo Twitter-ka
Dhowr bilood kahor ayay ahayd markii ay culimada Hargeysa qaarkood ka hadleen saamaynta xad-dhaafka kharashka ku baxa Aroosyada iyo Meherku ku yeesheen guurka dhalinyarada, iyagoo ugu baaqay Lammaanaha Is-guursanaya iyo Qoysaskooda in xaddiga kharashka ku baxa Meherka lagu jaangooyo lacag aan ka badnayn Shan Boqol oo Dollar ($500) si loo dhiirri-geliyo guurka dhalinyarada.
Haseyeeshee, soo-jeedinta talada culimadu wax taageero ah kama helin bulshada iyo Xukuumadda oo ay ahayd inay dhiirri-geliso Guurka dhalinyarada iyo dhismayaha Qoys Caafimaad-qaba oo ku soo biira bulshada.
Sida ay sheegeen dad si gaar ah ugu kuur-galay cel-celis ahaan kharashka ku baxa ama looga baahan yahay wiil guur-doonka ee ku nool Somaliland, ugu yaraan inta u dhaxaysa Toban kun ilaa Shaniyo Toban Kun, ayaa ku baxa Meherka iyo Arooska Lammaanaha Is-guursada ee ku dhaqan Somaliland.
Marka laga yimaaddo saamaynta uu hab-dhaqankani ku yeeshay Guurka Dhalinyarada, waxa kale oo aan meesha ka maqnayn Shaqo la’aanta baahsan ee haysata Dhalinyarada.
Qaybo ka mid ah warkan waxaanu ka soo xigannay Shabakadda Wararka Somtribune.com.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment