Muqdisho July 29, 2015(Himilo)-Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Key ayaa maanta si wada jira u furay shir Lagaga hadlayo Hiigsiga 2016 iyo qorshaha dawladda somaliya.
Shirkan waxaa ka qayb galay 12 Ergo oo laga soo kala xulay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xukuumada, Maamuladda KMG ah sida Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaa kale oo ka qayb galaya xubno ka socda Beesha Caalamka.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh oo hadal furitaan ka jeediyey shirka ayaa sheegay in ujeedada shirkani uu yahay sidii looga doodi lahaa barnaamijyada Hiigsiga 2016-ka oo ay ka mid tahay sidii dalka Doorasho uga dhici lahayd iyo baahinta nidaamka federaalka.
Shirkan oo socda imika ayaa lagaga doodayaa arimaha barnaamijka hiigsiga2016ka, waxaana shirkan aan kasoo xaadirin maamulada puntland iyo Jubaland oo iyagu hore u sheegay in laga leexday jidka hiigsiga 2016ka.
Waa markii u horaysay ee shir caalami ahi ka dhaco dalka somaliya ilaa sanadii1991kii isagoo shirkii kan ka horeeyayna uu ka dhacay Magaalada Copenhegan ee dalka denmark.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment