Washinton July 23, 2015(Himilo)-Wakiilka dawlada Djabuuti u fadhiyay qaramada midoobay isla markaana ahaa safiirka dalkaasi u fadhiyay dalka maraykanka Md Rooble Colhaye ayaa geeriyooday maalintii shalay.
Safiirka ayaa u dhintay xanuun aan la garanayn sida uu warbaahinta u sheegay Cabdirahman Daahir oo ah ganacsade reer Jabuuti ah kuna sugan magaalada Minesota ee dalka maraykanka.
Marxuum Rooble Colhaye waxaa loo magacabay safiir u Jabuti u fadhiyay golaha Qarama midoobay sanadkii 1994kii.Waxaa uu hore uga soo shaqeeyay haayadaha UNEP iyo UN HABITAT isagoo marna noqday safiirka dawlada Djabuuti u fadhiya dalka Kenya.
Safiirku waxaa uu dhashey April 24, 1944, Waxaa uu ifka kaga tagay hal xaas iyo shan caruura.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment