Hargeysa, 25 July, 2015 (Himilo)- Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa maanta si rasmi ah uga furmaya shirweynaha Gole ay ku midaysan yihiin Shakhsiyaad da’a yar oo ka midho dhaliyey ganacsiyo ay fekerdooda curiyeen isla markaan guulaystay, kuwaas oo isaga kala yimi in ka badan 50 Waddan oo Adduunka ah, waxaana shirkan furaya madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo socdaal ku imanaya dalka Kenya.
Kulan-weynahan oo sannadkiiba hal mar la qabto, waxa Somaliland uga qayb-galay Mulkiilaha Hudheelka Summer-Time Restaurant ee magaalada Hargeysa, Siciid Sheekh Cumar oo Khamiistii dorraad Safar ugu baxay Magaalo-madaxda dalka Kenya ee Nairobi, halkaas oo uu kaga qayb-gali doono shir caalami ah oo ay isugu imanayaan Shakhsiyaad Da’ yar ah oo ka midho-dhaliyey Ganacsiyo ay Iskood u hal-abuureen, kaas oo loo yaqaano Global Entrepreneurship Summit (GES).
Shirkan oo noqonaya kii lixaad ee la qabto tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2009-kii, isla markaana ay ka soo qayb-galayaan 150 qof oo Guulo la taaban karo ka gaadhay ganacsiyo ay iskood u abuureen, waxa uu Ganacsade Siciid Sheekh Cumar ka mid noqday laba qof oo Mandaqada Geeska Afrika uga qeybgalaya shirkaas oo socon doonta inta u dhaxaysa 25 ilaa 26 bishan July 2015-ka, waxaana fikirkii lagu aasaasay Golahan iska leh Madaxwaaynaha Maraykanka Barack Obama oo shirkii ugu horeeyay ka furay Magaalada Qaahira ee waddanka Masar sannadkii 2009-kii.
Ganacsato tiro badan, maalgashadayaal iyo madax tiro badan oo adduunka ka socday, ayaa lagu wadaa inay ka qayb-galaan shirka oo uu furi doono madaxweyne Obama maanta.
Ganacsadaha da’ada yar ee Siciid Sheekh Cumar ayaa nasiib u helay inuu noqdo ganacsadihii u horeeyay Somaliland ee hela fursad uu kula kulmo Madaxwaynaha waddanka Maraykanka Mr. Barack Obama marka uu Sabtida maanta ka qayb-galo shirka caalamiga ah ee curiyayaasha Adduunka (Global Entrepreneurship Summit [GES]).
Ganacsade Siciid Sheekh Cumar oo da’diisu tahay 37-jir, ayaa iska leh Hudheel Summer-Time oo caan ka ah Hargeysa, isaga oo ganacsigiisa ka bilaabay Dukaan yar oo Shaaha iyo Bunka lagu iibiyo sanadii 2003-dii.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment