Wednesday, July 29, 2015

“Madaxweynaha Caqliga leh ee Furfurani, waa Madaxweynaha ku-xigeenkiisa mashquuliya”

Hargeysa, 29 July, 2015 (Himilo)- Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa isbar-bar dhig ku sameeyey nidaamka maamul ee xukuumaddii UDUB iyo Xukuumadda Xisbiga Kulmiye iyo heerarkii ay gaadhsiisnaayeen wada-shaqayntii u dhaxaysay madaxweynayaashii iyo ku-xigeennadii labada xukuumadood ee soo qabtay talada hoggaamineed ee dalka.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo waxa uu sheegay in booska Madaxweyne ku-xigeenku yahay shaqo lagu barto Samirka iyo Dulqaadka, nin kasta oo shaqadaas hayana looga baahan yahay inuu dul-qaad u yeesho caqabad kasta oo ka hor timaadda, isagoo ku dooday in isaga iyo madaxweyne Daahir Rayaale oo booska ku-xigeenka soo qabtay xilligii xukuumaddii Madaxweyne Cigaal ay waayo-aragnimo iyo Samir ka dhaxleen shaqooyinkaas, sidaas awgeedna aanu badnayn khilaafkoodu, haddii uu yimaaddana ay gudahooda ku dhammaysan jireen, waxaanu hab-dhaqan dowladnimada ceeb ku ah ku sheegay in khilaafka madaxweyne iyo ku-xigeenkiisu dibadda u soo baxaan, isagoo ka hadlayey ismaan-dhaaf dhexmaray madaxweyne Siilaanyo iyo Saylici oo tiraba dhowr jeer khilaafkoodu dibadda u soo baxay.

“Ninka madaxweyne ku-xigeen noqdaa wuxuu ku bartaa Samirka. Daahir Rayaale wuxuu ka soo gudbay Samir, Aniguna waxaan ka soo gudbay samir. Markii aan xilka wareejinayeyna waan u sheegay isaga (Saylici), madaxweyne ku-xigeen kasta waxaan leeyahay halkaas waxa lagu bartaa Samir,” Sidaas ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin oo shalay u warramay telefishanka STAR.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Labada masuul ee iska hooseeyaa hadday is khilaafaan waa inay ku xalliyaan xafiiskooda oo aanu dibada u soo bixin, waa wax ka caaggan nidaamka dowlnimo. Bini’aadamku wuu isqabsanayaa, waanu iska hor imanayaa, laakiin waa ceeb inuu xafiiska gudihiisa dhaafo.”

Mar la weydiiyey xidhiidhkii u dhexeeyey isaga iyo madaxweyne Daahir Rayaale, waxa uu ku jawaabay, “Khilaafkayagu muu badnayn oo Daahir Rayaale wuxuu ahaa nin dulqaad badan, hadday jireen oo khilaaf yimaaddona, Xafiiska ayaanu ku xalin jirnay.”

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ku taliyey in madaxweyne ku-xigeenka qayb laxaad leh laga siiyo hawlaha xukuumadda si meesha looga khilaafaad yimaadda, waxaanu yidhi, “Madaxweynahan iyo kuwa soo socdaba waxaan leeyahay, madaxwaynaha furfuran ee isku kalsooni, waa madaxwaynaha ku xigeenkiisa u dhiiba shaqo, Axmed iyo kuwa ka dambeeyana waxaan leeyahay si aanu u abuurmin wax khilaaf ahi, Madaxwayne ku-xigeenka waa in la mashquuliyaa.”

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment